Dabeecada Soomaalida iyo gaadiidka dadweynaha

Dhowr maalmood ka hor waxaa fariin ii soo diray midka mid ah wadayaasha basaska ka dhex shaqeeya magaalooyinka Sweden kaasoo cabasho ka muujinaya dabeecada Soomaalida marka ay raacaan gaadiidka dadweynaha.

Wadahaan oo magaciisa ku soo koobay Abdirisak ayaa ka dhaawajiyay 3-arimood oo ay aad u dhibsanayaan dad kale ee gaadiidka dadweynaha isticmaala  balse dabeecad u ah Soomaalida. Abdirsak ayaa doonaya in Soomaalidu ay arintaan iska dhaafaan oo ay xushmeeyaan rakaabka kale. Hadaba maxay yihiin arimahaan uu ka dhawaajiyay Abdirsak…

1. Moobeelka: oo lagu  dhex hadlo  baska ama tareenka  dhexdiisa  oo  waliba  lagu qaylinayo siiba  gabdhaha  oo dhegta  telefoonka  galiya. Soomaalida ayaa la dhihi karaa waa dad aan telefoonka dhigin. U fiirso adiguba marka baska iyo tareenka la raacayo. Isla marka la fadhiisto ayaa qof walba waxa uu la soo baxayaa moobeel. Waxaa talo ah in halkii aad qofka wici lahayd aad SMS u dirto.

2. Barafuunka oo layska soo buuxiyo. Waxaa jira dad ku xanuunsada urka barafuunka, sidaa darteed ma wanaagsana in aad barfuumka iska soo buuxiso marka aad gaadiidka dadweynaha raacayso. Qaasatan gabdhaha Soomaalida ayaa isticmaala barfuum aad u adag oo urkiisa baska oo dhan laga dhex dareemayo.

3. Xanjada oo si xun loo calaliyo. Abdirsak ayaa waxa uu leeyahay Soomaalidu ma yaqaanaan sida xanjada loo calaliyo. Marka aad xanjada calalinayso waxaa la doonayaa in aad hoos u dhigato oo aysan ku dareemin dadka kale. Waxaad arkaysaa gabadh xanjada marna afkeeda ku buufinaysa marna qarxinaysa. Dabeecadaas Soomaaliya caadi ayay ka ahayd balse halkaan ma wanaagsana…

Hadaba waxaan leenahay Soomaaliyeey halagu baraarugo daceedahaan oo ay dhib sanayaan qeybaha kale ee bulshada. Wixii anaga caado noo ah ayaa laga yaabaa in ay dhibaato ku tahay dadka kale. Waxaa la doonayaa in qofku uu yahay mid feejigan oo inta uusan ficil sameyn ka hor samaynaya qiimeyn.

FIKRADIHIINA KU DARSADA…

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

64 Responses

  1. Gabar Soomaaliyeed says:

    asc hadaan ka hadlo fikirkayga tankoow anigaba waan u arkaa talefanka inuu qalad yahay balse tan labaad ayaa ah in uu barafuunka sidiisaba yahay wax xun waa hadii aad bananka ula baxaysid sida aan wada ognhay qof ka dumarka aha waaba ka mamnuuc ineey barafuun iyadii marsan eey bananka u baxdo waxaana ku waajib ah ineey qubeeysato ama meerado oo isdaahiriso wuxuu la mid yahay adigoo qasli ku jira qofka dumarka ah hadeey ayadoo barafuun leh banaanka baxdo taas waxaan uga waaninaa walaalahayga dumarka ah ddin ahaanba uma fiicna adiogoon u fiirinayan inuu qof dhibaayo u fiiri diin ahaan tan xanjada jimcaale maahan wax caado ama dhaqan noo ah xitaa hadaan wadankena joogno in la buufiyo adigoo wado maraysid mana ahan wax caadi ka ah taas waxaan u arkaa inaad igula qaldan tahay ileen meesha ilmo yar yar ma jogaan marka walalayaal waxa xun aan iska ilaalino mid diin iyo mid shaqsiyadeedba wabilaahi toowfiiq taasna waa fikirkayga oo kalaiya

    Fikrad lala dhacay Thumb up 21 Thumb down 1

    • bravom says:

      waxaas dhan waxaa ka daran oo aan la yaabay, qof ayaa soo raacaya bas markaas ayuu wacayaa qof sxbkis ah oo uu dhahayaa war hebaloow soo carar boos ayaan ku hayaa hee, yaab badanaa, war xagee la joogaa, dhaqamada xun ee aan wadano aan iska dhigno soomaaliyeey, dhaqan suuban baan leenahaye.

      Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 9 Thumb down 9

    • Mohamed says:

      Waa mahadsan tihiin dhammaantiin. Run ahaantii waa dhaqamo aad u fool xun, oo ay tahay in la iska dhiifo. Teeda kale, haddaad ku qofka la taliso ama khaladkiisa u sheegto, aduuba kula yaabaya. Waa wax laga xumaado.

      Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 3

  2. nima says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 16

  3. cashira says:

    asc walal yaal wan ka xumahay inay sameyan somalidu waxyaba nuca ah lkn jamcale waxad shegtay 3ariimod ba inay gabdhahu ay leeyin balse maxa raag udiiday ina ku shegtid tasii wa cadal daaro wana ka cudur daranayna walal lkn waxa leehay gabdhaha somaliyeed wad ujeedan ina noqonay wuxu xunba xaawa leeh ee iska illaliya waxa u wadankan ay u lahayn dhaqan ama sharcii waxa maqali jiiira hada taagtid meel ilkali yah lagu leeyahay adigu na isha kala is tuurta marka wa tiiyo kala walal yaal ee iska illalino waxa fool xumo ina ku ah wa inika arkayo ina noqonay xiidigti dabadheer ok kher badan aya i nigu dhafay

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 7

  4. FM Jimce wanaagsan, Salallaahu caleyhi wasalim says:

    Runtii qeyladda dheer markaan maqlo inuu Soomaaliya yahay aniga baska la saaranahay waan isla yaabaa iyo nidaam daro kale oo badan waxaad arkeysaa qof qof laakiin wax badan maaha waa Boqolkiiba hal wadankana kuwa ku cusub ayaa u badan!!!!??

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 2 Thumb down 6

  5. siiham says:

    waa ariin aaad cajiib u ah waxiii aan dhihiii lahabaaa waxaa dhahaGabar Soomaaliyeedaay thanks

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 4

  6. siiham says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

    • bashiir says:

      asc horta marka hore kuwa buska wada laftoodu ha isa saxaan iyaga ayaa uugu taleefan hadlid badan mana dhigaan inta ay buska wadaan marka maxayba dadka u eedayn iyagiibaaba khaldane iyagu ha isa saxaan

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  7. nabiil says:

    waa arin xun hadii aan bulshada la, dhaqmi waynno hableheenow dhibta badi waa idinka sida qorane da,daala insha allah barfuunka iska daaya xafada le ku marsada xanjadana waan isla wada calaanjinaye bal ayadana hoos ahaan aan u calaanjino telefona waaba qalada asagu kaas meel walbu ku dhaganyahay bulshada dhaxdeeda ooma wacna wsc jimecaale adina canaanta daa hadal raxmada ku hadal somalida mahan dad jaahiliine waa dad il bexee ani cml ka dhasheee looooooooooooooooooz

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  8. abdala says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 11

  9. Gabar Soomaaliyeed says:

    siiham Adigaa mudan walaal aniga maahi qof diinta saas ugu sii dheer balse waxaan jeclahay ineey inta walaalahay oo gabdho ah oo isticmaala barafun ay iska dayaan kolay qof walba waxaan filaa inuu dhagaysatay sheeq boqolsoon allaha u naxariistee sida uu uga hadlay barafunka iyo wadaado kale oo badan marka waxa xun aan iska waanino si ilaah dartiis ah wabilaahi toowfiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  10. Muhamed says:

    ASC waxaan ku dari lahaa fikir yar oon ku arkay dadkeena soomaaliyeed dukaamada marka laga adeegayo in aan aad u qaylino tusaale ahaan in loo yeedho qof dukanka dhankiisa kale iyadoo la joogo oo hebalow iyo heblaayooy cirka lagu shareero. mida barfuumka hadaan ka hadlana dumarka waa ka xaaraam in ay banaanka ula baxaan ragase waa caadi sidii sunno lakin intaa waxaa dheer barfuunadaa kala ah kuwa qadhmuunka badan maha waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Saredo1 says:

    Asc runti sadexdaan arimod waa wax jira lakin 1mid ayaa gabdhaha ugaara taasna waa barfumka waana run waxayna isticmalan cadaro aad u adag iyo unsi waxaasna qofkasta o an isticmalin ad ayu udhibsanaya xaga diintana kuma haboona waana wax laga ficanyahay lkn labada arimod o kale waa laga siman yahay rag iyo dumar mid afraadna waajirta qaabka ay cuntada u cunan o lojeedo afkoda waxa kujira wa lalabo walahi . Waa iska dayacanahay runti waxan waxba ahen ayan kumash quulna e soomalay bararuga xarash aya layno hayaye yaan laynaka fa i day san indha fura

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • jaabir says:

      sareedo aad bay uqal dan tahay waa yo olole gander palnce ayay ka dhigtay arimihiiba

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. njb says:

