“Cunsuriyada waxaa masuul ka ah soo galootiga”

Soo galootiga sida xun u dhaqma ayaa sabab u ah kor u kaca cunsuriyada lagu sameeyo guud ahaan dadka ajaanibta ah? Hadalkaas ma yahay mid aad ku qanci karto? Sidaa waxaa aaminsan haweeney lagu magacaabo Nasrin Mosavi oo ka soo jeeda wadankaasi Iran. Haweeneydaan ayaa ah mid ka dhalatay reer Muslim ah balse ka baxday diinta, inta badana ka hadasha waxyaabaha lidiga ku ah Muslimiinta iyo soo galootiga.

Mowduuc ay qortay ayay ku sheegtay in Sweden ay tahay wadan ay ku ciyaareen soo galootiga iyo warbaahinta Sweden oo aan runta ka sheegin waxyaabaha xun ee ay soo galootigu wadanka ka sameeyaan. Waxay tusaale u soo qaadatay kufsiga oo ay sheegtay in Sweden ay ka midtahay wadamada ugu kufsiga badan caalamka balse aan la shaacin cida geysata. Waxay la barbar dhigtay Denmark oo la sheegay in dadka kufsiga geysta inta badan ay yihiin kuwo ka soo jeeda Afrika, iyo Norway oo la sheegay in kufsiga inta badan ay geystaan soo galootiga.

Arintaas ayay ku tilmaantay mid Sweden ay indhaha ka daboolatay qaasatan siyaasiyiinta iyo warbaahinta. Waxay sheegtay in dhibaatada ay geystaan soo galootiga qaarkood ay dib ugu soo noqoneyso dadka caadiga ah ee Swedishka ah iyo soo galootiga sida wanaagsan u dhaqma.

Inkastoo ay saxtahay in tiro yar oo soo galootiga ka mid ah ay ku ciyaareen magaca soo galootiga Sweden. Ayaa hadana hadalka haweeneydaan waxa uu u muuqdaa mid ay magac kaga raadineyso Swedishka. Dadka sidaan oo kale u hadla ayaa inta badan waxay yihiin kuwa neceb soo galootiga. Waa dadka sameeya waxkasta si ay magac uga helaan wadankaan. Siyaasiyiinta Swedishku iyo warbaahintu waa la socdaan waxyaabaha qaladka ah ee ay sameeyaan qaar ka mid ah soo galootigu balse sababta aan loo buunbuunin waa in laga hortago in ay borobogaando u noqoto cunsuriyiinta SD iyo kuwa la mid ah. Haweeneydaan waxay u muuqataa mid aan fahmin arintaas.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Dooyaale says:

    Horta runta haddaan isku sheegno , ileen luuqad ajnabi ku hadli meyno , oo afkeena hooyaan wax isugu sheegeynaaye”

    Miyaanan waxyaabo bada masuul ka ahayn soogaleetigeena ”SOOMAALIDEENUNA , ma shiikhino.

    Maadnan arag odayaasha soomaaliyeed ee jidadka ,, dukaamada hortooda , iwm , TAAG TAAGAN , ee weliba isla qaylinaa !!

    Maadnan arag miyaa ” sidaan ugu qaylino , goobaha bulshada , sida Iskoolka , suuqa , basaska , fasalada , xaafadaha . iwm.

    Koleey luuqad ajnabi ku hadli maa , mana yara qaladaadkeenu LKN , islaantaan Diinteeda sideey uga been sheegtay , ayay qaxootigana uga been sheegtay inkastoo waxyaabaha qaar ku saxantahay lkn waa qayb ka mida…..

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

    • Mooryaan yaqaan says:

      been ma aadan sheegin , jaahiliinnta nagu badan ,,,50 nin oo somali ah oo meel taraq ku dheelaya qaylinayana ,,, skola naag muslim sheeganaysaa oo iska qeylinaysa ,,

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  2. Aydarus Abukar Haaji says:

    Hadalkeda wax Qiimo buuran ku fadhiyo ma ahan ayadoo kalena inaa so hadal qadno mahan waa qof Islamka kabaxay ruux islamka kabaxeyna wax hadalkisa la qadqado mahan alle ayan ka magan galnay ayada iyo wixii lamid ah….

