“Cayrta waalidka ha laga yareeeyo si ay u shaqeystaan”

Lacagaha cayrta ah ee la siiyo waalidiinta soo galootiga ah ayaa lagu taliyay in laga yareeyo si ay u shaqeystaan. Warbixintaan oo ay soo bandhigeen quburo ay Dowlada u xil saartay in ay arintaan baaritaan ku sameeyaan ayaa lagu sheegay in lacagaha waalidiinta la siiyo ay maxbuus ka dhigaan waalidiinta oo fasax isaga jira halkii ay ka shaqeysan lahaayeen.

Gudigaan ayaa ku taliyay in lacagtaan lagu xiro da’da caruurta, waxay sheegeen in waalidiinta ku cusub Sweden ee caruurta waaweyn wata laga yareeyo waqtiga ay lacagta qaadan karaan.

Lacagta loo yaqaan föräldrapenning oo gaareysa 5400 bishii ayaa waxaa xaq u leh dhamaan waalidiinta cusub oo  xitaa wata caruurta ay da’dooda tahay 5 sano, gudiga ayaa ku taliyay in la yareeyo lacagtaas. Gudiga ayaa sidoo kale ku taliyay in guud ahaan la joojiyo lacagta loo yaqaan vårdnadsbidraget ee daryeelka caruurta oo gaareysa 3000kr. Lacagtaas ayaa waxaa xaq u leh waalidinta caruurtooda u dhaxeyso 1-3 sano ee aysan caruurtooda tagin xanaanada.

Wasiirka isdhexgalka ayaa sheegay in uu arintaan dib u eegayo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. Magaceeygu maa kulmiye maxamuud kulmiye says:

    Aniga waxaadhih lahaay dadakaas yaa laga yareen lacakta oo halugu dhira galiyo ineey waxbartan iyo iney shaqestaan labadadaba halugu dhira galiyo iyagaa dana hoda garan doonan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  2. ABDI YARE says:

    Asc dhaman asxabta mida kale waxay aniga ila tahay wadanka in ay heestaan cunsuriyaal is cadeeyay kuwa is qarinaayo marka waxan dhihi lahaa somaliyey fadhiga ka kaca oo aan ka dhax muqano shaqoyinka iyo wax barashada iwm aan noqono dad isku duban

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  3. Abuxudayfah { Hareeri Dheere } says:

    Bataatanba Ceyr wax la yiraa yaan la sheegin ayaan oran lahaa aniga !!!!!!

    Ama dadka halagu Cariiriyo halagu dhibo , haddii dadka bilaa dhib afka loo gelsho lacag miyaa awal la shaqaysanaayay !!

    Wallaahi Soomaalida waa dad , firfircoon , balaayose waxay ku dhigeen haddii ay lacag , bilaash kusoo gasha arkeen miyay is dhabayaan !! Koofur Afriac , Malaysia , Maraykanka , Carbaha , Kenya , Duabi sida ay uga gacancsadaan wa ala yaqaan , sidaa awgeed Swden ceyrtaa nala hartay !!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  4. faiza says:

    asc aniga maba umaleynaayo in waalid soomaliiyeed uu jiifanaayo asaga ama ayda oo shqo ujeeda taasna waa mid noo ah caado sidaaynu unahay soomali shaqo lee yaasiiyo ayeey ka taagan tahay waalidiinta soomaaliyeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. said says:

    asc waarin cusub markaa waan laga kacaa fadhiga itaan lacagta la idinka jarin waa inaa shaqatagtaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. maxamed says:

    wad salaman tihin walalaha somaliyad anigu waxan layaba sweden ma wax nafle markii horeba bixin jirtay war waxan mesha kuqadana wa wax yar oo dhiga nagu kiiciyay marka anigu waxan u sheegilaha sweden haiska gosato dadkii joogay afrikana waxay leyihin waxad joogtan yurub ee maxad wax u sodiri ladihin yaa wax u sheega sweden xataa dadkii aan kaga sotaknay somaliya ayey nagu diran oo laleyahay markad afrika jogtay wad ficnad ee sweden wax haku qabato

