Cunsuriyiin Soomaali weerartay oo maxkamad la soo taagayo

Sadex cunsuriyiin ah ayaa maxkamad lagu soo taagayaa weerar ay ku qaadeen dhalinyaro Soomaali ah oo ku nool tuulada Tomelilla ee ka tirsan gobolka Skåne. Weerarka ayaa dhacay 21 bishii hore iyadoo wiilasha Soomaalida oo gurigooda jiifa aroortii ay ku soo kalaheen cunsuriyiinta oo ku qeylinayay erayo ay ka midyihiin “dila Soomaalida” iyo amaanta Hitler.

Cunsuriyiinta ayaa dhagaxaan iyo baaskiilo ku tuuray daaqadaha guriga ay ku jireen Soomaalida, iyadoo mid ka mid ah dhalinyarada Soomaalida uu kacay baaskiil. Cunsuriyiinta oo lagu tilmaamay kuwo cabsan ayaa markii dambe tagay fagaaraha degmada iyagoo weli ku qaylinaya “dila Soomaalida”.

Booliska ayaa goobta yimid iyagoo qoraalo ka sameeyay marqaatiyaal, iyadoo wali cunsuriyiinta oo ah dhalinyaro da’dooda lagu sheegay 21, 22 iyo 23 sano ay goobta ku suganyihiin. Dambi oogaha ayaa raggaan hadda ku soo oogaya weerar ku salaysan jinsiyad. Cunsuriyiinta ayaa maxkamad la soo taagayaa isbuucyada soo socda.

Ma ahan markii ugu horeysay ee tuulada Tomelilla, iyadoo sanadkii 2011 lagu weeraray haweenay Soomaali ah iyo caruurteeda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. LG says:

    Lax meesheey is dhigtaa lugu Qalaa, anagaa is dhigney dhulka, hanala dilo ilaa aan ka fahano dareenka wadaniyada iyo inaan ka tagno jahliga iyo Qabyaalada, Inkastoo xitaa dhaxdeena is takoorno maxaa laga sheegaaba tan sweden,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 2

  2. somaliyey toosa says:

    somaliyey qabyaalada joogiya waxan dad ku noqonaynaa inagoo ul iyo diirkood noqona wadankii ma joogno halkani waa qurbe ee aan danihii ka midowno sidaan uga hadalno arimaha iyo dadkeena baylahsan iska daaya qabiilka iyo xifaaltanka taas ayaa aniga rayigaygaygu yahay

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  3. luul says:

    asc kuli muslimiinta
    soomaalida ma dareemeyso waxaas waa dad dhibaato intaas ka badan ayaga dhexdooda isku sameeyey

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0