Home Wararka Denmark Denmark ku dhawaad 1,605 qof oo laga helay Corona 24 saac ee...

Denmark ku dhawaad 1,605 qof oo laga helay Corona 24 saac ee lasoo dhaafay

0
Photo Jil Yngland / NTB

1,605 qof ayaa laga diiwaan geliyey infekshinka coronavirus 24 kii saac ee la soo dhaafay . Lix qof ayaa dhimatay gudaha Denmark.

 tirakoobkii ugu dambeeyay ee machadka Statens Serum Institut ayaa lagu cadeeyay tirada Xanuunka corona ee soo kordhay.

Heerarka infekshan ee maanta waxay ku saleysan yihiin 77,754 oo laga qaaday tijaabo. boqolkiiba 2.1 dadka la baaray ayaa laga helay xanuunka Corona.

cusbataallada Denmark waxa jiifa 267 qof oo qaba coronavirus. Tiradaas ayaa mid kor u kacday ilaa shalay. 38 ka mid ah bukaan-jiifka waxay ku jiraan qaybaha daryeelka degdegga ah, halkaasoo 28 kamid ah ay helayaan daaweynta neefsashada.

degmooyin ku yaal agagaarka caasimadda ayaa ugu badan Xanuunka – ka dibna degmada Helsingør ee Waqooyiga Zealand – halkaasoo infekshanku ugu badan yahay. Iyada oo 424.9 uu cudurkaan sameeyay marka loo eego 100,000 qof, degmada Herlev waa degmada ugu daran Denmark.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here