    ASC WALALAYAAL … hadalkan abdi u ka dhawajiyay jimacle na u
    noso jediyay waxan dhihi karaa wa wax jiro sax na ah , waxan kalon qabaa in ced goni ah lolajidin . wa marki kowad on ku wafaqo jimcale mowluuc uso qorey intooda badan .waxan degenahay wadan dad leyahay waxii dadka dhibayo mar unba nolashegi lahaa marka haduu jimcale noso gudbiyay waba caano kugu datay. bal ka waran hadu qof swedish ah no shegi lahaa , wan og nahay weykasi xuman laheed .. abdi waxan le yahay raganimo jimcale na halka kasii wad . wabilahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. qaali says:

    asc aniga hadan fikir kayga ka dhiibto mida kowad waan qirayaa inay jirto somaliduna qeyliyan markay telka ku hadlaayaan mana haboona in dadku ku dhibsadaan qofkana waxa u fiican inu si asluubleh usocdo lk kuwa kale waa buunbuunin ban u arkaaa anigu, mida kale anagaba somali hada nahay dad baynu nahoo waxyaabo badan ayaanu dhibsaneysaaa markaa ayagaaba uraaya kaala sigaar kaadii iyo khamrigudii baa basaska lala saar nan kari waayey,, ee yaan somalida la ceebaynin ayaga cadar kaso carfayaye wabilaahi towfiiq……

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. ahmed says:

    waar waxaa caadi waaye no jimacaale sxbow waxan kor uga bax somali iyo dhaqanked lama so fara galiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. MASSAGO says:

    Horta waakala tahay arinku mida Tlfnka hadaan ku hormaro somalia iyo sweden waxaa u dhaxeeyso masaafo dheer mug in kor loo dhigo qeylada say u maqlaan dadka xaga joogo aa keentay tanaagooshada teeda kale qof 23-sano xabad ku dhax jurtay wax dheexaa maqli mayso waa in loo dheer dheerowarka. Tan xanjada aakuusoo hertay qalad ma,ahin in baska lagu dhax cuno xanjada hadesan ku qorneeyn irida lama ogolo xanjo. tan 3–xaad ee ah Barafuunka qoftu inaw is carfiyo waa wax lagu qasbanyahay mugaw xaflad ama maalin joog aadaa sawsan u urin asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  16. exlaaaska says:

    asc walalhay somalida anigu horta anigu ayaaba hore arinkaas u arkay dumarkeena somaliyeed ha ubadnaden telka dhagta lagashaynayo ee lagu hadlayo 10 saacadood dadkan macal waxay ino arkayan iinuu telku inagu cusub yahay midakale qofku tellka waa u ku hadli kara sago hos u hadlaya jawaab gaban siiin kara qofka u lahadlayo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. exlaaaska says:

    qodobka barfuuunka barfuunka dad ayaa alergi kuqaba aniga idin lahdlayaa elergi ayan ku qaba xaga urtaa samboor ayaa igu kaca markaan urta perfomka ursado

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  18. WIILWAAL says:

    qaladaadka kale ee somalida ku arke waxa kamida iney centererada magaaloyinka istaagaan yihiin camal la,aan oo dhowr qof wada kuciriiriyan dadka kale kuna qeylinayan af somali oo ah luqad dadka wadanki udhashe fahmin markaas qof walbo swedish ah oo mesha so maro shock kaqaada,waa ceb walahi waa aqlaakh daro iyo diiin xumo,waxan ubanahay waxyalo badan inan iska saxno jimcale wad kumahadsantahay inad furte mawducan aan isku shegno waxa naga qaldan ana isku saxno hadi kale maryoley lee kucebesan mesha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  19. Khadija says:

    Telefoonka,xanjadaiyo barafuunkaba waa la wada isticmaalaa laakiin qaabka ay dadkeena qaarkiis u isticmaalaan ayaa xoogaa ka duwan kan dadka aan u nimid. Annigu waxan ku talin lahaa inaan barfuumo aan aad u caraf badneyn oo deggan amaba deodorant nooca rollka oon caraf badneyn inaa isticmaalno maxaa yeelay waxaa laga yaabaa adigoon xumaan ujeedin inaad caafimaadka qof kale dhibaateyso waana arrin xasaasiyadeeda leh. Xanja la buufinaa oo la qarxinaa maxay dhadhan iyo qurux ahoo ay leedahay waa arrin aad u foolxun qof weyn inu sida caruurta u dhaqmo. Tan telefoon hadaad ka fursan weydo inaad telefon hadasho waxaa fiican inaan codkaaga hoos u dhigto.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  20. DEEQ DARAJO says:

    ASC,,,,,,, salaantas kadib TO,,JIMCALE,,, WALAAL HADEEY MACQUUL TAHAY WABKA WUXUU KUQURUXBADNAA SIDI HORE WAXAA LOO BAAHNAA IN AAD AAD AFTI KAQAADO MACAAMIISHA KUXIRAN WABKAAGA MAHAD SANIT

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. jiijo says:

    maxa soomaalida kaligeed loo sheegaa ajaanibta kale wey sameeyaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  22. Saredo1 says:

