Cunsuriyiinta oo doonaya in ay soo galootiga ku celiyaan dalkoodii

8

Garabka dhalilyarada ee ururka cunsuriga ah ee SD ayaa bilaabay olole ay doonayaan in ay dib ugu celiyaan dadka soo galootiga ah ee aan 10-kii sano ee la soo dhaafay Sweden shaqo ka helin.

Cunsuriyiinta ayaa siinaya soo galootiga boorso ay ku jiraan macluumaad ku saabsan sida dalkaagii loogu noqdo iyo sida loo dalbado lacagta la siiyo qofka iskiis dalkiisii ugu noqonaya. Dadka ay raadsanayaan ayaa ah qaasatan dadka aan 10 kii sano ee la soo dhaafay aan shaqada ka helin Sweden.

Xitaa waxay 100,000kr ka dalbadeen Laanta Socdaalka si ay ugu maalgaliyaan barnaamijkoodaan. Laanta Socdaalka ayaa ku tilmaantay sheekada ay bilaabeen cunsuriyiinta mid borobogaando ah oo ay doonayaan in ay ku suuq geeyaan siyaasadooda.

Ujeedada cunsuriyiinta ayaa ah in ay wadanka ka saaraan dadka ay ku tilaamaameen kuwa aan guuleysan oo la dhihi karo Soomaalidi kow ayay ka galayaan maadaama aan ugu badanahay dadka shaqo la’aanta ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here