Cunsuriyiinta oo dabagal ku haya beenta Soomaalida

47

Saakay waxaan akhrinayay website ay leeyihiin cunsuriyiinta Sweden. Websitekaan waa midka ugu caansan oo ay booqdaan boqolaal kun bishii. Arimaha ay aadka u daba galaan ayaa waxaa ka mid ah dadka sharciga la siiyay iyo sababaha lagu siiyay.

Qaasatan waxay aad u daba galaan Soomaalida oo ay markasta ku sheegaan in ay yihiin beenaalayaal aan waxba wadanka ku soo kordhinayn. Tusaale waxaa ka mid ah in ay ka hadlayeen 3 qof oo Soomaali ah oo sharciga la siiyay kuwaasoo ka soo jeeda Somaliland.

Sadexdaaan qof oo kala ah labo gabdhood iyo wiil ayaa markii ay iska dhiibeen Laanta Socdaalka waxaa durbadiiba la siiyay diidmo ka dibna waxaa lagu amray in wadanka laga saarayo. Ka dibna waxay racfaan u gudbiyeen maxkamada Socdaalka ilaa ay arinta gaadhay Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen). Soomaalidaan ayaa ku dooday in ay ka soo carareen Al-shabaab,qaasatan gabdhaha ayaa ku dooday in Al-Shabaab ay ku samaynayso gudniinka fircooniga.

Laanta Socdaalka ayaa baaritaankeeda ku cadeysay in dadkaan aysan ka imaan Muqdisho, isla markaana aysan qatar ugu jirin in Al-shabaab ay gudniinka fircooniga ah ku samayso. Al-shabaab laftooda ayaa ka soo horjeeda fircooniga. Sidaa darteedna diidmo lagu siiyay.

Ugu dambeyntii maxkamada sare ee Socdaalka ayaa ogolaansho siisay 3-da Soomaalida ah iyadoo ku dooday in gabdhahaan ay qatar ugu jiraan in lagu sameeyo gudniinka fircooniga xitaa haddii ay ka soo jeedaan Somaliland. Cunsuriyiinta ayaa arintaan aad uga xun iyaga oo ku doodaya in lacagta canshuurta ee ay bixiyaan la siinayo Soomaali beenaalayaal ah oo wadanka dib ula haraya.

Inkastoo la wada ogyahay in dadka dhan ay been isku dhiibeen ayaa hadana waxaa la doonayaa beentu in ay tahay mid caqbali gal. Waxaan xasuustaa hada ka hor in nin ka mid ah shaqaalaha Laanta Socdaalka oo lagu magacaabo Björn uu nagu yiri anaga oo koox Soomaali ah. “Marka aad isdhiibtaan. Ama wax run u dhow sheega ama wax run u eg”. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here