Dabeecadaha Soomaalida oo taageero u noqday cunsuriyiinta

Shalay waxaa bogga Facebook ku faafay warqad ay qortay haweeney Swedish ah oo cabasho ka qortay dhaqamada Soomaalida. Inkastoo haweeneydaan ay u muuqatay mid si gooni ah u neceb Soomaalida ayaa hadana cabashooyinkeeda waxaa ka mid ahaa kuwo si joogto ah ay u sameeyaan Soomaalida.

Warqadeeda ayay ku furtay sidaan “waxaan soo raacay baska Gislaved oo buuxay iyadoo ay  gadaalkeyga fadhiyeen koox Soomaali ah kuuwaasoo cod sare ku hadlayay. Gadaal ayaan u fiiriyay oo waxaan isdhahay ma adiga ayaa qaldan maadaama aad la yaabantahay dhaqanka dadkaan , amaa laguugu yeeraa cunsuri haddi aad ka codsato in ay codka hoos u dhigaan mise waa xaalada Sweden ee maanta” ayay ku bilowday warqadeeda, haweeneydaan oo magaceeda yahay Carina Jakobsson.

Hadalkeeda iyada oo sii wadata ayay tiri “Markii aan baska ka degay waxaan dhaafay kuraastii beerta lagu nasto oo Soomaali qabsatay, oo dhamaantood waxay wataan baabuurka caruurta lagu riixo. Ka dib waxaan galay safka mashinka lacagta lagala baxo (bankomat) kaasoo uu iga horeeyay nin Soomaali ah oo si fiican u labisan. Markii uu la baxay lacagta ayuu dhulka ku tuuray warqadii kafiitada”. 

Haweeneydaan ayaa sawir ka qaaday warqadii uu tuuray ninka Soomaaliga ah taasoo muujinaysa in ninkaan uu lacag ka qaato laanta socdaalka (Migrationsverket). Intaa ka dib ayay hadal dheer oo lagu yaqaano cabashooyinka cunsuriyiinta ee ay ka midyihiin sida soo galootiga loo siiyo lacago badan oo deeq ah ay hadalkeeda ku dartay. Ugu dambeyntii ayay qortay in aysan cadaalad ahayn in soo galootiga sidaan loola dhaqmo iyadoo la hilmaamayo dadka dhaladka Swedishka ah. Iyadoo ku soo gababaysay in hada laga bilaabo ay u codeyn doonto xisbiga cunsuriga ah ee SD.

Ku darso fikradaada…

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. Deeqo says:

    Illahay Ayaa Talo KufilaN Asagaana Awood leh Wuxuusan Cid yeelina Cidna Kuma Dhacaan lkn aniga ahaan waxaan wallahayga somaliyeed ka codsanayaa inay wadan ka ay yimaadeen laqabsadaan waanala soo dhaweeyay Diinteena iyo dhaqamadeenaNa lama fara gashan lkn wax yaalo badan aynu ku dhaqaanaa waaba fool xumo sida Nin dhulkiisa nadiif saday inay qashin kaga tuurto plz aan badalno maaha kuligeen ee qaarkeen sida haweenka xadiigadaha vagenka lataagan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 19 Thumb down 2

  2. Acw qola walbaa wexey leedahay dhaqan ugooni ah somalida hadalka kor looqado wexey ka Mid tahay dhaqankooda mana ahan wax ceeb ah wadankan sweden dumarkiisu wey wada qawanyihiin mana kuceebeyno saa waa dhaqankooda, ninkaan lacagta labaxay yaa cadeen karaa inuu ceyr qaato ma ayadaa usoodirtay lacagta. Jawaabtu wey iska cadahay ayadaa ah qof xun saa qof eesan aqoon ayey xukuntay oo ku sheegtay inuu ceyr qaato, hadallada cunsuriyiinta yey San dadkeena nagudirin.
    Mahadsanidiin
    Ibrahim Mohamed

