Ciraaqiyiin la tarxiilay & dibadbaxayaal la xiray

0

Booliska Göteborg ayaa xiray 16 qof oo ka mudaharaadayay tarxiilka dad Ciraaqiyiin ah oo loo diiday sharciga dalka Sweden. Mudaharaadkaan ayaa ka dhacay xarunta ay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ay ku leedahay Kållered oo ku taal duleedka magaalada Göteborg.

Dibadbaxa ayaa lagaga soo  horjeeday tarxiilka 15 qof oo Ciraaqiyiin ah. Dibadbaxayaasha ayaa isku gooyay irdaha laga baxo ee goobta. Dibadbaxa ayaa ka sii socday ayroboorka laga dhoofinayay dadka la tarxiilayay.

Bishii la soo dhaafay ayaa sidoo kale Sweden waxay tarxiishay 20 qof oo ka soo jeeda Ciraaq. Dhinaca kale wararka khaar ayaa sheegaya in Sweden ay sidoo kale dadka Soomaali ah u tarxiishay wadama dariska la ah Soomaaliya sida Jibuuti iyo Kenya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here