Daawo: Qoysas Soomaali ah oo ku nool Stockholm oo guryaha laga saarayo

6

Maanta waxaa magaalada Stockholm gaar ahaan xaafada Tensta ka dhacay kulan wada-tashi ah kaasoo ay isugu yimaadeen qoysas gaaraya 35 oo isugu jira Soomaali iyo qowmiyado kale, kuwaasoo ay shirkada guryaha Svenska Bostäder ay ku amartay in ay isaga baxaan guryahooda. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay ururo iyo dadka kale oo taageeraya qoysaska.

Qaar ka mid ah dadka aan wareystay ayaa ii sheegay in ku dhawaad Soomaali gaaraya 70 qoys lagu amray ama ay qatar ugu jiraan in guryahooda laga saaro. Arintaan ayaa cabsi weyn ku abuurtay Soomaalida ku nool xaafada Tensta iyo guud ahaan xaafadaha ay deganyihiin soogalootiga ee Stockholm. Heshiiska waqtiga gaaban ee loo yaqaan (Korttidskontrakt) ayaa la sheegay dhamaan dadka haysta in laga saari karo guryahooda.

Daawo qaar ka mid ah qoysaska oo ka waramada xaaladooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here