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 3

  3. wehliye says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 12

  4. Osman says:

    ASC WR WBR wax yar an ka idhahdo Thanks! Somalida runti waxay u badan yihin jahilin. Wadankan runta hadi la shego si wcn aya naylo qabiley. Marka an si wcn an u dhaqano o dadkan gaalada ah e wada qawan na an nabad galino o waxba ka shegin. Maxa yelay dee adiga aya dadkan wadankodi ugu yimi. Melaha offentliga platser/public marka an joogno please si wcn somaliyey u dhaqma. Tackar //Osman

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  5. ugaaaska says:

    Asc oll Somalida waa u dhaqan hadalka sare iyo furfurnaata lakiin weheliye dadka aflagadada ka daa duli baa tahay ma diideysa somalida wey taqana iney wax yaabaha qaar ku dhaqmaan somalidana noocagoo kala ku jira xun oo umada qabiil ku magaca war isla yaab oo adiga iska daa cunsurinimada dadkaagana ku noqo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  6. faarax says:

    Halayaabina doroshadiyaa so dhow. Wa xiligii SD ey somalida beenta ka abuuri jireen. Resitka bangiga mawaxaa kuqoran migrationsverket? Kkkkkk

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  7. mohamed says:

    waa idin salamay walalaha dhamaan wabkan ku xiran hal suaal ayaan qabaa waxaan maqlay in abril wixii kadanbeya qofkii sharciga qaato in sharci cusub u qabanaayom kaas oo ah in owsan iskuul bilaabi karin lacagtana aysan ubilabaneynin ilaa uu guri kadagayana uu qadanaayo lacagta migratonsveketka arintaas war halaiga siiyo waxaan ahay qof hada dhow qaatay sharciga mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. fahad says:

    2mid. Layaab malahan mid. Cunsuriyiinta waa xiligoodii ay soomalida shaqo kadhigan jireen. Dad badana oo anaga naga mid ahna. Soomali naceeb ay cod kooda u siin jireen SD….tankale. been ma ahan. Soomaaliyay. Qeelada waa dhaqankeena wax soconaya ma aha wax kale sheega in baska lagu sheekeesto oo lagu qeeliyo. Taasi dhaqan ma ahn

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. ASC.MARKE WAA IDIIN SALAAMAY.MARKA XIGA SOMALIDE MA AHA DADKA ADUUNKA UGU XUN MANA AHA KUWA UGU FIICAN..MALAAIK MANIHIN SHAYAADIINE MANIHIN SIDAAS OO KALE ..WAXAA JIRO DHAQAMO SOMALIDE LEEYIHIIN OO WANAAGSAN IYO KUWA KALOO XUN LAKIIN QOFKA CUNSURIGE AH MA ARKAAYO DHAQAMADA WANAAGSAN EE MARKASTO WUXUU ARKAA DHAQAMADA XUN OO KALIYA MARKE HADAAN SOMALI NAHAY AAN ISKA DAYNO DHAQAMADA XUN EE LAGA YAABO IN UMADAHA KALE EY NAGU DHIBSADAAN SIDA ,CODKE OO KOR LOOQAADO MARKAAN JOOGNO MEEL BABLIK AH ,QASHINKA DHULKE LAGUMATUURO DHAQAMADA WANAAGSAN IYO KUWA XUN QOFKASTOW CAQLIGAAGA WEYDII !!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. Pp says:

    Yaab.com
    Propaganda waye , markaa warqad meel lagu turay iyo dhalin yare baska kuu hadashay oo somaliya miyey ugu codayn rabta SD hahahaha , anledning ayay uu radinaysay mana aha miid madamo aay tahay wakhtigaan ceeb SD
    haweneydaa waxa aan jeclaan laha iin ay indha ay somali ku arkayso aay ku aragto waxa flaskor iyo cig ay dhalin yaradu ay ku dadiso wadoyinka maalinka kaliyah eeh sabtida , qoofka somaligu bishi maar ayu lacag kalabaxa bank-automatka , kalay araag dhe gävle waqtiga laa baxayo basaaska sida ay dhalinyaradu dalkani aay uu qaylayaan –dhalin yaro waa dhalin yaro
    ruun hadi ay tahay oo ay dhibsatay maa ett anledning oo dhaqaan la xidhidha maa lagu doranayaa ayaha wadanka ? ilahow cilmiga noo wanaji

