Daawo: Sida nin Hindi ah oo loogu bahdilayo Dubai

Muuqaalkaan aad halkaan ka daaweynaysaan waxa uu muujinayaa nin Emiraati ah oo si xun u garaacaya nin hindi ah ka dib markii ay baabuurtooda isku dheceen. Waxaa cajiib ah in ninkaan hindiga ah uusan far u qaadayn ninka ku garaacaya cigaalka isagoo u muuqda mid tuugaya.

Dhacdadaan ka dib ayaa waxaa ka sii daran in ninka duubay vidowgaan ay booliska Dubai xabsiga dhigeen, ka dib markii wiilka uu dhalay ninka Emiraatiga ah uu sheegay in muuqaalkaan uu meel uga dhacay sharafta aabihiis. Waxaa taas ka sii daran in ninka la garaacayo oo aan far qaadan uusan xitaa gudbin dacwad booliska.

[youtube height=”350″ width=”600″]http://www.youtube.com/watch?v=cC8GiXj3dD0[/youtube]

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. Mustafa says:

    Arinka noocan oo kale waxa lagu tilmamaami kara kibir) Dhaqan nin kibrin uun ban dhihi kara marke wa fal uu sameeyo qofkasta oo nisha sare ku nool caqligisuna ama damirkisuna uusan ka reebin Bani’Aadam ka kale. 80-90s inti u dhexeysay somalia wey ka dhcday isla arinkan oo kale iyago isku somali ah iska nin maskin ah oo anan wadankisi joogin.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. cade says:

    cali yooooow calaaa calka iga dhaaaaf carab waaa naaaag ‘
    ;

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  3. xssen says:

    asc wsm dhamaan somalida oodhan hurta qisadaan waxa layaabo ninka eey kucusubtahay maahine iyo qofka aan tahin wadanmanka carabta oodhan qofkasta oo ajaanib ah waa sida loola dhaqmo intaan ka eheen wadanka sudan waxa ubadan wadamanka hudanka ah sababtoo ah hadaad ladagaasho eey iskugukaadagayaan markaad dacwood dacwooto waxalagaarabaa marqaati midkatane waaku ceeb ina nin ajaanib ah oow garabkusiiyo asigoo muwaadinkadhigayo danbiile mida kale dadka hindida ah waaloosheegaa ina loola qaqmayo sida eeygookalaa asigoo og ayoow wadanka soogala sidaasne kafiil ayaa looga nuqdaa kani waa nin weey waxa dilayo hada waxa kadaran caroorta waxa eey kusameeynayaan dadka ajaanibkaa waxan sheegayo waa waxan aan goob joog u soo ahaay aniga waay waxan kahadlaayo dhibaatada loogeesto dadka ajaanibka ah siiba hindida wadanka ugudaran waa wadanka sacuudi carabiya ma ahanwax leega sheekeeynayo waa wax aan kusoo arkay aniga in umada sidaas loola dhaqmo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. faarax says:

    carabtu waa dadka ugu dhaqanka xun uguna liita bal waxaas uu sameenayo eega doqonkan naasaha wayn leh. somaliyey mid baan idiin sheegayaa waligiin carab inteysan idin bahdilin idinka bahdila ileen waxaas oo kale ayaa ka buuxee wada caloosha ween.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. cabdallah muxammad says:

    Asalaamu Calaykum
    walaalaha waxaan ugu dari lahaa arrintan aad ayay u gilgishay dalka waana laga xumaaday jaraa’idkuna aad buu uga hadlay waxana loo arkay tasarruf ama wax uu ku kacay qof keliya aan dadka kale metelin, waxa ka sii daran ninka waxan samaynaya waa nin caan ka ah meesha ay wax ka dheceen mas’uulna ka ahaa costumes dubai ama jamaarika dubai waana la maxkamadayn doonaa laakiin waxan oo kale ma dhacaan? haa way dhacaan inta badanna waxay u dhowdahay wax la ogaado iyo waxaan la ogaan laakiin waxa la ogaado waxbaa laga qabtaa lamana ogola waxase kala duwan muwaadiniinta ku kala nool dalalkan waxa la yiraahdaa mujtamaca sucuudiga ayaa ugu mucaamalo qallafsan anigu waxaan joogay muddo dalkan emaratka inaga haddii aan soomaali nahay haddaan haysan lahayn nimcada ay haystaan sida walaalaha midkood sheegay waa ka sii darraan lahayn waayo qofka meeshan oo kale jooga wax badan waxuu dareemayaa in dadka mucaamaloodu ay kala duwantahay aanna qaladka laysku raacin shacabka intiisa badanna aysan dadka xad gudub u geysan waxa taa sii dheer oo jirta inay jecelyihiin inay ku faanaan khayrka ama wanaaga ama waxyaalo dhaqammo u ahaan jirey carabtii hore sida deeqsinimada iyagoo in badan jecel inaa la wadaagtid waxa ay haystaan sida cuntada oo kale taas oo keenta in qofba qofka uu ka soorya badan yahay ka fiicanyahay gurigiisuna u furanyahay qayb ka mid ahi waxaas oo keliya waa qaybta lagu magcaabo fadhiga ama majliska oo u badan (khaymah )ama teendho dededda guriga ku taal in badanna dadka socotada ah ama deriska aan wax haysan oo imman karo ayna ku farxaan laakiin dhanka kale waxyaalo baa jira dhaca laakiin way ka khafiifsanyihiin sida loo malaynayo waana wax ku kooban dadku sida ay u kala dabeecad duwanyihiin in qofka ajnabiga ah haddii qof xun uu helo uu dul miyi karo uusanna jirin cid qofkaas uu uga biqi karo weliba haddii uu haysto ama ogyahay in cidi garab ku siinayso waxii ka dhan ah oo dacwad ah laakiin hadday noqoto marka la ogaado qofka wax gardaraysanaya oo qof ehelka qofka xumi ogaado ama qof mas’uul ah oo wanaagsan wa wax dhaca in wax laga qabto aduunkana way ka dhacdaain umado badani ay dadka ku xadgudbana jahli iyo isla weyni awgeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. abdulahi says:

    ASC..DHAMAAN DADKA AKHRISTAYAASHA WEBKAN WAA IDIIN SALAAMAY WAXAAN IDIIN LEEYAHAY RAMADAAN KARIIM..INTAAS KADIB WADAMADA KHALIIJKA ARIMAHAAN XADGUDUBKA WAA WAX CAADI KA AH WAANA SII KALA DARANYIHIIN HADE AKHBAARTE DUBAI WAXAAN KA AQRIYI IN NINKII DUUBAY DHACDADAAN IN LAQABTAY OO UU XIRANYAHAY OO LOO HAYSTO INUU DUUBAY DHACDADAAN WAANA NIN HINDI AH ..MARKE WALAALAYAAL DADKA NOOCAAN OO KALE AAD IYO AAD AYAY UGU BADANYIHIIN KHALIIJKA CARAB ISKUWADA MID MA AHA WAXAA DULMIGE IYO XAD GUDUBKE UU AAD UGA DHACAA SACUUDIGE ..SIKASTABO HA AHAATEE DADKE MEELKASTO OO DUNIDA KAMID AH DAD XUN IYO DAD WANAAGSAN WAA JIRAAN WAA XAQIIQO TAAS XATTAA ANAGE SOMALI AHAAN DAD KUWAAS KALIITO OO DAALIMIIN AH WAA LEENAHAY OK BOROBLEEMKA UGU WEYN EE KAJIRI KHALIIJKA QAASATAN SACUUDIGE WAXAA WEEYE MARKII XAD GUDUBYADAAN EY DHACAAN OO QOF AAN MUWAADIN AHAYN LUGU XAD GUDBO MAJIRTO MEEL AAD UDACWOONEYSID OO CADAALAD AAD KA HELAYSID TAAS WAAYE DHIBKA UGU WEYN EE JIRO OO HADII BOOLISKA AMA XATTAA MAXKAMAD AAD KADACWOOTID WAXAA AAD U YAR RUNTII IN AAD HESHO CADAALAD MARKE DADKA XADGUDUBYADAAS SAMEEYO WAA OGYIHIIN IN AAN WAXBA LAGA QABANAYNIN OO HADII UU DHIBAATO U GEESTO QOF AJNABI AH WAXAA HUBAAL AH ASAGOO WAX CABSI AH QABIN AYUU DHIBAATADAAS GEESANAAYAA MARKE BROBLEEMKA UGU WEYN EE KAJIRO KHALIIJKE WAA TAAS..WAXAA KALOO JIRI DADKA MUWAA DINIINTA AH EE UDHASHAY WADAMADAAS IYAGA XATAA WAA QEYBO BADANYIHIIN DABAQDA SARE DHEXE IYO HOOSE IYAGE XATAA ISKUMA NAXARIISTAAN DABAQADE SARE WAA KUWA AMIIRADE LOO YAQAAN IYO KUAW KA AG DHAW IYO MAALQABEENADE WAA WEYN KUWA DHEXANE WAA IYAGANE GANACSATADA DHEXE KUWA HOOSE OO IYAGA AH KUWA DULMIGA INTA BADAN MASAAKIINTA AJAANIBTA UGEESTO SABABTOO AH IYAGE XATTAA LOOMA NAXARIISTO WAA DAD LADULMIYO MARKE WAXAAN FILAAYAA INAAN FAHANAY XAALKA HALKAAS KAJIRO MARKASTANE DAD WANAAGSAN WAA JIRAAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. till all.abadalah waa mahadsantahay waxaad kahadashay muhimada iyo xaqiiqda ka jirto meeshe..anige waxaan kudari lahaa inta uu abdalah sheegay waa sax 100% ninkaan hindiga ah ee ladilaayo ee aan isdifaaceynin cabsi iyo fulaynimo kama aha iyo inuu dagaalka aqon ee hadi uu gacan uqaado qof wadani ah waxaa qabanaayo qawaaniin adag oo u yaalo wadamadas marke wadamadaas waxa kajiro waa wax bini aadamnimada kabaxsan waxa ey ku kibreen waa nimcade ilaaheey siiyi oo wax caqli ah iyo xoog iyage kuma keensanin waa la ogyahay xaalkoode marke masaakiinte meeshaas kunool alaah u kaalmeeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. sofia says:

    asc ARIBKA 2SANO DHIBKIISU WUU BATAY WALINA DIIDMO AYAA SOCOTA MARKAA 15AUGST WAXA JIRA JIRA SHIR BALAADHAN OO ARINKA DADKA DHIBKU HAYTSO AY LA KULOMAYAAN HAAYADO CAALAMIAH HA LAGA SOO QAYB GALO WIXII FAAHFAAHIN AH KALA XIDHIIDHA 0767413038

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1