Cunsuriyada ayaa sabab u ah shaqo la’aanta haysata soo galootiga Sweden

18

Mowduuc lagu qoray wargeyska weyn ee Aftonbladet isbuucaan ayaa looga hadlay warbixin uu soo saaray ururka LO kaasoo lagu doonayay in lagu ogaado sababta ka dambeysa shaqo la’aanta soo galootiga.

Warbixinta LO oo laysku waydiiyay su’aalo ay ka midyihiin: Waa maxay sababta ka dambeysa shaqo la’aanta ? Ma waxaa sabab u ah waxbarashada soo galootiga oo liidata? Mise waxaa sabab u ah luuqada oo ku adag ? ayaa looga jawaabay in arimahaas ay qeyb ka yihiin dhibaatada balse aysan ahayn sababta ugu weyn.

Dhibaatada ugu weyn ayaa ah in soo galootinimadu ay tahay caqabada ugu weyn. Qofka asalkiisa ayay muhiimada siiyaan shirkadaha Sweden taasoo keeneysa in soo galootigu aysan helin fursadaha ay helaan dadka Swedishka ahi. Warbixinta LO ayaa waxaa lagu muujiyay in waxbarashada soo galootiga ku nool Sweden ay yihiin kuwa ugu sareeya guud ahaan Midowga Yurub balse ay yihiin kuwa ugu shaqada hooseeya.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay in shaqo la’aanta dhalinyarada soo galootigu ay siyaaday halka mida dhalinyarada Swedishka ah ay hoos u dhacday. Warbixin uu diyaariyay professor ka tirsan jaamacada  Linnéuniversitetet ayaa lagu soo bandhigay in haddii ay is le’ekaan lahayd shaqada soo galootiga iyo tan Swedishka ay dowlada u soo xaroon lahayn 34 bilyan oo karoon.

Macnaheedu waa in soo galootigu ay wadanka kala maqanyihiin waxaas oo lacag ah. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu muujiyay in ay jiraan sababo xaga nolosha ah oo soo galootiga ka hortaagan shaqada oo ay ka midyihiin guryo l’aanta ka jirta magaalooyinka waaweyn, iskuulada caruurta oo aan boos laga helin iyo waqtiga waxqabadka oo ku dheeraada.

Si kastaba ha ahaatee, arinta ayaa isugu soo aruureysa in asalkaaga iyo cunsuriyada wadanka ka jirta ay tahay sababta ugu weyn ee hortaagan shaqada. Sida uu ku soo afjaray dhaqtar Soomaali ah oo Sweden uga haajiray ingiriiska.

“Marka aan Sweden joogto waxaan ahay madoow Afrikaan ah”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here