Dabaal degga ciida Kiristaanka (Jul)

Maanta oo taariikhdu tahay 25 December waa dabaaldegga maalinta Juulka ama Christmas ee loo yaqaan (Juldagen) taasoo balaayiin ka mid dadka caalamka ay u dabaal dagaan dhalashadii nabi Ciise (nnkh) inkastoo taariikhdu cadeysay in uusan dhalan maalintaan. Dabaaldegga Juulka ayaa la aaminsanyahay in uu ka soo jeedo caadooyinkii dadkii cawaanta ahaa ee ka horeeyay Kiristaanka.

Sanadihii u dambeeyay ayuu Kirismasku noqday xaflad ganacsi iyadoo shirkadahu ay lacag fara badan ku bixiyaan xayeysiinta si ay faaiido uga sameeyaan hadiyadaha lays waydaarsanayo xiligaan. Sidoo kale xiligaan ayaa ah waqtiga keliya ee dad badan oo Kiristaan ah ay fursad u helaan in ay la kulmaan qaraabadooda ama ay booqdaan kaniisada. Dhinaca kale ayuu Kirismasku yahay xili ay dhacaan waxyaabo badan oo lidi ku ah diinta Kiristaanka iyo Islaamka oo ay ugu horeysa sino, cabitaanka qamriga. iwm.

Arinka yaabka leh ayaa ah in dad badan oo aan Kiristaan ahayn oo ay ku jiraan Muslimiin ay ka qeyb qaataan dabaal degga ciidaan. Qaar badan ayaa ku dooda in Kirismasku uusan hada ahayn dabaaldegg diimeed ee uu noqday mid caalami ah. Hadaba waa maxay sababta ay dadkaas uga qeybqaataan barnaamij ka soo horjeeda diintooda?

Culumada Islaamka ayaa qaba in aysan banaaneyn in lagala qeyb qaato Kiristaanka dabaaldagooda iyo xitaa in loogu bishaareeyo “God Jul” iwm maadaama ay arintaas tahay in aan kala qeyb qaadanayno dunuubta iyo shirkiga ay faraha kula jiraan. Maxaase laga yeelayaa kuwa noogu bishaareeya ciid wanaagsan marka aan ciidayno isla markaana naga filaya in aan sidoo kale samayno marka ay ciidoodatahay?

Fikradaada ku darso…

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. aragsan says:

    Waa wax laga naxo dad islaama inay uu dabaldagaan wax diintooda iyo caqidadoda dhawacaya markaa illahow xaqa garansiii

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  2. huda says:

    asc oo walalo jimcale hadayi iguu yidhah daan good jul maxan kuu irahda maa naagatag good juul lahane gudo gariire

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 4

  3. Sharmarke. says:

    God jul, Qofkii aan rabin muxuu kasamaynayaa meeshaan, muu aado meel aam laga aqoon happy chrismas.

    Muslim markaad aragto waa colaad socota.

    uga taga dalkooda marka.

    Hadal mayaalee.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  4. aragsan says:

    Dod Jul ma rabneee ilahay imaanka ha ku so ceeliyo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  5. Hodan says:

    Haddii ay saas tahay maxaan cayrta u qaadannaa illeen waan ognahay in xataa hilibka qansiirka la cashuuree iyo qamrada kuwa khaniisiinta ahe.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. Abubakar says:

    Asc jimcaale waa jibkaaki waa kudatay ilaahey hagu dhoro waxa tahay ruux noo dadaalay wax naga qarsoona ayaa daaha ka rogtay waxan islaam eheen haga xanaaqan ama yeysa ka xanaaqin wixi xaqa waa la sheegi inta leysla noolyahay insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1