Cunsuriyiinta Islaamka neceb oo Stockholm ku kulmaya

Cunsuriyiinta ugu waaweyn caalamka ee faafiya naceybka Islaamka ayaa waxay mudaharaad ku qaban doonaan magaalada Stockholm bisha Augusti.

Dadkaan oo ku caanbaxay isla markaana ka bariiseeya faafinta beenta ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta ayaa waxay ku mideysanyihiin xulufo loogu magacdaray Xulufada ka hortaga Jihaadka (Worldwide Counter-Jihad Alliance) kuwaasoo ay ku jiraan inta badan ururada cunsuriyada ugu weyn ee wadamada Maraykanka, Ingiriiska iyo inta badan Yurub.

Waxaa ka soo qeyb gali doona kulankaas ragg aad ugu caanbaxay naceybka Islaamka iyo ka faafinta beenta. Dadkaan ayaa ah kuwo caadeystay in Islaamka ay la xiriiriyaan dhamaan wixii xumaan ah iyo in ay yihiin kuwo guud ahaan aan kala soocin Islaamka balse cadeynaya in islaamku uu midyahay oo la doonayo in guud ahaantiisa laga hortago. Ururadaan ayaa waxaa ka mid ah koox isku magac dartay  Stop Islamisation of Europe ama Joojinta Islaameynta Yurub iyo English Defence Leaguue (EDL). Ururo nuucaas oo kale ah ayaa sidoo kale ka jira Maraykanka.

Cunsuriyiinta ka soo qeyb galaya dhacdadaan ayaa waxay ka kala imaanayaan wadamada Maraykanka, Inta badan Yurub, Israel iyo India. Sababta ay u doorteen in ay Stockholm ku qabtaan arintaan ayay ku sheegeen in ay ka dambeyso qarixii sanadkii 2010 ka dhacay ee ninka Muslimka ah isku qarxiyay bartamaha Stockholm kaasoo isaga keliya naftiisa gooyay. Ururadaan ayaa waxaa Sweden ku soo dhaweynaya kuwa kale ee cunsuriyiinta ah sida xisbiga SD.

Cunsuriyiinta ayaa sheegay in kulankooda ay ku soo qaadan doonaan arimaha ay ka midyihiin Mamnuucida Islaamku uu mamnuucayo in Nabiyada wax laga sheego iyo waxa loo yaqaan Xoriyada hadalka, sida Islaamku ula dhaqmo dadka diinta ka baxay iyo xoriyada ay leeyihiin dumarka iyo dadka aan Muslimka ahayn.

Kulanka cunsuriyiint ayaa dhici doona 4 Augusti 2012 balse waxaa la hubaa in ay jiri doonaan mudaharaadyo kale ee oo laga soo horjeedo afkaarta qaldan ee ay faafinayaan cunsuriyiinta. Amaanka ayaa la sheegay in si weyn loo adkeyn doono.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. bishaaro says:

    Cusri wuxu ku tuusaya in aad dhistao wadankada .. wax aay ka qaadayan islaamka iyo muslinkaba ma jirto ee tikidhada aay ku soo duulyan kana soo bixinyan qarashka skattka laga qaday baban cunayna lol … iska mudaharda dheh .. islaam alla barakeyay ..

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  2. Mohamed says:

    Si kasta oo ay isku bahaystaan, waxba kama qaban doonaan nuurka Islaamka iyo fididdiisaba…

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  3. axmed jamac says:

    diintan qaliga ah ee ilahay u doortey umadiisa waxa iskudeyey rag ka magac waweyna sida fircoon’ qaaruun iyo abujahal intiiba ilahay halku mariyey wala ogyahay kuwana walaga dabageyn insha allah ee anaku handadaalo gaallo sirteeda ilahay aya inoo sheegey subxanahu watacaala cunsuriyiin iyo dimoqradi waxaydoonaan hasheegtaan gabigood wa cadow ilahaybana nosheegey

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  4. Naciima says:

    Tan waa mid Islamka u fiican sababto ah dad badan oo aan ogen waxa islam yahy ayaa ogaa doono marka e arkaan wanaga Islaamka iyo xumanta gaalo iyo cunsurigeda. Ayaka aya cadeyay oo dhahy Islamku waa isku dubanyahy waxana rajeyneynaa insh’ALLAH in u Islaku sii koro ama xogeysto gudaha europe.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  5. FM says:

    Asc Islaamku run ahaantii qof kastaa waa og yahay inuu wanaagsan yahay oo dhab u fekara marka cunsurinimo waa ogyihiin xumaanta ay u keentay oo waa kii mid Islaamka neceb uu qarax dad badan ku dhinteen ku qaadey Oslo, Norwey. Marka cidna ma rabto cunsuri Islaamkuna ma aha sida xataa qoloda Islaamka sheeganeysa ee dadka qarxineysa ay u fasirteen ee kuwaasna waa cadowga Islaamka gaalka kula diriraya ayaa la rabaa inaad la dirirto, laakiin ninkaan ku nabad geliyey nabad geli xataa Diinta Islaamku in gaalka la iska dilo ma qabto bilaa sabab, waxaa Islamkii xumeeyey dad Islaam kula sheeganaya oo si xun u fasirtey Diintii Islaamka oo aad moodid iney cadowga Islaamka u hiilineyso. Illaah Islaamka ha nagu dilo oo ha nagu soo nooleeyo asc

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  6. siiham says:

    allaahu akbaar allaahu akbaar allaahu akbaar guul islaamnka <3 waxEEY Ka Qadii karaan ayaa ba yaar yuhuuda allow cadowga islaamka hooska dhiig amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  7. korowrooga says:

    asc walaalayal waxan kasohora jeda xisbigan kasohora jedo musliminta ee kuqabadono mudahradka magalada STOCKHOLM

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

    • Teodor says:

      I understand. Very much so. You know we’re in the same boat. I too have never had alone time with my hnsuabd and it drives me crazy sometimes. It’s hard being a Mom and always giving. It’s hard when you don’t get that time. BUT the good news is you can but you have to fight for it. You have to fight for Shelli time, you just do.I am here.shortie’s last blog post..

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. by-timo says:

    allhu akbarta ka wayn waligoodba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Yaska says:

    Cunsuri muqdisho joga ma arki dona ciilka aan u qabo markas xata ma garanayo wax an ku sameyo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  10. Najma says:

    Ku,Yaska! Cunsuri maxuu muqdisho kadoonaa waaba cunsuriye oo araga madoow iyo islaamka aaba dhibaayee.kkkk
    Sooma,maqlin.
    “”Madoowgaaga kii neceb, Muuqaaga kaan rabin,tiisana ha meel marin””

    Madax dii AFrikaay maantii gumaysigu magacood,ba wuxuu yahay, Wanka macasha ii qabo adigu goowrac ii mari dhiiga an muudsado,..kkkkk Marka cun siri waa cunsuri.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. dhurwaa says:

    cunsuri hadii uu jiro waa soomaali saaxiibayaal yaan qatar la iska dhigin markii qurbaha la yimid haka caroonina cunsuyadaa nin walba qabiilkiisa maahee kankale ee la dariskaa waa naceb yahay waana laayaaa hadii iinan samayna waad taageerteen runta aan isku sheegno cusuriyiintu waxay cunsuriyeeyaan dadka ajinabigaa laakiin soo maalidu waa dhexdooda taasaa noqonimo ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. saabiriin muse says:

    sc hadii aan ka hadlo fikirkayga waxaan aamiin sanahay in uu yahay islaamku nabadgalo naxariis iyo kher oo idil waligeed ayuuna jiray mid neceb ilaahay iyo rasuul kiisa iyo islaamka laakiin waxaa guulaysanaya xaqa iyo islaamka hadana waxaa luubixiyxay magacyo sida cunsuri iyo wax lamida waxaan ilaahay ka barya yaah in ilaahay xaqa tuso hadii aysan uqornayn ilaahay hanaqabto iyo ga iyo sharkoodaba islaamkana ilaahay ha xifdiyo meel kasta oo ayjoogaanba hana quweeyo aaaaaaaaaaamiiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. daahir says:

    waxey ila tahay in ey muslimiinta ey yihiin kuwo gar daran oo mar walba is qarxiya aniga wa ku raacsanahay in laga hortago muslinka

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1