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 0

  3. SAARA says:

    subxaana,laah QOFTAN OO KALE LOOMA BAAHNA IN WABSEDKA LAGU SOO QORA OOBA LA QIIMEEYO

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  4. xeebeste says:

    exactly jimcaale 🙂

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. MR NICE MAN says:

    subxaana laah

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. ahmed says:

    swedhishka wax waliba wa ogyihin ee waxe firinayan bid adinimada nagtana waxe kadamacsantahay we ogyihin bilesh aye qatar iskaga dhigeysa swdhishka qoxoti wa u qototi ama ha bodo ama ha fadhisato wa sac iyo labadisa gesood

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. somaalidhaba says:

    subxanalah qoftaan yaan lag doodin arinkeeda diinteedii gadatay

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  8. Iid says:

    wax jiraa mahaa qoftan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. Mooryaan yaqaan says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  10. najmo says:

    allahu akabar nagtan runtii waxay qabatay shaqo wayn waana calaamadaha lagu garto kufaarta mida kale dunidan waba gabaogabo qofkii og iyo kaan ogeeynba waxa dhaw xilgii uu xaqu soo dahiri lahaa inta xun ee ku casiday alle iyo rasuulkaba scw ay lu bixi lahaayeen gacanta islaamka maka an dhahno ilaahow afar arimoodba naga badbaadi
    1. su aasha qiyaame 2 cadaabta alle oo ah mid culus 3.dhibaatada iyo masiibooyinka dunida 4iyo dhibaatada tan ugu wayn oo ah ninka masiixi rijaal uu ku sheegay nabi maxamed ee u soo bixi doona dunida sheegana doona alle inuu ayahy racina doodnaa oo u sujuudi doonaan 70 kun oo yahuud aha iyo in tiri ka daba dhaw oo umadahan kalaa subxanallaah kadibna waxa soo dagaya nabiyullaahi ciisaa oo alle ku saladi doono oo gacantiisa ku dili doona masiixi rijaal ka dibna noloshu way sii ahaan dontaaa allaahu yacllam alle aan u dhawaano xaqana allaha na tusu kuwii cabsida alle is faro allaha naga dhigo walaala yaal

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  11. ali says:

    ASC KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    WAXAAN AQRIYEY DADKA FIKIRADA GEEYSTEY OO AAD AAN U AQRIYEY MARKAAS MAGAALADA AAN DEGANAHAY AYEYBA KAJIRTAA WAXA UU SHEEGAY OO AG 50 KA NIN OO TARAQADHEELAAYO OO KU HOR QEEYLINAAYO DAD WAAYEELO AH OO MEEL LAGU HAAYO OO AH SWEDENYIIN MARKAA WAA SAX WALEE DHIBKA NAGASHEEGAAYO AAN WAX ISKULA HARNO QARAABOBYYYYYYYYYYY

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  12. ali says:

    soomaaliyey ale halaga baqo oo hala cibaadeysto waa bishii ramadaan waana maalmo tirsan aan ka faa iideeysaNO intaaneey dhamaan waxa xuna halgafogaado oo diinteena wax udhimaayo ASC,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. oday somaliyeed says:

    waidinsalaamay dhamaantiin horta hawenaydaan sheekadeeda wa iska cadahay iyadaa iscayday oo sogalootiga aykahadlayso iyadaa kow ka ah galnimonama swedesh lagumo noqdo waana ogyihiin dadka aan martida unahay anaga iyo ayadaba waxa lawadwadaaba waa inta danta lagaleeyahay laga dhamaysanayo waan ogeen wixii kudhacay ayaan xirsi markii laga dhamaysatay ayaa laguyiri beenleey baatahay ee amaankaaga ma damanadqadi karno taas waa mida haweenayda teena somalida waxaa laga hadlay somalooti waa markab wayn oo ay saranyihiin dadyow kasoojeeda aduunka oodhan maxaa somalida waalay oo isaga soodhexsarayaan waxa laga sheegayo soogalootiga anaka shido kale maliyin xoogaa xadarad yarida mooyee dhib kale manahayso odayashaan lasheegayo ootagtagan meelahana waxay qabtaan haloo yeelo asaban heleen mudo uu meel tagnaado talo aanidiinhayaa figrada adsoogudbinaysiin hanoqdaan kuwo wax daweeya lkn yaynoqon kuwo waxkala fogeeyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. axmad faluuja says:

    Wey iska cadahay ine garaneyn Qalad iyo sax wey iska hadashay moyee lkn wexenu lenahay allaha so hanuuniyo Asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. yuluqeey says:

    caajib magacii miyaa ka dhamaaday waa maxay mooryaan mid kale maa soo qoratid kaas waa la yaqaanaye waa kuwii halkaan na keenaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. ilhan says:

    asc dhamman shacamka somaliyed meel kasta aad jogtaan. Walaalayaal ma is ogo miyaa qoftaan ayadaba in aytahay sogalooti teda kale qof diinta slaamka ka baxay maxaba laga shegaa ayadaaba qasaartay waa mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0