Hay'ada Socdaalka Sweden ayaa cusbooneysiin ku sameynaysa Qalabka faraha looga qaado dadka dalbada magangalyada, qalabkan cusub ayaa awoodi doona in uu si saxa u akhriyo dadka faraha dhaawacyada ku leh sida dabka. Sida uu soo tabiyay Sveriges Radio Hay'ada Socdaalka ayaa rajeynaysa in qalabkaan cusub uu fududeyn doono codsiga magangalyada. Hay'ada Socdaalka ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay 2,000 qof la awoodi waayay in farahooda la akhriyo dhaawacyo dartood. Hay'ada Socdaalka ayaa dadka faraha ka qaada si ay u baaraan in qofkaan uu horey magangalyo uga dalbaday wadan kale oo Yurub ah.

Cusbooneysiin lagu sameyn doono Qalabka Faraqaadista

Hay’ada Socdaalka Sweden ayaa cusbooneysiin ku sameynaysa Qalabka faraha looga qaado dadka dalbada magangalyada, qalabkan cusub ayaa awoodi doona in uu si saxa u akhriyo dadka faraha dhaawacyada ku leh sida dabka.

Sida uu soo tabiyay Sveriges Radio Hay’ada Socdaalka ayaa rajeynaysa in qalabkaan cusub uu fududeyn doono codsiga magangalyada.

Hay’ada Socdaalka ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay 2,000 qof la awoodi waayay in farahooda la akhriyo dhaawacyo dartood.

Hay’ada Socdaalka ayaa dadka faraha ka qaada si ay u baaraan in qofkaan uu horey magangalyo uga dalbaday wadan kale oo Yurub ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...