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Hassan says:

    Lama yaabayo hawenaydaan warqada ayqortay waayo Waxaa ku jirta nacayba sida ka muuqata hadalkeeda! Qofka cunsuriga ah halakiisa kaso qaad ma lahan sida ay ila tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  12. said says:

    waxan aaminsanahay hadan somali nahay wax badan naga qaldanyihiin sababtoo waxan nimid waxan naga dhaqan duwan waxan dooneenaa inaan ku noolaano sida aan ugu noolaanlahen ma garaneeno. waxan rabaa sadax qodob inaan somali u sheego oo ciladooda .
    meelaha bulshada sida försäkringkassa ama arbetsformedling ama migrationka ama busaaska ama bankiga meelaahaa in aanan lagu buuqin inaan isku warsan xaalada oo shan qof halmeel is taagin
    mida labaad waxaa waye dad badan ayaa aaminsan hadan shaqeyo waxaa ii lacag badan ceyrta ceeyrta ma aabahaa ayaa kaaga dhintay mase dhaxal ayaa u heshay haa hadii la waayo wax shaqaa qaado laakiin dadal la imaada
    Beenta oo ah ilmahaa iga xanuunsan Aniga ayaa xanunsan ama familkeega ayaa wax ku dhaceen skool ayaa waxuu sameeyay waxaa somalida hadenan skoolka imaan u dhahan waan xanunsanahay miyeenan dan kale ku maqnanin
    ciladaa iyo kuwa ka badan ayaa leenahay bulshada waxna u sheegayaa wadankaan soo dhawen iyo wanag ayaa ka helnay ee aan is wanaajino hadan somali nahay siiba dadka waaweyn ayaa u badan iyo dumarka ayaa u badan waxa eey swedish ka cabtaan marka dadaal aan la imaano

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  13. Abdkarim says:

    asc. wrb marka waxaan leyahy mahadsaniid adminka … Cunsurnimada idiinka iska dhaafa marka hore …. dhaqaan wanag la kalaya … hadii sida Konfur africa iyo kenya aya inaa suugeysa meel walba …

    waa salamantihiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. WALEE TAAN ARKAY AYAA KA DARAN TAAS. says:

    WAXAY AHAYD ILAA 10:00 SUBAXNIMO KURS AYAAN DHIGANAYEY AH FÖRSÄLJNING MARKAAN KALAASKAYGII KASOO BAXAY AYAA WAXAAN SOO RACAY BAS KAAS OO USOO SOCDAY MAGALADAYDA WAXA SOO FUUSHAY BASKII HOOYO WAYN OO MAAMO AH WAXAY SIDATAA KADH WAXAANA DABA SOCOTA GABADH KALE OO XIJAABAN SOMALI AH, NINKII BASKA WADAY AYEY U MARISAY KADHKII SIDII CADADA AHAYD KA DIB MAY GUDBINE KADHKII AYEY U DHIIBTAY GABADHII KALE EE LA SOCOTAY TAASO TAAGNAYD HALKA BASKA LAGA SOO FUULO AMA ALBAABKA HORTIISA, KA DIB NINKII BASKA WADAY AYAA YIDHI, TANI WAA OLAGLIG AMABA CADAALAD DARO EE KAADHKAGA SOO QADO HADII KALE BASKA KA DAG, ISLAANTII SIDAA SAMAYSAY INTAY QAYLISAY AYEY KU TIDHI NINKII ÄR DU RACIST DET OKEJ IYO HADALO KALE OO SWEDISH JAJABAN AH, KA DIB AYEY ANIGA IGU TIDHI HADANA II TURJUN KA DIB ANAA DIB BASKII UGA BIXIYEY ISLAANTII WAXANAN U SHEEGAY INUU SAXSAN YAHAY DIRAWALKU, HADABA SOMALIDEENI WAXA HAYSTA DHIB BADAN DHAQAMADOODA XUN XUN WAXA KA KOW AH QAYLO JOOGTO AH IYO WALIBA TILIFOON LOOGU HADLO SI DHAWAAQ DHEER LEH, IXTIRAAM LA,AAN IYO MAROOYIN FOOL FOOLXUN MAR MAR BAAN IS IDHAA YAA MAGACA SOMALIYEED KAA MASAXO RUNTIINA MA SHEEGTO INTA BADAN HADA OO WAXAAN SHEEGTA WADAMO KALE