    Horta waxaa fiican in qof walbaa qalad kiisa qirto o hadana isasaxo ilmihiisuna tusaale fiican kahelo hadii qofkii weynaa sixun udhaqmaayo ilmihiisi muxu noqonaayaa sax maaha in telefom lagaga qeyliyo basaska dhex dooda iyo meelaha an manaasibka ahen ama xanjo siqab daran loo calasho waxaan filayaa soomalidu mawada xuma lkn qof walba wuxuu gurigoodi lajoogay ayu mel kasta ow tago kudhaqmaya dhibtaasna waa xaga tarabiyada e qof walibow dhalaan kaaga tusaale fiican ugu dadaal… mahad sanidin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. shucaac says:

    walaal jimcaale somalida inaad caydoh iyoh soogalootiga ayaad wepgaan u furatay waana wax cad taas mana istaahiloh wepkaan booqasho waayo maalinkasta xumaha soogalootiga bes ayaad dabacdaa runtii maqaan aniga ma wepsedyada cunsuriyiinta ayaad kasoo xigataa warkaaga qaabka daran waad ku mahadsantahay faafinta xumaha soo galootiga

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  24. Jimcale says:

    Asxaabta igu eedeynaya in aan fadeexeeyo soo galootiga iyo Soomaalida waxaan leeyahay aniga ayaa idinka jecel Soomaalida balse waxaa la doonayaa in aan si toos ah u wada hadalno oo dhaliisheena aan isku sheegno. Waxaan ku wada hadlaynaa waa afsoomaali. Waa in aan qiranaa dhaliisheena isla markaana aan u raadinaa xal.. Marka sidaas ula socda…boggu waxa uu u dhisanyahay baraarujinta bulshada iyo warbixinta.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

    • deeqa says:

      JIMCAALE WADMAHADSANTAHAY WALAAL EEDMALIHID EEE HALMID AYAN KUDARSAN ARINTAN WALALOW MADAMA AAD DANKISAXAFADA SOMALIDA UFAHIDID SURTAGAL MATAHAY SOMALIDA BARNAMIJYO ISKUSODHAWEYA INAAD ABURTO WLALAOW ADOO LAKASHANAYA KARTIDA IYO AQONTA IYO DADNIMADADAB ILAHAYNA HAKULAGARABQATE WAXANKAWADA DANKA KUMUUNATI TAYOLEH DHALINYARO TAYOLEH WALID TAYOLEH AQOONYAHANO TAYOLEH BILSHO ISKUXIRNATA BARNAMIJYO NOOCAS AH OO WACYIGALIN AH AADBAY UGUBAHANTAHAY BULSHADANI ARIMAHAS BULSHADAN WAXAN ORANARA AAD BAY USII WIIQMAYSA MALINBA MALINTA KADANBAYSA MARKA ANIGA AHAN FIGRADAS AYAN KUDARSANLAHA MAWDUUCAS MADAMA AAD U ADEGTID BULSHADA ILAHAY HAKUXIFDIYO

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. yaab says:

    qeylada ragg iyo dumarba waan kasimanahay, oo meeshii labo soomalai ah iskugu timaado waxaa loo maleeyaa dagaal in uu kajiro,
    marka dadkaan aan la joogno waa dad inta badan ixtiraamo dadka kale ee ha laga qaato waxa wanaagsan ee ay leeyihiin.
    balillaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  26. Najmo says:

    asc marka wan idin salamay wlh hadalka laka qoray meshan waa sax mana habona in ey is carfiyan dumarka marka ey bananka ubaxayan waxa wanagsan in ey gurigoda isku carfiyan xanjadane ey ku calaliyan gurigoda telefankane ey kula hadlan gurigoda ama melaha ku habon in lakula hadlo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  27. Ilyas says:

    WAR HEEDHE YAAB… war maxaa ceebta somali kaliya idin tusiyay… dadku haku hadlaan moobeelada halaga leexdo naqaska ayey iska saarayaane. kuwa aan soomali eheeyn oo tareenka ama baska ku buuqaya waan aragnaa marwalbee… tan barafuunka waan garan karaa inkastoo badneen. waxaa reer baadiyo nima ah inaad adiga dadka ku mashquusho. Dadka aan martida unahay dadka kuma mashquulaan hadaa jidka kaadi la istaagto xitaa gees ayey kaa marayaan somali maxay dadka ugu mashqulayaan.. yaab badanaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  28. Ciska says:

    Waxaa waxaa ka sii daran in soomaaliddu looga yaqaan Prasiter wadankan Sweden. Parasiter waxa weeyaan gooryaan kugu kor nool.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  29. FM says:

    Jimcaalow gaaladaan xaarka iyo kaadida iska dhaqin oo qamriguna ka soo urayo amaba Doofaarka cuna marna wax ma ka sheegtay, waa inaad wax ka sheegtaa iyagana,sax si kale nolol waa fahmeen,sida xushmo been been ah oo banii,aadamka ay u hayaan. balse wey ceeb badan yihiine ceebtooda soo qorhee haddii waxii xun Xaawo aysan lahayn.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  30. Shulya shal-- shucaac says:

    Fikirkaaas dad badanaa kula qabo in wabsedkaan waxyaabaha ku qoran waa nagativ ku ah somalida wadanka kucusub isla markaana niyad jab ku ridaayo
    7-bada biri waxaa macquul ah inaw 1 biri lee wax bosativ ah so qoro 6-da kalena hoog bay sheeg kala carar iyo kala rooor bisaaa ku qoran saasaa keeni karto in loo arko wabsedkaan inaw xariir la leeyahay wabsedyada cunsuriyenta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. fatima says:

    jimcaale suaal imisa sano ayaad ku nooshahay swedan adoo raali ah?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. cadefidow says:

    iska dhaaf dadkalee aniga xitaa waan necbahay xanjada dhash dhash lagasiiyo tankale tellka hadii eey hoos uhadlaayaan waaba beelo ee waxaa kadaran kor ayeey ula qeelinaayaan tankale isticmaalka tellka dumarka iyo raga waxaa badan dumarka oo 24 saac dadkale kuxamanaa taasina waa denbi waana waxeey caadeesteen dumarka yurub jooga oo dhan waa kuwa soomaalidaaye baraafuunkana waa catar udugiisu waali yahay waa lagu sambooraa oo dadka neefta qaba wuudhibaa waasax taas waxaa iga talaa haleeska daayo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  33. ifrah says:

    Akh xanjada aniga waan xanuusta hadan arko qof xanjo si qabdaran u cunaya wlhi ma dhirbaxda. Baa i qabata akh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  34. bishaaro says:

    Salaan ka dib inta la sheegay waa run balse ???????? Dumarka dhan ma ahan … Waxana ubadan dumarka wadanka hadda yimi … ani yurub waxaan jooga dhowr iyo toban sano waligay mobil maro hoosta kaama galin ..balse sannadadan danbe ayay cadadan timi xataa jidka hadday marayan wuxu ugu jira dhagta ayagoon isticmalin filada mobilku wato … tan kale prafumnka adag wuxu ka wada catarka .. jimacaale walalkis xiligan la joogo wax catar marsada waa yar yihin balse xata a fiicno .. xanjadana wiilasha ayaba u daran oo intaay baska soo koraan kursi kale saara lugaha kana xaniba qofka taagan ee raba in uu fadhiisto … hal mid baan ani ku eedi lahaa somaliada basaska soo racadaa … siiba dhalinyarada af swedshka ku hadlaya oo la fahmayo waxay ka hadlayan ayagoo qaylinya kuwaas aqalada hala baro oo waalidintii dhaalay ilmahooda ha ku ababiyan af soomaliga …

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  35. Soomali says:

    Intii lag soo hadlay Waxaan ku dari lahaa Soomaalia marka ay baska soo fuusho waxay ka billaabaan inay ka hadlaan SFI, ereygaas dadka oo dhan waa yaqaanaan marka, maanta oo dhan ereygaas ayaa lagu soo cel celinayaa waxaan codsanaynaa isgana isagana sheegsheegidiisa halla yareeyo runtii waa la ogyahay SFI in la dhigto cidkale oo ka sheekaynayso ma rakaysid oo aan soomali ahayn. Qayadana ha la yareeyo ama sheekada dheer dheer marka baska lagu dhex jiro. qaar waxaad arjakaysaa baska dhexdiisa lacag ku qaybsanayo oo waliba ku murmayo oo farah isku taagtaagayo hala iska daayo waxyaalahaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  36. POSITIVE MAN. says:

    XANJADA MARKAY CUNAYAAN ILAA GOWS DANBEED KOODA AYAA LA ARKAA, DUMARKUNA UUNSI QADHMUUN AYEY ISKA SOO BUUXIYAAN, MAHAN INAAN CAYAYO WAX LAKIIN WAA DHIIRI GALIN IN LA ISKA DHAAFO WAXII XUN HADAAN KHALDAMAY HALA IGA RAALI AHADO LOLZ

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  37. M. Abdulrahman says:

    To jimcaale, nin yahaw ayaanti hore waxad wax nogu soo qori jirtay qaab saxafadeed lkn hada ayaantan waxad modaa in aad si ka hosaysa sido hore wax u wadid, mahad alle ayaa iska leh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      M.Abdulrahman sxb maba la dhacsani anigu qaabka ay saxaafada soomaalidu wax u qoraan…Anigu waxaan wax u qoraa waa qaab ku dhisan wada hadal iyo fikrad isdhaafsi. Waxaan doonayaa in meesha ay ka dhacdo dood. Mowduucyada anigu aan qoro waa kuwo nolosha bulshada taabanaya ee ma ahan dil, dhac, iyo qabyaalad.

