Dacwadda ninkii weerarka ka geeystay caasimadda Stockholm oo dib loo dhigay

0

Rakhmat Akilov, oo ah ninka gaari xaamul ah dad ku laayey magaaladda Stockholm ee caasimadda Iswiidhan ayaa dacwadiisa dib loo dhigay, sababo lugu sheegay weli baaritaano la hayo. Dacwad oogaha lugu magacaabo Hans-Jörgen Hanström, waxa uu tilmaamay in weli socdaan weriyadda la xirriira falkaasi.

“Wali baaritaano la xirriira amuurtaas ayaa socda, waxaa qaadney wareysiyo kor u dhaafaya 1 700 oo falkaas ku lug leh, waxaan sidoo kale marar badan wareysaney Rakhmat Akilov oo ah ninka falkaan danbi isagu ka danbeeyey” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Hans-Jörgen Hanström oo waramayey raadiyo Iswiidhan laanteeda wararka qaabilsan ee Ekot.

7-da bishii abriil ee sanadkan ayaa goob ay ku badan yihiin wadada la yiraahdo Drottning gatan ee caasimadda Stockholm waxaa dad  gaari xaamul ah ku jiiray nin u dhashay wadanka Kazakhistaan, halkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya shan ruux.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here