Cunsuriyiinta oo gubay xeryo qaxooti

Isbuucaan keliya ayaa daafaha Sweden waxaa dab la qabadsiiyay afar xero oo qaxootiga loo diyaariyay. Xalay ayaa dab la qabadsiiyay xero ku taala kamuunka Munkedal iyadoo aysan booliska ogeyn ilaa hada cida ka dambeyso gubitaanka xeryaha qaxootiga. Xeryaha la gubay ayaa ah kuwo aysan wali soo deggin qaxootiga balse loo diyaariyay.

Booliska ayaa aaminsan in xiriir uu ke dhexeeyo xeryaha la gubay, iyagoo hada baaritaan ku bilaabay. Cunsuriyiinta xagjir ah ayaa dhowr jeer ku goodiyay in ay gubi doonaan goobaha qaxootiga la dejinayo.

Ilaa bilowgii sanadkaan ayaa 10 xero oo qaxooti la gubay. Maadaama ay aad u soo badanayaan tirada magangalyo doonka imaanaya Sweden ayaa taasi ay abuurtay xaalad kacsan, iyadoo hada xitaa meelaha qaarkood looga dhisayo teendooyin maadaama aan lahayn guryo la dajinayo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. luul says:

    waa arin dhibkeeda leh ilaahow eysan na dilin kuwaan poliskuna waa kuwo dabacsan oo aan fir fircooneyn

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. Alasow says:

    Ilaahey dadkeyna ha ugargaaro

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  3. Waayo Arag says:

    Illahayoow muqdisho nabad kadhig, Somaliland-na la aqoonsadaa, shidaalka Puntland kujirana lasoo saaraa,Ogadeniyana xorowdaa…amiin… wlhi habeen masii joogeen halkan.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  4. jeeri says:

    Jimcaalow, waxaan maqlay in dawlada eey adkeneyso dhinaca dhaqaalaha xaga familka is codsanaya. Arintaas war kakeen sxb.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. ahmed says:

    Ninkii wadankiisa nabadgalayadisa dhawri waayo saas baa u dan baysaa illah ummad ha u gargaro aamiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. ahmed says:

    waayo arag saxiib somaliland xagee loo aqoonsan miyasan somali ka tirsanay somalia waa mid ummada xaqa illah ha fahansiiyo aamiin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  7. Hanad says:

    Ahmed ka LA dhaho miyaad ka Gubatay hadalka uu yidhi waayo arag Ee Somaliland ha LA aqoonsado ah’ xaasidnimaa calooshada ka buuxdee aamus xooloyahow’ dadka meel is gaadhaiiyay ha xaasidin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  8. Cabdale says:

    Hanad Somalia aadbay u jeceshahay ninkeeda Somaliland mana ka maaranto kaligeedna isma bixin karto markaa waa inlaga naxaa Ictiraafkeeda marka lasoo hadal qaado’ Love waynbay Ku Tahay’ waa Raaliyo LA Furay Somalia oo ay Somaliland Furtay masana LA faraxumeeyay’ Ugandhiis’ Kenyan’ Ethiopia iyo African badan oo aad u madow ayaa isaga danbeeyay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2