Dab damiska oo soo galootiga shaqaalaynaya

1

Ciidanka difaaca dabka ayaa doonaya in ay shaqaalaysiiyaan dad badan oo asalkooda yahay soo galooti si ay u kordhiyaan xaalada amaanka ee shaqaalahooda qaasatan magaalooyinka waaweyn.

Mashruucaan ayaa ka dambeeya ka dib markii ay shaqaalaha dabku dhibaato kala kulmeen xaafadaha ay ku badanyihiin soo galootiga sida Malmö iyo Stockholm oo la sheegay in lagu dhagaxyeeyo shaqaalaha dabka markii ay halkaasi hawl u tagaan.

Si kor loogu qaado isfahanka shaqaalaha iyo dadka xaafadaha ayaa hada waxay doonayaan dab damisku in ay shaqaaleeyaan dad ku hadla luuqadaha ay ku hadlaan xaafadaha dhibaatadu ka jirto. Mashruucaan ayaa waxaa maal galin doona midowga Yurub iyadoo ay ku bixi doonto lacag gaaraysa 7 milyan oo karoon.

Inkastoo ay tahay waxaan la aqbali karin in la dhibaateeyo shaqaalaha dab damiska oo naftooda qatar u galiya si ay damiyaan dabka ayaa hadana la dhihi karaa mashruucaan waa mid loo baahnaa maadama ay aad u yartahay tirada soo galootiga ka shaqeeya dab damiska. Soomaalida qaasatan ayaa aad ugu yar shaqada dab damiska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here