Cunsuriyiinta Pegida oo ku ceeboobay Malmö

5

Shalay waxaa magaalada Malmö ka dhacay dibad bax ay soo qaban qaabiyeen koox lagu magacaabo Pegida oo ka soo horjeeda Islaamka, kuwaasoo isbuucyadii la soo dhaafay kumanaan kun oo qof ay ka qeyb qaateen wadanka Germany iyo Norway balse shalay ayay ceeb iyo wajigabax kala kulmeen magaalada Malmö.

Dibad baxayaasha Pegida ayaa noqday 8 qof oo keliya, iyagoo ay ku soo hareereesmeen dad gaaraya 5000 qof oo ka soo horjeeda iyaga, sawirada iyo telefishinada ayaa laga daawanayay sideed qof oo boolisku ka celinayo kumanaanka qof ee ka soo horjeeda oo ku qaylinaya “wadooyinkeena uma ogolin cunsuriyiinta.”

Dibad baxayaasha la baxay Pegida oo sanadkii hore ka bilowday magaalada Dresden ee wadanka Germany ayaa ah kuwo cunsuriyiinta ah oo ka soo horjeeda diinta Islaamka iyo soo galootiga, iyagoo maalmaha isniinta isugu soo baxa qaar ka mid ah magaalooyinka Germany, iyadoo markay ugu badnaayeeen ay gaareen 30.000 qof. Cunsuriyiinta kale ee ku nool daafaha Yurub ayaa iyaguna bilaabay in ay abaabulaan dibax baxyo la mid ah kuwaas balse waxay u muuqdaan in ay ku fashilmeen Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here