Daawo hordhaca filimka laga sameeyay ciyaartoyda Soomaalida [Video]

3

Filimka xiisaha badan ee lagu magacaabo “Trevligt Folk” ee laga sameeyay dhalinyaradii ka qeyb gashay ciyaaraha barafka aduunka ee ka dhacay Ruushka sanadkii hore ayaa isbuucaan la filayaa in uu soo baxo. Filimkaan ayaa ah mid aad loo wada sugayo isagoo si qiiro leh u soo bandhigaya dadaalkii ay sameeyeen dhalinyarada Soomaalida iyo dadkii ka caawiyay in ay ka qeyb galaan ciyaaraha.

Halkaan waxaad ka daawan kartaa qeyb hordhac ah gaaban, oo muujinaysa nin indhoyar ah oo aad u guubaabinaya dhalinyarada Soomaalida in ay guul gaaraan, kaasoo ka mid ahaa dadkii bixiyay qarashka ay ruushka ku tagaan. Qaybta kale waxaad ku arkaysaan isbarashadii ugu horeysay iyo tababarkii ugu horeeyay ee ay qaateen. Daawasho wacan. Filimka ayaa tiyaatarada Sweden laga daawan doonaa 28 bisha Janaayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here