Cunsuriyad maku saameysay?

Isbuucyadii la soo dhaafay waxaa Sweden ka taagnayd dood kulul oo ku saabsan cunsuriyada iyo gooni u soocasoomaali lagu sameeyo dadka soo galootiga ah. Doodaas ayaa ka dambeysay mashruucii booliska ee ay dadka soo galootiga ah ku ugaarsanayeen.

Wasiirka cadaalada Sweden Beatrice Ask ayaa ka careysiisay soo galootiga ku nool Sweden ka dib markii ay sheegtay in “dadka dambiyada galay ay cabsi iska qabaan” taasoo loo fasirtay in ay soo galootiga oo dhan ku tilmaamayso kuwo dambiile yaal ah ama wax la mid ah. Hadalka wasiirka ayaa qaasatan ka careysiisay ninka lagu magacaabo Jonas Hassen Khemiris oo ah qoraa ay iska dhaleen hooyo Swedish ah iyo Aabe Tunisiya ka soo jeeda.

Warqad uu ku qoray wargeyska Dagens Nyheter (DN) ayuu hadalkii wasiirka si toos ah uga jawaabay, isagoo ka codsaday wasiirku in ay maqaarkiiska gashato si ay u dareento xanuunka cunsuriyada iyo kala sooca. Mowduuciisa ayaa maalinitii ugu horeysay keliya waxaa akhristay dad ka badan 200,000 qof isagoo noqday mowduucii ugu caansanaa ee lagu qoro bogga DN.

Soomaalida ku nool Sweden ayaa qaasatan waxay yihiin kuwo si gaar ah loo bartilmaameedsado, taasoo ay ka dambayso asalkeena Afrikaanka ah, diinteeda Islaamka ah iyo magac xumo guud oo ay naga faafiyeen saxaafada iyo xisbiyada cunsuriga ah ee ka jira wadanka.

Hadaba mowduuca ayaa ah, sidee ayay shaqsi ahaantaada kuu saamaysay cunsuriyada lagu eedeeyo Sweden? Waligaa ma dareentay in lagu cunsuriyeey? Qaabkee laguu  cunsuriyeeyay ? Fadlan jawaabtaada ku qor qeybta firkadaha ee hoose.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

47 Responses

  1. Massago says:

    Asc dhamaan asxbta kalyeeentiga ka, ah rabtaan.
    Horta muga 1-baad anunka hadaan nahay Somali manahay dad jecel ama kufiican Sociala reformer ?
    manahay dad og sida Sverige ay noo qaabishay ama noo sodhaweysay mugi laga reebo wasiir ama qof fikirkiisa iska cabirto? Maxaa nagadhigay halqabsiga 1-baad ee xumaanta lagu tilmaamo ama ulu ninki dheereey dhufataa? Isku soo wada duube waxeey ilatahay in anunku faru Nagu godantahay mugan saas leehayna ulama jeedo inaan sahmihaayo xumaanta lkn waxaan jeclahay inaan wax isku sheeegno oon isku faaideyno. su,aasha ah malagu cunsireeyay Koleey way iska jirtaaa mid dadban haku ahaato maxaaa yeelay sharci hadaw so baxo cusub waxaw leeyahay firqado sida AW,K24,Mmk Iwm qofta go,aan iskaleh aana go,aankaw rabo kuu adeegsan karo asiga oo ula jeedo hab cunsrnio lkn sicad uma dhihi kartid waa saan iyo waasaan waaa inaad Alxmd iska dhahdaa wixi kasoo baxo Nin walbaw wadankaa wax kuu dhaamo maleh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  2. zaki says:

    ASC.Runtii aniga muda hal sano iyo badh ah ayaan ku noolahay wadanka Swedan mana arkin wax Cunsuriyad ama qof lagu sameenaya LAAKIN WAXAAN AAMINSANAHAY IN HABEN IYO MAALINBA DHACADO CUSIRIYADA SWEDAN GUDAHEEDA , Laakin hadii aan Somali nahay waxaa u bahanahay in aan wax badan ka fahano ama ka barano Cunsuriyada , TUSAALE , Nin baa Buss soo raacaya ama tarin ma wata TICKET SAX ah ninkii shaqada ku lahaa hooshaa ayaa weydiyay kadibna ku dhahay Ticket wa Qaldan yahay , Somalida ama dadka Ajnabiga ku ah Swedan wax ey u aragaan ninkaas in uu yahay nin cunsuri yahay,MA AHIN WAA NIN SHAQADIISA GUDANAYA ninkii ka aamusa arintaa qaldana waa nin caadi , MARKA HORE INTA AAD DHIHIN WAA LEY CUNSURIYEEYAY MARKA HORE ADIGA IS HUBI SI BARI HADII AAD U BAHATA DACWADA SI AAD U NOQOTA NIN WADA SAX AH KU TAGNAA ,