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  15. Al says:

    markaste oo aan tareen ama bas soo raacco waan walwalaa waayo waxaan ogahay in ay baska soo fuuli doonaan koox soomaali ah oo si xishood la,aan ah u dhaqmayso waxaa ka mid ah dhaqanka xun ee soomaalida tareenka la dhex timaaddo
    1- muran iyo faraisku taag dhexdooda ah oo si kor ah loo qaylinayo
    2- taleefan dumarku soomaaliyeed dhegta iyo jalbaabkooda ay kala dhexgaliyaan oo haddana ay kor u qaylinayso oo haddana si xishood la,aan ah ay mid kale ugu sheekaynayso
    3- waxaad arkaysaa kuwo wadamo kale magacyadoodo maanta oo dhan isku hayso oo waliba madaxweynayaasha wadamadaas magacyadoodo sheegsheegayo oo laga yaabo wadamadaas dadkii ka yimid in ay daawanayaan lana yaabanihiin waxay ugu sheekaynayaan dalkooda (yaab) qaarkoodna waxaaba laga yaabaa in an ay isu gacan qaadaan wadamadaas awgeed,
    4- waxyaabaha ugu yabka badan waxaa ka mid ah maanta oo dhan waxay ka sheekaynaan cayrta caruurta laga siiyo iyo meelaha deeqaha lacagta laga bxiyo oo magacyadooda ay iswidish ku sheegayaan, waa ceeb waxaas
    wax laga sheekayn karo ma-ah waxaan maalinwalbo ku aragno soomaalida.
    waxaan ka codsan lahaa soomaalida in ay sharaftooda dhawrtaan oo ay ogaadaan in ay safiirro u yihiin dalkii ay ka yimaadeen ee soomaliyeed.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  16. kaftan says:

    hada kahor aa bas sokoray waxaa saraa uguyaraan 30 qof 3nin ayaa somali aheed aniga ku afar 2nin oo somali aheed cod dheer oo qosol kujiro ayeeyku sheekeysanayeen qaxooti iyo sharci iyo midna telphon ayuu ku hadlayay codqeeylo ah dadka cadaanka ahaa ee baska nala saaraa waanoo aamuseen dhamaan shib sidii ineey luuqadeena fahmayaan oo waxa somalidu kuhadlayaan in danbi eetahay ookale kadib mid ayaa iskusoo keeybii meeyay waxuu idhahay telphon mawadatid miyaa waan wataa ayaan ku iri waayahee maad adna lasoo baxdid cml oo qodaada kaqeeylisid waxaan ugu jawaabay dabkaa kadhacay cml anooku hadlaya ayuu damay ee sababta aad noogu mashquushay waamaxay oo qeeylada udareentay waxuu dhahay mashquul mahan somalida kaliyah ayyaa dabeecad u leh inla maqlo umada midqalba wuuhadlaa lakiin codka wuu gaabsadaa somalia all basska waadku dhax hindhistaan adinka dhana all markaa afka isku heeysiin dhalqadiina waaloo wada jeedaa faruuryihiina isma gaaraayaan all waad wada farax santihiin qosol aadnan xaflad ama dabaaldag aadnan udhigan ayaa kujirtiin halka dadku farxada lacag kubixiyaan waxuuna sii raaciyay adinka dhan waad iswada taqaanaane mawaxaa kasoo jeedaan hal famil inta wadankaan joogtaan kkkk anigana waxaan dhahay somali waa dad loo aqponsanyahay dadka walan walida dhaqanta cml ee sxb naga qaleee markaasu dhahay dad walan dhaqan kooda malihidiine dhaqan daanyeer ayaa leedihiin cml kkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  17. Somali badan ayaa ucodeeyey cunsuriga sanadkii lasoo dhaafay,

    kuwaas oo isku khalday magaca SD: socialdemokraterna= http://www.socialdemokraterna.se/

    iyo SD: Sverigrdemokraterna. = http://sverigedemokraterna.se/

    Waxay kale oo Cunsurigu kucaayaan somalida page kaan oo noqdey caan beryahaan. —> http://avpixlat.info/

