Codsiga aqoonsiga Falastiin ee QM iyo kala hadalka Maraykanka

8

Isbuucaan waxaa xarunta Qaramada Midoobeey ee magaalada New York ka taagan arin xiiso leh oo u dhaxeysa madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabas iyo Maraykanka iyo Israel oo dhinac ah. Cabaas ayaa soo hordhigaya codsi ku wajahan QM in ay aqoonsato dowladnimada Falastiin oo ay xubin buuxda ka noqdaan ururweynaha aduunka.

Falastiin ayaa hada waxay ka haysataa QM boos korjooge kaliya ah (Observer status) oo ay awood u leeyihiin in ay qudbooyin soo jeediyaan isla markaana ay dhagaystaan qudbadaha kale balse aysan lahayn wax awood codeyn ah. Maxamud Cabaas ayaa doonaya in golaha Amaanka ay aqoonsadaan Falastiin si loola mid dhigo Israel.

Haddii la aqoonsado Falastiin ayay wax badan ka badaleysaa awoodooda siyaasadeed. Dhulka ay hada Israel ka haysato Falastiniyiinta ayaysan wax dacwo ah ka keeni karin balse haddii la aqoonsado waxaa u suurto galaya in ay ku dacwoodaan in ay yihiin wadan madax banaan oo wadan kale oo QM ka mid ah uu haysto.

Maraykanka ayaa wacad ku maray in haddii Falastiin ay hesho 9 cod oo ka mid ah 15 cod ee Golaha amaanka in uu isticmaali doono awoodiisa vitooda. Obama ayaa ku andacoonaya in ay Falastiiniyiintu marka hore heshiis la gaaraan Israel inta aysan QM imaan balse dowlada Israel ee uu hogaamiyo ninka xag jirka ah ee Binyamin Netanyahu ayaan dooneyn in ay Falastiiniyiintu dowlad noqdaan ama dhulkooda dib u helaan.

Sanadkii hore xiligaan ayay ahayd markii Obama uu QM ka hor sheegay in uu filayo in sanadka soo socda uu ku soo dhaweeyo QM dowlad Falastiin ay yeelato isagoo hadana ku goodinaya in uu viito saari doono arintii uu shalay sheegay in uu soo dhaweynayo. Obama ayaa waxaa saaran cadaadis weyn oo kaga imaanaya dhinaca Aqalka odayaasha Maraykanka oo ah kuwo aad u jecel Israel. Obama ayaa sidoo kale doonaya in uu qanciyo Yuhuuda ku nool maraykanka si ay ugu codeeyaan doorashada soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, Falastiiniyiinta ayaa waxaa u furan haddii Maraykanku viito saaro codsigooda in ay mid kale u gudbiyaan Fadhiga loo dhanyahay (General Assembly) halkaasoo ay u baahanyihiin 3 meelood 2 meel in ay helaan cododka wadama aduunka iyadoo la filayo in ay tiradaas ku heli karaan si fudud. Balse haddii ay tiradaas helaan ayaysan helayn xubinimo buuxda ee QM balse waxay helayaan wax loo yaqaan (Non-member state) oo ah wadan aan xubin ahayn balse midaan lafteeda ayaa kor u qaadeysa awoodooda siyaasadeed Maraykankuna viito kuma leh Fadhiga loo dhanyahay. Sweden ayaa la filayaa in ay u codeyso aqoonsiga Falastiin haddii la soo hordhigo Fadhiga loo dhanyahay.

Jimcaha ayaa la filayaa in Maxamud Cabaas uu gudbiyo codsigiisa dowladnimo balse maraykanka iyo Israel ayaa isku dayaya in aysan taasiba dhicin iyaga oo hada bilaabaya sheekooyin raqiis ah sida in Israel diyaar u tahay wadahadal toos ah balse taas waxaa diiday Cabaas.

Dhinaca kale Xamaas oo xukunta Gaza ayaa iyagu ka biyo diiday sheekadaan oo aan la dhacsaneyn aaditaanka QM . Xamaas ayaa sheegay in aan loo baahneyn in ay baryaan xaqooda balse ay xoog ku soo dhacsadaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here