Ciidanka difaaca Sweden oo doonaya soo galootiga

23

Ciidanka difaaca dalka Sweden (Försvarsmakten) ayaa bixinaya koorso 10 isbuuc ah oo loogu tala galay dadka soo galootiga ah ee doonaya in ay ka mid noqdaan difaaca dalka.

Ciidanka ayaa sidoo kale waxay siinayaan dadka la qaadanayo cunto bilaash ah iyo meel ay seexdaan iyadoo 10-ka isbuuc lagu noolaanayo xeryaha ciidanka. Koorsada ayaa loo qaadan doonaa 500 oo qof oo kala bar ay yihiin dumar. Dadka loo qaato koorsada ayaa sidoo kale fursad u heli doona in ay dhameystiraan waxbarashada dugsiga sare xiliga ay koorsada ku jiraan.

Koorsadaan ayaa waxaa ka wada shaqeynaya ciidanka xooga dalka Sweden iyo xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen). Qofkii dhameeya koorsada ayaa fursad u heli doona in uu sii wato tababar rasmi ah oo uu kaga mid noqon karo ciidanka difaaca Sweden. Cidii doonaysa koorsadaan ayaa kala xiriiri karta gacanyaraha xafiiska shaqada.

Ciidanka difaaca Sweden ayaa ka mid ah goobaha ay soo galootiga ugu yar ka shaqeeyaan. Ciidanka Sweden ayaan inta badan dagaal u aadin aduunka kale balse hada waxay ku lug leeyihiin ololaha ay gaashaan buurta NATO ka wado dalkaasi Afghanistan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here