Daawo: Wiil Soomaali ah oo ku dhawaaday in uu ku hafado dabaasha

7

Shalay waxaa magaalada Karlskrona ka dhacay arin cabsi leh oo la soo daristay aabe Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Khaled Mohamed ka dib markii wiilkiisa oo 5 sano jir ah uu ku dhacay barkada dabaasha. Wiilka yar oo lagu magacaabo Abdiaziz oo aan dabaalan karin ayaa waxaa biyaha ka soo bixiyay aabihiis isaga oo aan neefsanayn.

“markaan biyaha ka soo bixiyay waxaan isdhahay 99% waa uu dhintay, ma uusan neefsanayn. Aad ayaan u cabsaday” ayuu Khaled Mohamed u sheegay telefishinka SVT.

Laakiin nasiib wanaag waxaa goobta joogay dhaqtar, kaasoo durbadiiba ku dadaalay in uu biyaha calooshiisa ka soo saaro wiilka yar, isagoo Abdiaziz sidaa ku badbaaday intii ay ka imaanaysay ambalaaska. Hospitaalka ayaa la geeyay, iyadoo maalin ka dib laga soo saaray.

Wiilka yar oo ka waramaya arinta ku dhacday ayaa SVT u sheegay.

“Ma aanan neefsanayn, biyaha ayaan ku dhacay, waxaan xasuustaa in aan biyaha ku dhacay oo waxaan is iri cid ku caawinaysa ma jidho”.

Aabaha wiilka yar ayaa u mahadceliyay dhaqtarkii wiilkiisa badbaadiyay iyo shaqaalaha caafimaadka.

Arintaan ayaa muujinaysa muhiimada ay leedahay in waalidiintu ay caruurtooda isha ku hayaan markasta, haddii aysan aqoon dabaasha. Caruur badan ayaa ku qarqata biyaha xiliga xagaaga.

abdiaziz-video

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here