Daawo Sawirada: Soomaalida oo si qiiro leh u soo dibadbaxday iyo saxaafada Sweden oo si weyn wax uga qortay

Sidii balantu ahayd maanta waxaa magaalada Örebro ka dhacay banaanbax ay ka soo qeyb galeen Soomaali badan oo ka careysan xildhinaanad ka tirsan xisbiga Bidixda Vänsterpartiet (V) oo dacaayad Soomaalida ka dhan ah ku faafisay Facebook. Magalaaada Örebro ayaa sidoo kale maanta waxaa ka socday kulanka sanadlaha ah ee xisbiga Vänsterpartiet.

Banaanbaxa ayay Soomaalidu si fiican uga soo qeyb galeen iyagoo fariintooda cod iyo qoraal ba ku muujiyay. Waxay sidoo kale la hadleen saxaafada Sweden sida SVT, Dagens Nyheter, SvD iyo dhamaan warbaahintii goobta timid. Arintaasi ayaa aad u muhiim ugu ah faafinta dalabka Soomaalida ee ahaa in haweenayda xildhinaanada ah ee lagu magacaabo Amineh Kakabaveh laga ceyriyo xisbiga isla markaana aysan Soomaalidu aqbali doonin raali-galin iyo waqti gooban oo siyaasada ay ka fariisato.

In dalabkaasi ay aqbali doonaan V iyo in kale ayaan cadeyn, iyadoo shalay mid ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee Örebro ay la kulmeen gudoomiyaha xisbiga Jonas Sjöstedt kaasoo u muuqday in uu ku qancay raali galinta ay bixisay haweeneydaan.

DAAWO SAWIRADA BANAAN BAXA KA DHACAY ÖREBRO

banaanbax-orebro-5 banaanbax-orebro-4 banaanbax-orebro-3 banaanbax-orebro-2 banaanbax-orebro-1

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Hakaba says:

    Guul iyo gobnimo dadka soomaaliyeed

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 2

  2. luul says:

    asc
    dareenkooda wey muujiyeen waana dadaaleen inta kale dowlada sverige ayey u taalaa hadii ey dadku casilen dadxun ayad la casheysay waa in ey tana wax ka qabtaan wa sida ey tahay cadala

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 3

  3. Wixii dhacay ha u fiirsan says:

    Aadban ooga xumahay somalida Örebro dagan een kasoo qaybgalin mudaharaadka ee dhayalsatay waxa loo hadlayaa waa idinka ee hurdada ka kaca somalaay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  4. Wixii dhacay ha u fiirsan says:

    Inta ka soo qayb gashay ee difaacday sumcada somalida waa in booskeena buuxisay hadaan ree Göteborg nahay tack jimcaale

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  5. Abdinasir says:

    Somaliska riksförbundet krävde att riksdagsledamoten Amineh Kakabaveh utesluts från Vänsterpartiet vid en demonstration utanför Vänsterpartiets kongress i Örebro där över 50 personer deltog.

    Waxaa layaab leh bal fiiri tirada dadka ka soo qeyb galay inta ee la egtahay ma örebro oo dhanaa tiro 50 ilaa 60 kaliya kasoo qeyb gashay wlh hadii la dhihi lahaa maamul goboleed baa lasoo dhaweynayaa ama la taageerayaa ilaa tuulooyinkaa loogu imaan lahaa nacala tulaah caleykum somali qashin waaye islaanta kurdida ee Amina la leeyahay waxee aragtay in soomaalida ee kala daad san tahay waana waxa ugu wacan in ee karbaashto waatan ayadoo is difaaceysa waxa ee ku hadashay.
    Andra syften
    Amineh Kakabaveh tror att det finns andra syften bakom Somaliska riksförbundets demonstration än att protestera mot den film som hon av misstag spred på Facebook.

    – Det ligger krafter som är onda bakom sådana här kampanjer. Varför demonstrerade man inte när asylboendena brann, varför demonstrerar man inte när somaliska ungdomar förtrycks och diskrimineras, säger hon till TT.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  6. Diini says:

    Ha nolato somalia wa wax lagu farxo wa mid laga donsyo qofkasto o somali ah

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  7. Omar says:

    Asc aniga qaladka waxa saaraya dadka soo qabanqaabiyey waxa ila fiicneed in ay sameeyaan gudi abaabula hela Sverige mudaaharad weyn ileyn somali Örebro kaliya ma dagane waxan markowaad iyo labaad ka codsana cid walbo oo iiga firfircoon in ay abaabulan mudaaharad meel walbo ah dhacana isku waqti sidaas iyo isku duubni ayan uga hortagi karna walalayaal horey aya magac xumi inoo baxey aan ku dadaalno isku duubni. Iskuduubniba dadkayagow duli kaga baxda nolol daaimtiyo deeq iyo wanaag kudurduurata waa mahadsantihiin balanteenu waa iskuduubni

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. Amal says:

    Mashaallaah guul Soomaaliween

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0