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. mr jibka says:

    asc dhamaan akhyaarta waxaan anigigu qabaa in dhamaan somalida caydha laga joojiyo si ay ugu khasbanaadaan inay guryaha iyo goobaha fadhi ku dirirka uga soo baxaan oo bulshada u dhex galaan iyagoo raadinaya nolol iyo meelo ay ka shaqaystaan
    hadiise saan lagu sii jiro waa ina gumeednimo ayaan qabaa anigu
    waana laayay!!!!!!!!!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. daade yare says:

    aniga wexey ilatahay dhamaan lacaktaas in lajoojiyo sababtoo ah qofka daniihiisa ayaa kujira mahad sanit waana kuraacsanaay quburada

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. maandeeq says:

    scw wan idin salamay.
    walaalyaal sweden inta kuool way ogyihiin sidii shaqo loga heli laha mahan sahal.
    lacagta ay bixiyaan ee cayrta ah run ahaan ti waa lacag aad u yar oo aan ba ka
    badneen cuno iyo kiro,hadeen.
    hadeey yareeyaan rizqiga ilaaah baa bixiya.
    dadka isku mid maahan somaalida badana way shaqaysan lahaayen haday helayaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. nasir jilacow says:

    asc..horta in la shaqeysto wey fican tahay dhan walbo lakiinsa suasha mesha talo waxey tahay dalkan shaqo ma leyahay sidaan og nahay wadankan qasho yari ayaa ka jirta midakale wadankan laguma ganacsankaro somalida waa dad ganacsada marki hadii ey dowlada dhaheyso ninkii kheyrkii loxiirayo so qoyso…..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. abdirahman says:

    Anigu waxaan dhan lahaa sweden arrimaha shaqooyinka ha fududayso iyo sid loo helo. Caydh cidina ma rabto xataa waxba ma tarto si kastoo qofku u qaato .muhiimadu waa suuqa shaqada ooo la furo dadka soo galootiga cid guri fadhiyaysaa ma jirto .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. nuuradiin says:

    aniga waxaan sweden soogalay 1987 ilaa hadana wiligey macuninin lacag ceer ah marka waxaan kuboorin lahaa dadka in ey sideeydookale ushaqeeystaan sababtoo ah waxaalayaray biyo sacbahagaa ayaa looga dhargaa ee soomaliyyeey ninki kuyiray kac oo shaqeeyso waxba kuuma dhimin ee waxba yaan lescalool xumeen ee halashaqeysto dowlada swden waxaan qabaa in ey lasoodaahday arintaan oo marhore laga rabay waxaan leeyahay waan soo dhaweynayaa arintaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  13. jaamac says:

    a,s,c,dhamaan bahda soomaliska .com salaan kadib waxaan rabaa xaasitkaan nuradin labaxay asaga miyaa noodiidan gaaladaan wixi ilaahey nagasiiyay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  14. najmo says:

    a,s,c,dhamaan salaan kadib wilkaan labaxay runti markan kahadlo aniga ceerta wanqataa lkn nuradin warkisana waarun

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. abdi ismail says:

    waan in aan dadlaanaa waa wax sax ah in la shaqeesto we dont want
    to lose aour time cayr iyo wax la mid ah
    måste vakna upp

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. hamdi says:

    asc dhaman umada somaliyeed lacagtan laga hadlayo waa 4000 ama wa 4300 wayo canshuru bay kagooyan 5500 1400 ama 1300 ayaygostan wuugaranaya qofkasta oo ilma kudhala swedan marki sanad uu buxshan ilmuhu dogis bu adaya tasina wa sharci qof micnadaro ufadhiya oo ay laccagkusiyan cidani majirto cayra ayadan waaba silic anigu maqda lakin dadka qata ayan arko iska ooyaya tao ahan shaqaysta ayan iri luuqadanan baran 16 sano wajogna dhib ayay nagutahay bay kuleyihin marka soomli qof ah shaqo uma tilmayan walayaqan dumarka iyo raga somaliyed siday ushaqaystan ee wadankani asaga xir xiran anigu wxan qaba eega wdaamad ayjogan somalidu siday ugamuqdan usa daya wxaan qaba somali cayr majecla shaqo ayago ujoga qof shaqaysanaya 13000 ama 15000 ama 20000 cayr 3000 ah miyuu donaya bal caqliga ka shaqeya ayagan shaqo kuhayn mesha runta hala isu shego somaliya hanoolato somalinimo mujiya kakaca hurdada kacdonka shacabka ka qaybqata wadankena ankufakarno ayahisa somaliya somali baleh somaliyey toosoo kaca toosookaca