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  3. Madka says:

    Asc aqayaarta yaa warka haya 2sano arimaha kale waa wax la saxi karee

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  4. mustafa says:

    somalida aya cunsuri ah hadi cunsuri jiro
    lakin sweden wax cunsuri la yrahto man argin waliga lakin siidan rabo hadn wayo wa cunrsuri manoqonaso somali ee

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 3

  5. mustafa says:

    cunsuri wamaxay wa dadka aan okolay dhaqanada kale

    ee iyagu isko hasta ina dadka kale kaficanhin somalida aaya ugu badan siida

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 5

  6. zakarie says:

    ASC salaan kadin aniga waxan jiraa 22 sano waxan sweden imid sadax sano kahor intaan ka aheen sharci laysiiyay maahee inta kale waa ku xunyihiin waayo swedishka waa wada cunsuri mana kuu ogola inaad noolaato ama sharaf yeelato aqoon sare iyo wax barashana iskaba daa shaqana warkeeda ha sheegin waa dad ayaga inee faanan ama wax walba kaaga horeeyaan jecel waa dad raba in waligood canaad loo ahaado ma ogola inaad soo dhex gasho hadad soo dhex gashana sidaad ugu dhex faraxdid way adag tahay waayo mid ku caaya iyo mid cunsurinimadiisa ku tusa mooyee wax kale kama heleesid hadey wax qabadkaaga arkaan oo ay u baahan yihiin wax qabad kaaga xataa way kuliidayaan niyada ayay kaa jabinayaan kaaga sii daranee qofka ugu sareeya iyo kan kula siman aad wada shaqeeneesaan waxuu si cad isku xijinayaa oo uu difaacayaa kan kula siman ee ku wadanka ah hadad is qabataan shaqaala kula siman khefku meeshu wax baari lahaa ama hadi cadeen ad wadato uu kaa dhicin lahaa adiguu danbi kuu sameenayaa marka maxa lays weedin waaba cadahay in cunsurinimo jirtee mase sharciga ayaa laysku maqaar sarayaa mideeda kale waxaaba la yaabaa somalida iyadaa cunsuri aheed mantayse ayagiibaa wadnaha farta kyhaya oo mid walbaaba meeshuu qaladka loo geesanayo ka hadli lahaa indhahay is qabteen oo raalibay ka noqdeen waxa ku dhacaya waxan la yaabanahy war wadan sharci waa uu sin jiray umad magangalyo doon ah lkn waligeey ma arki wadan umadii sharciga uu siiyay dib u cunaya xaasidaya gumaysi maskaxda ka galinaya waxan maqli jiray iyo waxan arkayaa isku mid maahan ee alle hanoo saqiro aamin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 2

  7. faaleeye says:

    hadaan kadhiibto ´aragtita aan aminsanahay waxaay tahay somalido mafahmi karaan qaabka loo cunsuriyeeyo swedhan dadka shacabka ah 100%40 waa cunsuri markaan sidaas leeyahay waxbadan ayaan maqlan amase ogaaday lkn dowlada swedhan amaal ayaay nagu leedahay waayo siwanaagsan ayaay nooso dhawaysay somalida dhaliil badan ayaay leedahay waxaana dhihi karaa dadka iyagaa isnacsiinaya waxaa nagu yar isdhex galka iyo ladhaqanka bulshada mitaasna waxaa sabab u ah dadka inta badan oo fahansaneen waxaay xaqa u leeyihiin iyo waxaay ku qaldan yihiin hadal iyo dhamaan waxaan dhihi lahaay somalido ha dhexgaleen bulshada hana ku faafiyeen dhaqankeena wanaagsan ee ku salaysan diinda islaamka asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Abdi Noolow says:

      Asxaabey runda haleesku sheego maxa yeelay cunsuri hadii aad maqasho waa somali maxa yeelay sharciga maalinda loo aqriyo waxoo ku leeyahay dad somali ah xakey joogan aan adress ku qaadee taasna waa qalad wadankan meel walba wad ku noolaa gartaa hadii aad ugu tala kasho mita kale cunsuri nala cunsureeya iska daaye anaga ayaa is cunsureena oo qabiil isku kala saara yaa argay somali isku mooqif ah oo mel wax iskula wado marka isma rabno waana is raadsanaa hadii aan nahay tad jira oo dhaqan iyo diin leh waa in aan isku mooqif ahaana keena dhiban kan kale garab siiya aan iska daayno qabiilka iyo waxa diinda naga xaarantimeesay waxa naha 10 milyan oo isku diin ah iskuna af ah hadii aan isku xiranahay cid wax naga qaadi garto ma jirto marka aan isku duubnaano si aan sharafteena u ilaalsano iyo sinjiyadena ILAAH HA INA XAFIDO AAMIIN

      Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  8. Umu. Sumaya says:

    Sc walaal dhamaantiin waa ini salamay jimcaalana Wuu noo dadaalaaye alaha ka jisaa i siiyo insha alah waxaan rabaa inaa wax yar usheego walaalahaygii kurbadu na wada haysay ee arinta labada sano ilahaybaana mar ka koppas mahad iska leh wax walbana waa qoraalka rabi ilahay wuxu qadaraana dhacaya anu diidmo hore uns haysan se ninkayga 7 bilood ayaa is qabnaa idhi alena waa iiga soo qaaday walaal shalay markaa waa dareemayaa dhibtay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. Umu. Sumaya says:

    Ee walaal Ale wuxuu ini qoray wa helaysaane samirka iyo baryada Ale badiya idimka ilahay waxad ku faraxdaan Ale ha iniigo soo qaado walaal khayrbaana inii wada dhaafay insha alah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. cadde says:

    Cunsuri ma waxa ah ruuxa ka fikiro dantj dadkisa iyo dalkisa. Hadi ay tahay cunsurinamadu in uu ruuxu aamino ama uu aruuriyo dadkisa somalida ayaa ah cunsuriyiin. marka dadka aan la joogno meelkasta oo ay jogaan aan u dulqadano xumantooda.
    Mahadsanidin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. mustafa says:

    waxay iltaha in dadka swediska la dhekalo oo lala dodo waxa aay tabanaya inta yar ee cunsuriyinta ah oo lo sheego in dha qalaha sweden uu gotursan yahay sogalotika siida- skolada, guryaha, basaka, tareka, tukanada, wariskadhsidta. hadis sogaloti lawayo sweden dhaqale heeka burbur aaya ku dhcedona maogyihin mase u sheegeten?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. khaali says:

    asc walaal fadlan kadaa borabagandhada dadka waayo waa run ereyguu yiri wasiirka waayo waxii danbigalo wey cabsodaan teeda kalena soomaalidu waxey ku maahmaahdaa sixun uhadal sixirow kadaran dadka wax fahmeen wax kadhadhaci

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  13. Madka says:

    Umu sumayo abaayo waxaan ku warsanayaa ma maxkamadaa kuu soo jawaabtay mise maygareshinka taas iga jaahil bixi ninkaga xaguu joogaa adoo mahadsan dear sis

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  14. Umu. Sumaya says:

    Huuno migrationka ayaa isiiyay alaa mahadlee wuxu joogaa adis ababa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. run sheeg says:

    Abdi Noolow >>>>>< waxaan kuu sheegayaa sxb marka aad dhaheeysid somalida marki sharci la siiyo aderrs ayeey radinaayaan sxb dadka adiga jooskooda miyaa ku heeysataa misa adiga ayaa sharciga siiyaay sxb cunsuri adiga ayaab ah maxaa dad kale laga doonayaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. Saciid Cabdi says:

    Way igu dhacday wax aan u fasirtay cunsuriyad maldahan,taasina waxay ahayd sanadkii tagay,2012 baan Maktabada Jaamacada uppsala waxaan u aaday in aan ka soo akhristo buug aan ka waayey maktabada wayn(satatbibliotek). ardayda meesha wax ku akhrisanayey aniga kaliya baa madow ka ahaa intaan arkayey. akhriskaygii markaan dhamystay baan buugii sakafaalihii aan ka soo qaaday ku ceshay markaan damcay in aan baxo oo aan soo dhaafay albaabkii naag ka mid ah shaqaalihii maktabada baa inta iga soo daba baxday igu tiri buugta aad qaadatay ma adigaa leh waxaan iri buug maba qaadan waxay iigu jawaabte waad qaadatay oo labada jeeba buug baad gashatay. Waan yaabay oo waxaan is iri war bal is hubi waxna waan is ka waaye ayadii förlåt intay tiri bay iska dhaqaaqday laakiin kama harin ee wada hadal baa ka dabeeye iyo sheeko dheer.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  17. geesiga says:

    Ascw! waxa moda in Aqristayasha badankoodu ayna lakulmin Cunsuriyad: run ahantii hadaan si Toos ah uga jawaabo Su alaha jimcaale 1,*Waliga maaderentay in lagu Cunusuriyeeyay? Jawaabtu waa Haa 2-Qaabke aya laguu Cunsuriyay ? Malin Aanoo Shaqo Praktik ah kujira ayaa waxa Maqnayd Gabadh Hanledare ii ahayd oo shaqada ibaraysay ! sida Darteed waxa aan kuqasbanaday in aan raco gabadh kale oo Swedesh ah !aad ayay u waji xirnayd inta aan babuurka lasocnay isu dayayay inan anigu initiativka bilaabo oon la shekaysto Se jawab gaban ah ayay isiinaysay mar Walba! go aan aayan qatay inanan waxba ku darsan inta ay shaqadu dhamanayso Se anaga oo shaqada kujirna oo qof kale o swedesh ah uunalajogo ayay igu dhahahadashay ooy tiri erayadan jävla utläningar dem bara kom hit för att förstöra vårt land aad ayuu idamqay eraygaas aniga oocaraysan ayan chefkii ushegay inta uu iska dhigay qof caraysan ayuu idhahay Ani aya lahadlaya oo Digniin sinaya !Qasab ayay kuugu iman oy ku raali galin ! gabartii imana raali galin shaqadeedina way sii wadatay Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. geesiga says:

    Somalidu wey Yar waalwaalanyihiin ayan umalaynayaa! war Qoraagu kuma usan soo qorin inan ka doodno ayaa Cunsuri ah iyo Ayan ahayn? Doodu Taas ma aha ee waxa weeyi Farta waaweyn ha idinku qoree MALAKULANTAY CUNSUIRYAD? KA SHEKEEE?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. jaafaajiriq says:

    Ascwww, walal aad ayad ugu mahadsan tahay warbxiniada aad soo daabactid balse weli si quman uma sheegtid halka aad ka soo xigatay, mida kale Sawirka meesha kuu saaran, COPYRIGHT in aad ilaaliso ayaa lagaa rabaa hadii kale MAXAMAD ayeye noqoneysaa Ka fiirso inta aadan Sawir ama Qoraal meel ku daabicin adiga oo soo qaadanaya……. Digniin Sawirka meesha kuu saaran Ka badan muddo 48 saac ah, waxii intaasi dhaafsiisan, ADIGA LEE WAYE???!!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Dalmar says:

    ASc wr wb run ahaantii hadii aan ka jawaabo su’aasha ah in la i cunsuriyadeyay in tii aan sweden joogay jawaabtu waa maya runtu waxay tahay aduunka mel kasta oo aad tagto wey ka jirtaa cunsuriyadu xataa hadii la eego somalida dhaxdeeda balse arintu ma ahan qof ama shaqsi iska kaa nacay ee waa aragti guud wadanka sweden wuxu ka mid yahay wadamada qaaradan yurub ku laya ee aan cunsuriyada badan oolin anigu wadama badan oo yurub ah waan soo arkay ma doonayo in aan taabto wadamadaas balse dadka swedishka oo dhan ma wada xuma cunsurina ma wada ahan balse qof xun uu iska jira weyna dhici kartaa mar mar in aad aragtid qof ku jir diidaya laakin arintu sidaas ma ahan waxan ku soo gabo gabeynayaa dadka somalida waxaa qurux badan wadanka ku marti galiya in loo abaal gudo wax kale uma hayno wa in aan afka un uga sheegnaa waxa ay umada somalida u qabteen un anigu sidaas oo ay tahay kuma noolo sweden iyo agagaarkeeda waad mahadsantahin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. ahmed says:

    somalia horta wadankina mahan waa meshaan waligeed cusuryad waa jiratay hada meey cusubtahay waa maya laakin waa jirata cunsuriyad melah shaqad oo dhan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Sam says:

    aniga ayay igu dhacaday arrintaan hada la beegsanayo uun dadka ajaanibta ah runtii, diyaarad dhan oon lasonay markii ay caga dhigatay Arlanda ayaa waxaa boliska joogeen dhuunta kadibna gees naloo leexsaday aniga iyo wiil kale oo u ekaa ajinabi laakin swedish ahaa oo dadkii kale dhan way u dhoola cadeeyeen oo ay ku yidhaahdeen kusoo dhawow halkan runtii markaas ayaan dareemay xoogaa yar takorid, waana weydiiyay sababta aniga iyo yarka kale uun noo weydiisay id-kaar waxayna ku jawaaben waan shaqaynaynaa oo waa shaqadeena.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Madka says:

    Maasha alaah abaayo waan kuu mahad celinayaa koldhawna aroos cusub ayaad noqoneesaan mida kale dna ma la idinka qaday bisheena xareeda ma adis ababa ka xareeday mise swedan gobolkaga xagee laga maamulaa sis thanks inbadan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. cadde says:

    ok

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. mustafa says:

    asc: war somalidu dad meel charceba kashaqan iyo duktateriyad katimida oo kala saranba charciga iyo cuncuriyada.waa innad garatid wax charcigu gudidey iyo wax cuncuriyad loyaqano markasban kahadlikara lakin waxba isko eeg

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. mustafa says:

    wayo maxadhacay waxan deganan jirey tulo yar oqoyega gutalo intan charciga sugayey nika kamuumo xagomo aya amar soray inalakararo sogalotiga oo dhan tula yar polise maleh waxa dhacay tukanadi aya la xadey wa lajabsa gabdha ah yaryar aya lafar xumeye 100 sano madhicen in la jabsado tukan iyo in la xado tukan iyo wax dhib ah wayo intan polise iyo kharash badan gali laha ha igabaxan ayo iyri niki meesha masulka ka ah ma cuncuriyad baa mise wa charci hadi dhibto an gasano ay badato war dadkan marban dhib iyo been badan iyo musuqmasuq charcigona xadboleyaha waxbo ko oglyahay waxbo kamabnocaya war somalida waxan kolatalinaya war wax han kala sarno waxan xaaq ulenahay aan kodono waxa charci go inodidana ayan kodon wa salama caligum somalie

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • soo boode says:

      mustafe afsomaliga iska sax iyo salaanta islaamka waalal laguma fahmayo inaad somaali tahay

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Umu. Sumaya says:

    Huuno adaa mudan haa dna waa layga qaaday adis ababa ka xereeyay maekii hore 2010 ayaa bilabay ka dib dib ayaa usoo xareeyay 2012 bishii 4 aad gobolkayga waxaa laga xukumaa migrationka växjö

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. madaka says:

    abaayo umu sumayao anaga rajo aan yeelanaya wlh waan kuu mahad celinaya aniag adis ban joogaa abaayo waanba jeclaan laha wiilkaas in aan la xiriiro hadaa waad ku mahasantahya jawabaha wanaaga badan beelo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. Mohamed says:

    ASC WR WB

    ANIGA WAXAY ILA TAHAY CUNSURI MABA JIRO ADUUNKA HADUU JIRANA QOF WALBAA WUXUU CUNSURI KU YAHAY WUXUUSAN RABIN IYO DHAQAN UUSAN AAMIN SANEYD , TUSAALE AHAAN , DIINTA IYO DHAQANKA , BAL ADIGA IS WEYDII HADAA ARAGTO QOF WATO CALAAMADA + MACNAHA KIRISHTAN MA JECLID WAAYE WAXAA TAHAY QOF MUSLIN AH , TAAS WAXAA ADUUNKA LOGA ARKAA CUNSURI , NINKA GAALKA AH MA JECLO MUSLIM , TAASNA WAA TAN AAN KU KALA DUWANAHAY ALL IN ALL DHAMAATEEN WAXAA NAHAY CUNSURI SOMALI HABA UGU DARNAATEE I AM CUNSURI NAMBAR 1 HADII QOF GAAL AH IGU DHOHO MUSLIM AYAA TAHAY , JAWAABTA WAA HAA , ALXAMDU LILAAH , HADUU IGU DHOHO DAANYEER AYAAN TAHAY , JAWAABTA WAA , ADNA DOOFAAR AYAA TAHAY ,, IWM ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. sumayo says:

    asc umu sumayo waan kusalaamay huuno , walaal waxaan kuweeydiiyay ninkaaga ma horay ayad
    isku sheegateen mise waad sooguursatay?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. Umu. Sumaya says:

    Madaka adaa mudan huuno insha alah dhamaantiin waa helaysaan aluunbaa aaminaynaa gaal wax inooma haye huno adis ababa ayu joogaa xaajigu waxaan. Filayaa inaa safaarada isku arkaysaan insha alah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. Umu. Sumaya says:

    Sumaya horaa usheegtay huuno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. TO,SUMAYA says:

