CSN oo raadraac ku haysa ardada lacagta lagu leeyahay

8

Hay’ada dowliga ah (CSN) ee bixisa lacaga deynta iyo deeqda isugu jira ee la siiyo  ardada ayaa raadraac ku haysa csnarday badan oo lacag lagu leeyahay. Ardadaan ayaa la sheegay in laga dalbaday in ay soo celiyaan lacagihii ay qaateen ka dib markii aysan waxbarashadii si toos ah u tagin.

CSN ayaa bilowday bishii December in ay talefoon u dirto ardada lacagaha lagu leeyahay kuwaasoo laga dalbanayo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo bixiyaan lacagta lagu leeyahay. Qaar badan oo ka tirsan ardada lacagta lagu leeyahay ayaa loo gudbiyay hay’ada aadka looga cabsado ee Kronofogden si ay lacagaha qasab uga soo qaado.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa 18,000 oo arday waxaa lagu amray in ay bixiyaan lacago ay qaateen maadaama aysan iskuulka u xaadirin sidii laga doonayay. Ku dhawaad 4000 oo ka mid ah ardadaas ayaa loo gudbiyay Kronofogden maadama ay bixin waayeen lacagihii laga dalbaday.

CSN ayaa lagu dhaliilay in ay ardada si macno daro ah ugu gudbiso Kronofogden maadaama lacagaha lagu leeyahay ardada ay yihiin kuwo aad u yar oo inta badan aan ka badneyn 2000kr.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here