Home Wararka Caalamka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterresoo ku tilmaamay Golaha Ammaanka ee...

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterresoo ku tilmaamay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu yahay “Gole ma dhalays ah”

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku tilmaamay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu yahay “Gole ma dhalays ah”, kaas oo, sida uu sheegay, caqabad ku ah xal u helidda dhibaatooyinka, laga bilaabo Ukraine, Myanmar illaa Bariga Dhexe.

Isagoo ka hadlayay Furitaanka Madasha Dooxa ee kow iyo labaatanaad oo subaxnimadii Axadda ka bilaabatay caasimadda Qatar, Guterres waxa uu sheegay in tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay Marinka Qasa ay tahay “mid aan horay loo arag”, iyo in nidaamka caafimaadka ee halkaas ka jira uu “burburayo.” “gaar ahaan xaaladda ka sii daraysa ee ku saabsan cudurrada faafa, iyo suurtagalnimada dadka deggan inay ka guuraan Marinka Qasa.

Masuulka Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in Golaha Ammaanku uusan ilaa hadda awoodin inuu soo saaro qaraar xabbad-joojin oo ka hirgasha Marinka Qasa, isagoo ku nuux-nuuxsaday in “aysan is dhiibi doonin” marka la eego dadaallada la sameeyay.

Dhiniciisa, Philippe Lazzarini, Isu-duwaha Guud ee Hay’adda Gargaarka Qaramada Midoobay ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA), ayaa sheegay in xaaladda Qasa ay tahay “musiibo,” isaga oo u tixgeliyay “xaaladdii ugu xumeyd ee uu abid arko noloshiisa. In ka badan hal milyan oo qof ayaa ku nool hoyga UNRWA kuwaas oo raadinaya gabaad aan la heli karin.”, sida uu hadalka u dhigay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here