    Qaarna waxay ugu codeeyeen si niyada cunsuriga, waayo dhibkii somalida

    kale ayay udul qaadan waayeen, kuwa ucodeeyey cunsuriga ayaa waxaa ku

    kaliftey dhaqamo aysan raali ka ahayn ee ay kala kulmeed walaalohooda

    kale ee somalidaa,,, Waxaa kamida hadii aan tusaale kusoo qaato.

    Somalida oo hada aan isku´diin ahayn, isku dhaqan ahayn, isku fikir ahayn,

    Laakiin wadaaga midabka iyo sinjiga. Haseyeeshee aan wadaagin inta kale.

    Somalinimadu/wadaninimadu maahan Coulor/kalarka/Färg´ keliya ee waa

    dad isku 1hal dan wata. Tusaale: America: kuli waa Amerikaner: Asian,

    African, indian , Arabs, Ausralian, Europian, wuxuu doonaba ha ahaadee.

    Diin muhiim kama ahan, Laakiin waxaa ka dhaxaysa hal wax. Danta guud iyo

    wada shaqayn. ilaahaa doonto aamin, diintaa doonto hayso, midabkaa

    doonto hayso. laakiin waxaa ina ka dhaxaysa danta guud. America waa saas.

    Sweden weli heerkaas magaarin laakiin hada ayay kujirtaa tababar.

    kusaabsan sidii la isku dhex geli lahaa. Laakiin marwalba kan loogu yimid

    gurigiisa ayaa awooda leh. waayo awoowa yaashood ayaa usoo shaqeeyey.

    Waxay haystaan dhaxalkii awoow good uga dhintey.

    Marka wax macnaa masamaynayso hadii aad kudoodo dhaqankayga iyo

    diinteyda. waayo waxaas meeshaan mayaalaan. ee waxaa taala danayso.

    Waxaan marka kutalin lahaa qofwalba inuu iska tiiriyo cadowga kale.

    Cadowgeenu waa kee hadaba?… kan kula yaqaan dhaqankaaga.

    Cadowgeena ugu wayn waa carabta, waayo waxay yaqaanaan

    dhaqankeena. Waxay inaga soo gelayaan xaga familkeena iyo dumarkeena.

    Waxay ( ka mac siyaysanayaan/kadhilaysanayaan ) dumarka yaryar iyo kuwa waawayn. walaalaheen,caruurteena teenage-ka, iyo Dumarka dhiban.

    Waxaa kaloo cadow ina ku ah. ajnabi kale oo faro badan, sida kurdish,

    greek, chines, iwm.

    Marka Somaliyey hadalkaygu´ waa xagsada boosaskiina Samhällka.

    Diintaada, dhaqankaaga, Siyaasadaada, familj problemkaaga iwm kuhaysta

    guryihiina. laakiin iska tiiriya cadowgiina.

    Salaan kusocota somalida wax garadkaa oodhan. iyo kuwa utaagan-

    sharafta somaliyeed. iyo MustaQbilka bushada horumarkeeda.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Abdinasir says:

    Walaahi baan ku dhaartay naagta wee saxan tahay waayo runta ayee ogaatay aniga wadankaan 5 sanaa joogaa 1050 CSN ka ahayn ima soo gasho calaashaan waxaa jira dad nagu da’ah oo sfi dhigta isku saacadna waan dhiganaa laga yaabee inaan anaga ka wakhti badanahay sidaasee tahay 7 kun iyo kabadanee qaataan taas waa sharci daro weyn in anagana 1050 garka naloo geliyo ayagana 7 kun xaq maahan SD anigaa u codednaayo doorashada waa balan hadeesan dawlada wax kabadalin sinaashaha umada wadanka ku nool.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0