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. abuubakar says:

    Arintaan kolayba saan u arko aragtidayda waa arin muhiim ah ceyr inaan qaadano kolayba diyaar uma nihin hadaan soomaali nahay ALLAHANA naga koriyo inaan shaqaysanana diyaar ayaan u dhahay 90% hadaan soomaali nahay waxaa tuugsato iyo waxaad xoogsato oo dhididkaaga ah farqi weyn ayaa u dhexeeyo waana wada ogsoonahay, muhiimada laakiin waxay tahay dalkaan dalkeeni maahan waana ku cusub nahay waxaana naqaana oo kaliya xafiiska shaqada maalin kasta ayaana hortaagan nahay shaqana waan ka weynay marka waa in la waydiiyaa gudiga arintaan soo jeediyay intaysan ka hadlin arintaan marka hore dadka shaqo ma u haayaan haba la arkee soomaalidu inay xaafadaha iska fadhiyaan iyo in kale. wws

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. sooamli says:

    aniga waxeey ilatahay inay arintan ay tahay cunsuri nimo sababtoo ah waa la ogyahay sweden qofka markuu imaado in lagu xujeeynayo in uu luuqada barto waxaan ognahay in ay adagtahay si loo barto waxaan kaloo ognahay qof aan luu qad aqoonin iskadhaafee kii luuqada bartay xitaa shaqo maheli karo haduusan wax baranin marka hadii aan soomali nahahy wey yartahay qof wax soo bartay marka sweden qubaradooda waxaan dhihilahaa arintaa dib ha u fiiriyaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. massago says:

    dadka waxaa iskaga daran runtii ceeyr mala dhaho lacagta qofka markoow soo galo lasiiyo soo dhawenta ayaa la dhahaaa ilaa 2-3 sano qayaasti 300 000awna qofku xaq u lee yahay intow kala qabsahaaa warka iyo waxqabadka intaas mugoow joogo hadaw wax qabsa waayo waxa lasiinaaa aala dhahaa ceeyr oo ku dhimo ah, muga hadaan u soo laabto arinta quburaha sheedaan waxeey naqahee ineey jidka u istagaan 100-ki hooyo calaseey iyo aabe caliyoow mana suura galeeyso

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  20. Sopa under Mattan says:

    Ku Massago

    Walaal waxa tiri lacagta labada sano , ee hore Caydh maahan ee waa lacag aan xaq u leena ??

    Bal fasir sidee xaq ugu yeelatay ?
    Goormaa horta wadanka Xaq ku yeelatay ?

    Hala kala badho , hadalka ayaan qabaa , War ninyahow ma ogid miyaa inSwedhishka Skatt-ka laga gooyo ee dhuunto wada go’anta ciil awgiis !!

    Markaa ayaa adna leeya Xaqaan u leeya !!

    Caydhii Soomaalidu ma waxay tiri Xaqbaan u leeya!!

    Yaan lagugu qoslin ,soo dhawayn way tahay , balse Ajnabiga kale inta aysan 6 bil qaadan ayay ka shaqo helaan , Soomaaliduna halkaan unbeey dhalinyaro iyo waawaynba dhawrayaan , markaa ayaa waa Xaq lasuu taaganta CEEEEB CALAYK

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Ibnu julux says:

    Asc dhaman aqyarta ceyrta sidedaba in laga jaro aya wanagsan qaxotiga si ey ushaqeystan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. canab says:

    asc dhamaan waan idin salaamey soomaliyeey meel walba aad dunida ka joogtin salaan ka dib wey wanaagsan tahay qofka bina aadanka inuu xoogiisa ku shaqeysto laakinse qalad baan u arkaa in oo waalidiinta wadanka ku cusub oo caruurta yar wata in oo ay ka jaraan inta cayrta ay siin jireen ma,aqaano waxaan ku tilmaamo waa wax cajiib ah maalin ba maalin kii ka sii danbeeyo sharci cusub ayaa wadankaan ka soo baxa anaga ayaa soo raadsadey marka waan inaan tooda yeelnaa marka dadka qaarkood oo yiraahdey mar hore ayaa laga rabey ee wey la soo daahen qofkaas figradiisa qalad baan u arkaa .ascwwb.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0