      Boggu ma ahan mid aniga keliya aan wax ku qoro ee guud ahaan qofkii doonaya in uu fikrad, dhaliil, warbixin, iwm u soo jeediyo bulshadu mowduuca waa ii soo diri karaa. Boggu waa bogg u furan bulshada Soomaalida ee Sweden.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  38. Yasir says:

    asc waxan kufigrad ahay gabar somaliyad wasiday ushagtay dhaqan iyo diin umalihin wac

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • samow A A says:

      dadka soo galootiga hadda kahor ayaa layiri way soo uraan marka markii aan barfuunka soo marsano hadana yaan ladhihin way soo carfaan taasi waa qalad we are freeeeeeeeeee

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Ahmed says:

      Asc

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. ahmed says:

    kkkkkkkkkkkkkkk nin kaasi been musan kashegin somalida rer badiyenimada haiska daayan oo ha xur meeyan dad ka mida kale dad ka qaara aan jec layn waxa ud goon ayaa jira waa sax lakin su aashu waxay tahay ma waxa qadh muun bay kahelaan kkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. yaska says:

    kkkkkkkkkkkk fiican waa yey arinkaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  41. yaska says:

    asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  42. Runsheeg says:

    ASC aqyaarta waa salaamantihiin ok darawalka baska waxa uu sheegay wax yaabaha dad ka somali lagu dhinsado ee ma maxuu u sheegi waayay dad ka somaliyed waxa ay ayagane dhib ka ku qabaan waxaa ka mid ah habar ama ogay ama gabar ama wiil waxee wataan eeyo oo dad ka harminaayo oo mar mar ka qaarkood ku leefaayo iyo wilasha iyo gabdhaha is daba dudaayo oo dad ka xamanaayaan ayagane waa dhibkeena maxuu u sheegi waayay iyo darawaliinta qaarkod o ah madow neceeb oo aan ku geeneen xaafadaha fog oo baska logu tala galay oo rakaabka badanaa ku dejiya meel soke oo yiraahda ma gaarayo bas ka halkaan ayuu ku eg yahay taasna ha lagu soo qoro sida tan oo kale yeeyna ahaan doqon dad keedee u daab weyn tahay ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  43. liilo kosnno says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa yab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  44. shakir says:

    hablaha ayaa cadarka iska buuxiya xata diniyan ma banana marka fadlan cadarka hala yareyo xanjadana waa dhaqan xumo hadi aad mobile ku hadlayso meel ama tren dhexdi hadalkaga hoos u dhig hadi kale soo gabi hadalkaga waaba intas dhamantin mahad sanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  45. Somalijecel says:

    Asc dhamaantiin, aniga weligey boggaan comment kuma qorin balse maanta waxaa igu kalliftay inaan mowduucaan la dhacay ayna qasab igu noqotay inaan wax ku qoro.
    walaalayaan somali hadaan nahay wax nalooma sheegi karo oo waan madax adag nahay dabeecadahaan uu Jicmcaale kheyr Alle ha siiyee soo qoray dhamaan waan leenahay mana wanaagsana ee aan iska deyno mida kale bulshadan sweden wallahi wey na karhadeen. Meel walba tel ayaan ku qeylineynaa please aan iska deyno inta aan webka aqrisanina ku wacyi gelino iney iska daayaan wabbillahi ntowfiiq.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  46. gundux 1. says:

    3daas arimood walaahi bilaahi waa sax. weliba tan xanjada maaalin kasto ayaan arkaa ruux soomaali ah oo si xun u calaalinaya, teleefanka sidoo kale, taas been kuma sheegin dumarka ayaa u badan iyo markey hadlaayaan loo maleeyo ineey taar ku hadlaayaan… aniga 3 sano ayey igu qaadatey inaan fahmo arimahaas bafruumka iyo xanjada, lkn teleefan awalba somaliya markaan joogey tartiib aan ugu hadli jirey… alxaasil ceeb maahan in dadkeena inta aan ogeyn loo sii sheego. thanks

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  47. Cawo says:

    Asalaamu Caleykum.

    Soomaali hadaan nahay aqoon malihin, in wax naloo sheegana ma ogolin.
    Dhibta jirta waxay tahay waxan ka xishoona inaan barano dhaqanka
    Wadamada aan ku cusub nahay. Dadku waxay iska dhaadhiciyeen
    Iney reer baadiyo nimo tahay haddi uu qofku dhaho war waxan ma aqaane hala I Baro AMA hala ituso Sida loo isticmaalo..
    America dadka markey aadi jireen waxa la Bari jiray dhaqan mareykanka. Halkaan waa laiska yimid. Xoog iyo been baana la raba in lagula dhaqmo bulshada. Waxaa loo baahan yahay in dadka la wacyi galiyo dadkuna ay wax maqlaan qaataana ila qof aqoon ku dhashay majire.
    XANJADA…. Cun Lakin afka isku qabo fadlan
    PERFUME… Marso (DUMARKA MAYA) Lakin mid light ah fadlan
    TELLPHONE… Ku hadal adigo hoos u hadlaaya AMA SMS udir qofka fadlan.
    Codka dheer labo qof oo aan isku meel fadhiyin waa mamnuuc.. DUMARKA codkooda hoos hau dhigaan (whispering)
    Dadka yaan la fiirin labiskooda xita hadey qaawanyihiin, waxaad arkeysa dad xamanaaya oo ku mashquulsan qof kale.

