Cunsuriyiinta oo akhrisata Somaliska.com

12

Cunsuriyiinta taageera xisbiga Sverige Demokterna (SD) ayaa ka mid ah dadka ku xiran ee akhrista bogeena Somaliska.com si ay isugu dayaan in ay ka helaan warar ay ku faafiyaan bogagooda. Bogga ugu caansan kuwa cunsuriyiinta ayaa ka mid ah kuwa koobiyeeya wararkeena iyo sawiradeena si ay u quudiyaan akhristayaashooda u ooman cunsuriyada.

Mar aan la xiriiray oo aan waydiiyay sababta ay u isticmaaleen sawiradeena iyo wararkeena iyagoon fasax qaadan ayay guud ahaan xiriirka ii jareen igana mamnuuceen in aan bogooda fikrad ku darsado.

Tani waxay marqaati ka tahay horumarka uu sameeyay bogga Somaliska.com oo hada ay xitaa akhristaan cunsuriyiinta Sweden, waxaa kale oo bogeena akhrista Swedishka kale oo xiriir nala soo sameeya sida xisbiyada ku jira baarlamaanka.

Insha Allah Somaliska ayaa noqon doona mid ka qeyb qaata ka hor taga cunsuriyada iyo mideynta bulshadeena Soomaaliyeed si aan si wada jir ah u wajahno cunsuriyada isla markaana aan kor u qaadno sumcadeena.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here