Dabaal-dega ciida Kiristaanka iyo Muslimiinta

6

Shalay  oo taariikhdu ahayd 25 December waa dabaaldegga maalinta Juulka ama Christmas ee loo yaqaan (Juldagen) taasoo balaayiin ka mid dadka caalamka ay u dabaal dagaan dhalashadii nabi Ciise (nnkh) inkastoo taariikhdu cadeysay in uusan dhalan maalintaan. Dabaaldegga Juulka ayaa la aaminsanyahay in uu ka soo jeedo caadooyinkii dadkii cawaanta ahaa ee ka horeeyay Kiristaanka.

Sanadihii u dambeeyay ayuu Kirismasku noqday xaflad ganacsi iyadoo shirkadahu ay lacag fara badan ku bixiyaan xayeysiinta si ay faaiido uga sameeyaan hadiyadaha lays waydaarsanayo xiligaan. Sidoo kale xiligaan ayaa ah waqtiga keliya ee dad badan oo Kiristaan ah ay fursad u helaan in ay la kulmaan qaraabadooda ama ay booqdaan kaniisada. Dhinaca kale ayuu Kirismasku yahay xili ay dhacaan waxyaabo badan oo lidi ku ah diinta Kiristaanka iyo Islaamka oo ay ugu horeysa sino, cabitaanka qamriga. iwm.

Arinka yaabka leh ayaa ah in dad badan oo aan Kiristaan ahayn oo ay ku jiraan Muslimiin ay ka qeyb qaataan dabaal degga ciidaan. Qaar badan ayaa ku dooda in Kirismasku uusan hada ahayn dabaaldegg diimeed ee uu noqday mid dhaqan. Inkastoo ay xor u yihiin dadka Kiristaanka ah in ay u dabaal-deggaan diintooda ayaa culumada Islaamka ay qabaan in aysan banaaneyn in lagala qeyb qaato Kiristaanka dabaaldagooda.

Sidee kula tahay dadka Muslimiinta ah ee u dabaal-degaya ciida Kirismaska? Fikradaada ku darso…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here