Cunsuriyiinta Mareykanka oo doonayey ineey qarxiyaan guryo soomaalida dagan tahay oo la qabtay

5

Booliska magaaldda Kansas ayaa gacanta ku soo dhigay saddex nin oo ka tirsan kooxaha cunsuriyiinta ah, kuwaas oo qorsheynayey ineey qarax u geeystaan dhismayaal ay degan yihiin soomaali tiradooda gaareyso  150.

Xeer ilaaliyaha Tom Beall, ayaa saxafadda u sheegay ineey fashaliyeen bamkaasi la doonayey in lala beesado soomaalida gobolkaas. Raggan ayaa muddo sideed bilood ah waxaa laga hayey ilaalo,taasoo ugu dambeyntii xalay saqdii dhexe ee geeska Afrika gacanta lugu soo dhigay. Dhismayaalka ay kooxdan naceybku ka buuxo doonayeen ineey bam u adeegsadaan ayaa wuxuu hoy u yahay soomaali kor u dhaaftay boqol ruux, waxaa sidoo kale ku dhex yaala masjid lugu cibaadeeysto.

Xeer illaaliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in raggaan lugu soo oogi doono dacwad ah ineey maleegayaan dil qorsheysan oo laga fuliyo dhismayaal ay degan yihiin soomaalida Kansas.

 Dambiilayaashan ayaa ka tirsan koox mayalka adag oo xag jir ah oo lugu magacaabo “Crusaders”, ayaa  caan ku ah naceybka muslimiinta iyo dadyowga midabtakoorka ka soo horjeeda. Muddada ay raggaani qorsheynayeen isku daygaasi dil ee ka dhanka ah soomaalida, ayaa ay ku howlanayaan arruurinta qoryo, aaladaha qarxa iyo qoraal si gaar ah loo shaacin lahaa  shaaciyaan marka ay falkaasi geeystaan ka dib. Qoraaladdaas ayey ayey ugu magac dareen “kuwo dadka hurdada ka kiciya” Ugu dambeyntiina xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay inuu la amkaagay qorshaha baaxada leh ee kooxahan mayalka adag doonayeen ineey ku laayaan soomaali badan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here