Cunsuriyiinta oo ku guuleystay doorashada Denmark

8

Doorashadii shalay ka dhacday wadanka dariska ah ee Denmark ayaa waxaa ku guul weyn ka gaaray xisbiga cunsuriga ah ee lagu magacaabo Danish People’s Party. Xisbigaan oo la mid ah xisbiga SD ee ka dhisan Sweden ayaa helay 21.1% cod iyagoo noqonaysa xisbiga labaad ee ugu weyn wadanka. Kaalinta sadexaad ayaa waxaa soo galay xisbiga midigta ee Venstre  oo la filayo in ay soo magacaabaan raysal wasaare.

Raysal wasaarihii Denmark ee Helle Thorning-Schmidt oo ka tirsan xisbiga Social Democrats oo ah xisbiga ugu weyn wadanka ayaa qiratay in laga adkaaday xulufadeeda iyadoo sidoo kale iska casishay gudoomiyaha xisbiga.

Denmark ayaa u muuqata wadan cunsuriyada qaabilay, iyadoo ay dhamaan xisbiyada wadanka ka dhisan ay ololaha doorashada ku cambareeyeen soo galootiga iyo qaxootiga. Xitaa xisbiga Social Democrats ayaa waxay ololaha doorashada u isticmaaleen erayo ka soo horjeeda soo galootiga.

Raysal wasaaraha cusub ee Denmark ayaa waxaa noqonaya ninka lagu magacaabo Lars Løkke Rasmussen oo hogaamiya xisbiga Venstre. Waxaa uu dowlada la wadaagi doonaa xisbiga cunsuriga ah ee Danish People’s Party oo awooda ugu badan ku yeelan doona baarlamaanka.

Natiijada doorashada iyo dowlada cusub ee Denmark ayaa la filayaa in ay albaabada u xirto qaxootiga iska dhiibaya wadankaasi isla markaana ay nolosha ku adkayso soo galootiga ku nool Denmark.

Dad badan oo ku nool Sweden ayaa ka cabsi qaba in wadankaan uu sidoo kale raaco wadada Denmark, oo ay dhamaan xisbiyada wadankaasi isku raaceen in ay ka soo horjeestaan soo galootiga. Xisbiga cunsuriga ah ee SD ee ka dhisan Sweden ayaa bilihii la soo dhaafay ay taageeradiisa aad kor ugu kacday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here