    TO ,UMU SUMAYA WALAAAL ADOOO MAHADSAN NINKAAGU BAASA BOOR NOOCEEE AH AYUUU KU XAREEYAY TAN KALE MA KALIGIII AYAAAAAA KAAA MAQAN WAX CARUUUR AH MA WEHELIYAAAAN MIYAAA WAAD MAHADSANTAHAY WALAAAAL INTAAA IGA SOOO JAWAAAAAB ASC.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. hani says:

    Umu. Sumaya ilaa meeq bil ayaa su geysey tan labad ilma maa isu heysan mise singal ayaa tihiin walashey intas iiga jahil bixi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  35. aragsame says:

    g

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  36. Umu. Sumaya says:

    Huuno odaygaygu passbor kumuu xeraysan wax cadayn AH waxba maanu gayn dna uunba nalaga qaaday isaga iyo gabadh an dhalay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. Umu. Sumaya says:

    Hani walaal dacwada danbee soo cusboonaysiiyay bilawgii iga dhamaadkii waxay. Igu qaadatay hal sano haa walaal hal gabadh ayaa isku dhalnay oo dacwada kula jirta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. TO, UMU SUMAYO says:

    asc umu sumayo waaa salaamantahay abaayo mcn allahbaana mahad iska leh kuu fudaydiyay anagana war arxadlaaan ka sugaynaaa ,abaayo waxaan ku waydiiyay ilmaha abaha maaa la noolyay mise adaaaa sweden ku haya macnaha waxa kaaa maqan ma abahooo kaliyaaaaa asc aaad ayaa abaayo umahad santahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. sumayo says:

    asc UMU SUMAYA waan kusalaamay huno
    gadha ma aabaha ayeey lajoogtaa mise adiga ayeey kula joogtaa oo sweden beey joogtaa?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. balcad says:

    waxaa jiraa arin aniga igu dhacaday oo aanan been ka sheegeyn waxaan la kulmay naag handlagger ii ah dabadeed waxaan kawada hadalnay ariamah qoyskayga waxayna igu tiri hadad somali ka timid maxaad kasoo doontay meeshan waa gacan yarahaygii qaaska ahaa oo mushaarka igu qaata inuu i caawiyo marka swedan 100% waa cunsiriyaal taas mid kale haku darinana

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. Umu. Sumaya says:

    Huuno odaygaygay la joogta inantayda adis ababa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. HAMDI JAMA says:

    ASC hadii aan fikir ka dhiibto sveriga waa cusuriyiin koow xaga yurub is dhexgalka shaqada iyo waliba waxbarashad, aniga waliba cadeen baan ahay xaga shaqada ,waxaana soo wadaa inaan siiyo waraysi metro ,ama idaacad ka mid ah sveriga inshalaah somalida ama hablada carabta ama africaka waa ku dhib shaqo ama waxbarasho fiican taasina waxay cadden utahay cunsurinimo aad ah byeeeeeeeeeeeeeee hamdi

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  43. to day says:

    cunsuri nimadu waa wax jirta
    waaxany ka jirtaa dalkastoo oo aduunka ilaa somalia hadab waa lagu kala bdanm yahay sweden 60 waa cadii 40 ka kalee waa dad ad odhan karto way kuyara jiraa qaar toos kuugu sheega iyo qaar iska kaa nacaba inay ku arkaan waxan ka galabsanyna garan mayno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  44. akram says:

    asc dhamaantiin waanisalaamay iqyaareey yaakawarhaaysa in aay sweden furtay dacwada dadka single ka ah oo aan wax iskudhalin plz jwb xaaskaaygii baa igamaqanee thanks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  45. ahmed says:

    ASC WARBIBIX KUSABSAN CUNSURIYADA WADANKAN

    WAA WADANKA UGU WYN XAGA CUNSURIYADA SWDEN
    QOFKII RABO XAQIIQ AYAN U HAYAA
    ANIGA WAA LA IGUSAMEYAYAY INTA LEY XIRAY AYA HADAN KIIS AN SHAQO KULAHAYN.. MARKII AAN SUGAYAY JAWAB HALSANO KADIB AYAA LAYGU DHAHAY KISKII WALA XERAY .MARKAN SUL KAWEYDIYAYA WAXA LAYGU DHAHAY WAA ADEB DARAN TAHAY KA BAX XAFIISKA MARKA CUSURIYADU WAA KU FOGATAY WADAN CIDII RABTO CADAYN WAN U HAYA HA ILA SO XARIIRTO

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0