Ciid Wanaagsan! Barnaamijka munaasabada ciida. Nambar Qabso [DHAMAADAY]

106

Ciid Wanaagsan ayaan leeyahay dhamaan akhristayaasha sharafta iyo qiimaha leh ee ku qiran boggaan Somaliska.com – Waa xili farxad iyo reyn reyn ay ku dheehantahay. Waa xiligii ay Muslimiinta caalamku muujinjireen midnimada iyo galgacalka.

Waxaan u rajenayaan dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden iyo dalkii hooyo in ilaahay sanadkaan sanadkiisa kale ku gaarsiiyo nabadgalyo, farxad, guul iyo horumar. Waxaan ilaahay ka rajeynayaa in sanadkaan sanadkiisa kale aan ku laaban doono Soomaaliya oo nabadi ka dhacday oo si wadajir ah loo ciidayo.

Anaga oo sharfeyna munaasabada ciida ayaan waxaan 3 qof fursad u siin doonaa 1 bil oo bilaash ay ku dhigankaraan koorsooyinka Teoriga ama qeybta Luuqada Swedishka. 1 Qof waxa uu ku guuleysan doonaa Teori halka 2 ay ku guuleysan doonaan Swedishka.

Qaabka looga qeyb galayo barnaamijkaan waa mid aad wadataqaanaan oo nambar ayaa la qabsanayaa. Waxaan go’aaminay 3 nambar oo ku jira tirada u dhexaya 1-100. Hadaba nasiib kaaga tijaabi oo ku bilow qoraalkaaga Magacaaga iyo magaalada aad degantahay iyo nambarka aad qabsaneyso.

Fadlan ha qabsanin hal nambar ka badan. Tartankaan waxaa ka qeyb qaadan kara dadka ku nool Sweden. Sidoo kale ha iloobin salaamaha iyo hambalyada ciida.

Waxa uu socon doonaa ilaa Axada makhribkii. Insha Allah.

CIID WANAAGSAN MARKALE. WAA SOO AFJARNAY NAMBAR QABSIGII.

Nambarada lagu guuleysanayay waxay kala ahaayeen 11,38 iyo 81. Hal qof oo keliya ayaa nasiib u yeeshay in uu qabsado nambarka saxda ah 11. Nambarada 38 iyo 81 cidna ma qabsan balse waxaan sameyneynaa in aan gudoonsiino guusha cida qabsatay nambarka ugu dhow 38 iyo 81.

1. Nambarka 11 waxaa ku guuleystay Hassan oo ku nool Fagersta. Waxa uu helay 1 bil oo Svenska ah. 

2. Nambarka 38 cidna ma qabsan, waxaa nambarka ugu dhow qabsaday Mursal oo qabsaday 39. Waxa uu helay 1 bil oo Svenska ah. 

3. Nambarka 81 cidna ma qabsan balse waxaa nambarka ugu dhow qabsaday Shukri Ali oo ku nool Gävle oo qabsatay 82 . Waxa uu heshay 1 bil oo Teori ah. 

INTAAS AYUU KU DHANYAHAY BARNAAMIJKA.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here