Cudurka Tiibishada oo ku soo badanaya Sweden

2

Bukaanada qaba cudurka Tiibshada (Tuberculosis-TB) ayaa ku soo badaya Sweden iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay siyaaday tirada dadkaas 50%. Goobaha uu cudurka ku soo badanaya waxaa ugu horeeya magaalada Stockholm iyo qaasatan xaafadaha ay ku badanyihiin dadka soo galootiga ah. Sanadkii hore ayaa waxaa cudurka qaaday 684 qof.

“Qiyaastii waxaa cudurka TB uu daafaha caalamka ku dilaa 1.5 milyan oo qof sanadkii, iyadoo ay maalin kasta u geeriyoodaan dad ka badan 4000 qof. Iyadoo uu ku badanyahay cudurka wadamada faqiirka ah” ayuu yiri Knut Lönnroth oo ah dhaqtar ka tirsan Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO).

Cudurka TB ayaa la sheegaa in uu xiriir weyn la leeyahay faqiirnimada, iyadooo goobaha ay ku noolyihiin dadka dhaqaalaha yar uu ku badanyahay cudurkaan. Sweden ayaa taasi ay marqaati u tahay in xaafadaha so galootiga oo guryaha ay ku wada noolyihiin dad badan uu ku badanyahay cudurka.

“TB waxay ku barbaartaa faqiirnimada. Dadka faqiirka ah ayaa markasta ku qaba dhibaatada ugu weyn, iyadoo xitaa cudurka TB uu dadka ka dhigo kuwo faqiir ah.” ayuu idaacada Sweden u sheegay Knut Lönnroth.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here