Dacwadii Soomaalida ee Amineh Kakabaveh oo dib loo furay, maxaa isbadalay?

Dhawaan waxaan soo qornay in boolisku Sweden ay muujiyeen qiimo la’aanta Soomaalida ka dib markii ay si degdeg ah ku xireen dacwadii ay gudbiyeen Soomaalida ee ka dhanka ahayd xildhibaanada xisbiga Vänsterpartiet ee lagu magacaabo Amineh Kakabaveh ee filim dacaayad ah ka faafisay Soomaalida.

Hadaba hadda ayaa dambi-oogaha maxkamada Malmö ay go’aan ku gaadhay in ay dib u furto dacwada. Charlotte Ottosen oo ah dambi oogaha ayaa sheegtay in ay qalad ahayd in dacwadaan degdeg loo xiro isla markaana ay muhiim tahay in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo arintaan.

“Waxaan u arkaa in dacwada degdeg loo xiray, waxay ahayd in aan samayno baaritaan dheeraad ah” ayay tiri Charlotte Ottosen.

Booliska ayaa ku dooday markii ay xireen dacwada in la waayay muuqaalkii ay haweenaydaan faafisay. Balse markii loo soo bandhigay koobiyo ka tirsan muuqaalkii, ayay hadana ku doodeen in aysan cadeyn in haweeneydaan ay doonaysay in ay dacaayadeyso Soomaalida.

Soomaalida ayaa 5 dacwadood ka gudbisay xildhaanad Amineh Kakabaveh iyo warqad ay saxiixeen 350 qof.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. faay says:

    waa wax lagu farxo in ay xaqooda dhacsadaan soomaalida siiwada ayaan leeyahay dadka ukacay howshaan guulaysta weligiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

    • jidka says:

      maxey ku kala duwan yihin labadan qoraal
      waa wax lagu farxo in aan xaqeena soo dhacsano siiwada ayaan lee yahay dadka u kacay howshaan guuleysta weligiin
      micnho badan ayey ku kala duwan yihin faay waxan mar walbo u liidanaa dhanka luqada hadii aan dhaho tusale ahaan somalida waxa u roon iyo somalideena waxaan noo roon waa kala micno isku duubni waxa laga dareemayaa somalidena ma ahan somalida fadla dhaman dadkeen arinkaas si gaar ah halogu guur galo

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

    • hooyo soomaliyeed says:

      Faay Xaqooda mise xaqeena!

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. zakaria says:

    Maashalah waa wax lagu farxo inta ka qeyb qaadatey oo daba gashey guul ayaan u rajeynaa somalia midnimo

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  3. ifka says:

    maansha allah gaacmo wada jiir ayay wax ku goyaan somaliya ha noollato

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 2