Ciidamada Israel oo weeraray doon laga diray Sweden

10

Doon cunto iyo daawo u siday magaalada Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta oo ay la socdeen qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Sweden ayaa ciidamada Israel weerar ku qaadeen oo la wareegeen inta aysan gaarin Gaza.

Doonta oo lagu magacdaray “Estelle – Ship to Gaza” ayaa waxaa soo abaabulay xubno ka tirsan baarlamaanka Sweden iyo kuwo kale oo u dooda xuquuqda bani’aadamka. Israel ayaa horay u sheegtay in aysan ogolaan doonin in wax maraakiib ah ay soo galaan Gaza balse doontaan ayaan dhagaysan arintaas oo ku dhaqaaqday safarkooda.

Saakay subaxnimadkii saacadu markay ahayd 10.00AM ayaa 6 markab oo ay leeyihiin ciidamada Israel waxay weerar ku qaadeen doonida iyagoo durbadiiba hawada ka saaray xiriirkii telefoonada. Doonida ayaa marka la weeraray waxa maraysay biyaha caalamiga ah iyadoon wali soo gaarin biyaha Falastiin ama Israel.

Doonidaan ayaa loogu magacdaray “Estelle” oo ah magaca loo bixiyay gabadha yar ee u dhalatay qoyska boqortooyada Sweden. Israel ayaa ilaa sanadkii 2007 waxay cunaqabatayn cirka, dhulka iyo bada ah ku soo rogtay gobolka Gaza ee ay maamulaan ururka Xamaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here