Ciid Wanaagsan! Barnaamijka munaasabada ciida. Nambar Qabso!

114

Ciid Wanaagsan ayaan leeyahay dhamaan akhristayaasha sharafta iyo qiimaha leh ee ku xiran boggaan Somaliska.com – Waa xili farxad iyo reyn reyn ay ku dheehantahay. Waa xiligii ay Muslimiinta caalamku muujinjireen midnimada iyo galgacalka.

Waxaan u rajenayaan dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden iyo dalkii hooyo in ilaahay sanadkaan sanadkiisa kale ku gaarsiiyo nabadgalyo, farxad, guul iyo horumar. Waxaan ilaahay ka rajeynayaa in sanadkaan sanadkiisa kale aan ku laaban doono Soomaaliya oo nabadi ka dhacday oo si wadajir ah loo ciidayo.

Anaga oo sharfeyna munaasabada ciida ayaan waxaan 4 qof fursad u siin doonaa 1 sano oo bilaash ay ku dhigan karaan koorsooyinka Teoriga.se.

Qaabka looga qeyb galayo barnaamijkaan waa mid aad wadataqaanaan oo nambar ayaa la qabsanayaa. Waxaan go’aaminay 4 nambar oo ku jira tirada u dhexaysa 1-100. Hadaba nasiib kaaga tijaabi oo ku bilow qoraalkaaga Magacaaga iyo magaalada aad degantahay iyo nambarka aad qabsaneyso. Qofka ku guulaysta email ayaan kula soo xiriiri doonaa.

Fadlan ha qabsanin hal nambar ka badan ama nambar hore loo qabsaday. Tartankaan waxaa ka qeyb qaadan kara dadka ku nool Sweden. Sidoo kale ha iloobin salaamaha iyo hambalyada ciida.

Waxa uu socon doonaa ilaa Axada makhribkii. Insha Allah.

WAA DHAMAADAY BARNAAMIJKA – WAXAA KU GUULAYSTAY NAMBARADA 9 , 41, 7, 85

AD

Comments are closed.