Caruurta oo loo fududaynayo sharciyada

11

Dowlada Sweden iyo xisbiga Miljöpartiet ayaa heshiis ku gaaray in caruurta magangalyo doonka ah loo fududeeyo bixinta tobiassharciga. Heshiiska ayaa ka dambeeyay ka dib markii wasiirka socdaalka eedeymo loo soo jeediyay isbuucyadii la soo dhaafay.

Heshiiska ayaa macnahiisa yahay in hoos loo dhigayo shuruuda lagu xirayo dadka sweden isaga dhiiba 18 sano ka yar. Waxaa isbedel lagu samayn doonaa sharciga Sweden ee ku saabsan ajaanibta. Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa sheegay in heshiiska cusub uu caruur badan fursad u siinayo in ay Sweden sharci ka helaan.

Sharciga cusub ayaa la filayaa in uu dhaqan galo sanadka 2014 bisha Juli. Caruurta horay diidmada loo siiyay ayaa marka sharciga uu dhaqan galo waxaa dib loo eegi doonaa kiisaskooda. Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa ku sheegtay heshiiska in uu noqonayo mid gacan furan ku soo dhaweynaya caruurta magangalyo doonka ah.

Dowlada uu hogaamiyo raysal wasaare Reinfeldt iyo xisbiga MP ayaa sanadkii 2010 ku heshiiyay in ay ka wada shaqeeyaan arimaha Socdaalka. Heshiiskaas ayaa ka dambeeyay in dib loo furo mideynta qaar ka mid ah reeraha Soomaalida. Balse heshiiska cusub ayaan u muuqan mid saamayn weyn ku yeelanaya qoysaska Soomaalida ee horay loo diiday. Qaasatan kuwa aan caruurta isku dhalin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here