    SOMALI HAKA FEKERTO SIDEY U DHISAN LAHAYD DALKEEDA IYO DADKEEDABA!!!

    WABILLAHI TawfiiQ.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  48. daada says:

    salaan aqyaarey khaasatan jimcaale iyo wiilka baska wada iyo inta fikirka fiican kadhiibatey meshan ee runta kahadashey. umadii soomali wey badalantey taasina waa mid muran ka taagneen.waxaa badaley qawm duli badey soomali iyo darajadey leheed wadankeeniibaa saas usoo baabi iney saa maxuu sheegaayaa mid aan carar ku imaaney magaceenuna waa ila muran. waxba haiga sheegin. waxaan u noolnahay maxaa iga galey. dadkuna hadey noloshooda noqoto maxaa iga galey waa ayaan daro sababatoo ah hadaan maanta meeshaan kasoo kaco aan dhoho manadiifinaayo mana xaaqaayo alaabtana madhaqaayo maxaa iga galey waa dhib saasbaana wadamadaan aan orodka ku imaaney ugu noolnahay noloshana lama qabsankarno ee aan buulasheenii dib ugu laabano waayo waxaad arkeesaa qof weyn oo inta taleefanka jalbaabaka ku qabato si waxwaalan u hadleeso meshay mikrofon iskaga hadli leheed.walibana waxaa ana ku darayaa waa in guryaha noocaan nalagu bartey waayahaan dambe ur caraf eheen kuna dhibeyso aan yeelaney soomaliyeey waana guryeheena oo cuntada iyo unsi ama cataro adag laisladhoco oo hawana lasiin masoo dhameen karo dibishiliin xumada aan lajoogno qurbaha waxba haku cararina jimcaale iyo dirawalka runtey noosheegeen waamahadsantahay walaakey jimcaale….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  49. Baariyow says:

    asc walalayal aniga waxaa ilafican inleska dhaafo wexey dadka dhibsanayaan oo la ixtiraamo dadka kale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  50. dr nibroon says:

    walaalkey anaga hadii aan nahay somali dhibkas sweden kaliya maahinee waxay naga heesataa meelkaasto aan qaxoooti ku nahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  51. BOY ONE says:

    WAXAAS OODHAN WAA DHAQAMADA AY IS TIC MAALAAN DAD KA HAWIYAHA AH WAYO WAA DAD AN LAHAYN WAX XADAARAD AH AMA REER MAGAAL NIMO QABIILKA HAWIYE ASAL AHAN WA BERALEY XOLO DHAQATO AH SAS BANA KENTAY IN SOMALIDA ODHAN AFKA LAGU QABTO WAYO IYGAAAS AYA SOMALI KULA SHEGANAYA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  52. raaliya says:

    boy one maad xishootid maxaa hal qabiil oo kaliya farta ugu fiiqee somaliya o dhan wey wada siman yihiin hadii eey hawiyaha reer badiya yihiin hadaba ma reer waqooyigaa reer magaal ah ayagaba xoolo laga soo gaare oo reer baadiya asal ah ilaa hada badiyaha bey dagaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  53. Eyman says:

    Asc somaliyeey! tan hore waxaan leeyahay maxaa loo rkaa tan gabdhaha sameeyaan oo loo arki waayr mida ey wiilasha sameeyaan, war gabdhaheena ma xuma wax xun waa ragga yega ee sidaan haleysku dhaamo runtii. Ninka soo wariyey oo baswadaha waxaan leeyahay maxaa horrtaada ku qoran ma aqrisay horta mise waxaa ku qoran basaska yaa la mashuulin darawalka yaa la mashquulin, hadaba maxaa u geeyey in uu ku mashquulo gabdhaha somaliyeed fadllan waxaan u arkaa nin shukansi doona ah oo *No* laga horgeeyey ayuu iila muuqdaa plz cidkale ula tag kan ka soo qoraayo calaacalka. dumarka somaliyeed ilaah ha deysto amiin. la’aantooda maba aan jirileheen.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  54. deeqa says:

    asc walaalahayga islaamka oo dhan hadan kudarsado figrad arinta telfoonka ben mushegin gabdhaha leh balse mid bukatagay raga aad ban uxishooday hawr jer wilal somaliyed qayrlo geel inay racyan ayaba moodaysa runtii somali ookaliyana mahan ee qaxooti oodhan wa iskumid isagu wanoodanqaday oo wuxuyiri waxas halayskadayo wana mahadsanyahay wlalaken naganaxaya waye bulshodhan sumcaded ayan huwanahay lakin aniga waxan u arka swedan oodhan qofka somaliga fartuuqada loowada jeeda sababtasna wamidaan markasta iswaydiiyo ciyal haday tahay nalakadibbadan dhalinta ama kuryada nalakadhibbadan waxaan aad ulayaba arimobadan oo aad a u arkay ama xog ogaal u ahay horta kartida anaga isu xogwayn oo dadka kale manaqana sida layskaga cesho hadalba manaqan indhahan hoos uroganayna walahai wa magaca ale wadankan cunsuriyad xun ayanasaran wana iska nool nahay wax an og nahay malahan qof walba waaqanacsanyahay waa midka hada boy labaxay ookale oo qabiil mooye wax kale aan kuhayn niyada fikirka dhalinta xita kudhalatay meshan markay ku dhexjiran kuwa kale waxa aysameyan kuwakale eeqaxootiga ee dhibtabaan la eegimayo kuwenana ishaasaran yaab ayan kumaqanahay waxaan kufakara marmarka qaar maxaakenay bulso dhan in dhaq dhaqaqoda la eegayo waxan orankara waxa jira ee dhabtaa ayaanba moognahay oo waxkalan ku mashquulsanahay xanjada wiilkas darawalkaanah wumahadsanyahay waxajirana wuu ogyahay barafuunkana wlalae wanjecelnahay seelayelin dambidhaaf ilahayba leh gabdha somaliyedse loogabadan barafuunka dhagcasta waliga siisska guriga naqasku makugudhagay tareense makadagtay aniga kulahalayay igudhacdaykawaran somalina mahayn waxa moda dhalada odhan halmar inay iskushubeen wana kuwa ugdm ay dhahan jabka wala wadaqabaye somaalaay dib halooxisaabtamo wax soke ntalagumashqulayo roomaniyiinta ayaa swedan inooka qiimobadan qofkastoo somaliya karti haysu yelo kuwa somlaiyajogana afka kamawadahadlikarane qori ayay kuwada hadlna kuwa halkanjogana indhaha ayay hoos urogtan sidii gabar xalay lasoo aroosay rag iyo dumar wa iskumid xaqooda la doodsinaya ayagoo indhahoodu shan yihiin waan idin baryaaye dumarka smaliyeed meelkasta ay joogan ragaan yay iskuhalayn ee ayagu kumuunatii ha aas aastan wax ay usoowadan majirto wadan halkan midna wayo melba kumaheshiinkaran walahai aniga waxan qaba fadhiga ka kaca wacyigalinta sameya wadanka horay ugutilabso wixiikuneceb iyo wixikujecl mid ha dangalinina ragaan qabiilku xisraya wa xisir aan dhamaadlahaYN DHALINYARO IYO CIROOLE WA ISKUMID GABDHAHA HAKA KACA AYAN KUSOO GUNANADAYAA FADHIGA MARKAY GABDHAHA ARKAAN RAGU DIINTA AYAY KU ORD OO KITABKII AY LABEN AYAY GABDHAH KU XUUXSHAN WAAN LEYAHAY ILAHAY TALOSARTA ISBAD BASHA ILAHAY IDINHALIGIMAYEE INSHA ALAH BULSHADAN GABDHO WANAGSAN AYAY UBAAHANTAHAY TACLIINLEH WAYO ARAGNIMO LEH DAACAD AH INTAS AYAN KUSOO KOBAYA RAGUNA HAYS XISAABSHAN INTAA LA XISABIN SOOMAI OODHAN QABIILKA UGA QUBAYSTA SIDA WASAQDA UGA QUBAYSATAAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  55. Cawo says:

    Asalaamu Caleykum.

    Soomaali hadaan nahay aqoon malihin, in wax naloo sheegana ma ogolin.
    Dhibta jirta waxay tahay waxan ka xishoona inaan barano dhaqanka
    Wadamada aan ku cusub nahay. Dadku waxay iska dhaadhiciyeen
    Iney reer baadiyo nimo tahay haddi uu qofku dhaho war waxan ma aqaane hala I Baro AMA hala ituso Sida loo isticmaalo..
    America dadka markey aadi jireen waxa la Bari jiray dhaqan mareykanka. Halkaan waa laiska yimid. Xoog iyo been baana la raba in lagula dhaqmo bulshada. Waxaa loo baahan yahay in dadka la wacyi galiyo dadkuna ay wax maqlaan qaataana ila qof aqoon ku dhashay majire.
    XANJADA…. Cun Lakin afka isku qabo fadlan
    PERFUME… Marso (DUMARKA MAYA) Lakin mid light ah fadlan
    TELLPHONE… Ku hadal adigo hoos u hadlaaya AMA SMS udir qofka fadlan.
    Codka dheer labo qof oo aan isku meel fadhiyin waa mamnuuc.. DUMARKA codkooda hoos hau dhigaan (whispering)
    Dadka yaan la fiirin labiskooda xita hadey qaawanyihiin, waxaad arkeysa dad xamanaaya oo ku mashquulsan qof kale.

    SOMALI HAKA FEKERTO SIDEY U DHISAN LAHAYD DALKEEDA IYO DADKEEDABA!!!

    WABILLAHI TawfiiQ.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0