Sidii aan soo qornay isbuucaan waxaa soo baxaya warbixino muujinaya in maxkamada socdaalka ay bilowday bixinta sharciga degenaanshaha ee kharabaada isdalbanaya. Warbixinadii ugu dambeeyay ee aan soo ururinay ayaa muujinaya in arintaas ay si habsami leh ku socoto. Dadka sharciga la siiyay ee noo xaqiijiyay ayaa waxaa ka mid ah gabar da'yar oo waalidkeed iyo walaalaheed loo ogolaaday iyadoon wax dheecaanka DNA laga qaadin. Gabadhaan oo lagu magacaabo Fatxi oo ku nool Uppsala ayaa noo xaqiijisay in waalidkeed iyo walaalaheed ay waqti dhow Addis Ababa ka xareysan doonaan baasaboorka Främlingspass ee ay ku soo bixi lahaayeen. Sidoo kale waxaa i soo gaaray warar kale oo sheegaya in dadka kale oo aan waxba isku dhalin la siiyay sharciga. 1 gabar ayaa la ii xaqiijiyay oo seygeeda uu leeyahay baasaboorka Ethiopia oo sharciga loo ogolaaday. Hadaba tani macnaheeda ma ahan in Sweden ay shuruudii ka qaaday guud ahaan Soomaalida. Sidoo kale isla isbuucaan waxaan la kulmay dhowr gabdhood oo diidmo la siiyay. Ma cada qodobada ay tiigsanayaan maxkamada Socdaalka ee ay dadka qaar diidmo ku siinayaan qaarna ku aqbalayaan. Laanta Socdaalku way ka gaabsadeen in ay noo xaqiijiyaan in shuruuda baasaboorka iyo aqoonsiga laga qaaday Soomaalida iyo in kale. Wixii ku soo kordha arimahaan si hufan ayaan idinla soo socodsiin doonaa. haddii alle idmo.

Dad aan DNA laga qaadin oo sharciga loo ogolaaday

Sidii aan soo qornay isbuucaan waxaa soo baxaya warbixino muujinaya in maxkamada socdaalka ay bilowday bixinta sharciga degenaanshaha ee kharabaada isdalbanaya. Warbixinadii ugu dambeeyay ee aan soo ururinay ayaa muujinaya in arintaas ay si habsami leh ku socoto.

Dadka sharciga la siiyay ee noo xaqiijiyay ayaa waxaa ka mid ah gabar da’yar oo waalidkeed iyo walaalaheed loo ogolaaday iyadoon wax dheecaanka DNA laga qaadin. Gabadhaan oo lagu magacaabo Fatxi oo ku nool Uppsala ayaa noo xaqiijisay in waalidkeed iyo walaalaheed ay waqti dhow Addis Ababa ka xareysan doonaan baasaboorka Främlingspass ee ay ku soo bixi lahaayeen.

Sidoo kale waxaa i soo gaaray warar kale oo sheegaya in dadka kale oo aan waxba isku dhalin la siiyay sharciga. 1 gabar ayaa la ii xaqiijiyay oo seygeeda uu leeyahay baasaboorka Ethiopia oo sharciga loo ogolaaday.

Hadaba tani macnaheeda ma ahan in Sweden ay shuruudii ka qaaday guud ahaan Soomaalida. Sidoo kale isla isbuucaan waxaan la kulmay dhowr gabdhood oo diidmo la siiyay.

Ma cada qodobada ay tiigsanayaan maxkamada Socdaalka ee ay dadka qaar diidmo ku siinayaan qaarna ku aqbalayaan. Laanta Socdaalku way ka gaabsadeen in ay noo xaqiijiyaan in shuruuda baasaboorka iyo aqoonsiga laga qaaday Soomaalida iyo in kale.

Wixii ku soo kordha arimahaan si hufan ayaan idinla soo socodsiin doonaa. haddii alle idmo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

59 Responses

  1. Mr.julux says:

    Asc jimcale sln kadib waxan rabay inad no ifiso arinta ogolanshaha ay bilowday maxkamada sharciyada e sweden ok waxan horay umaqlay dhowr qof oo joga sweden aya ogolasho helay eheladoda afrika jogana wax passbor ay kudhoofan wali lama siin marka jimcale dadkan hada dadkoda in lookeno loo ogoladay mawaxey lamid noqonayan dadki aan ila hada warqadihii ay kusafrilahayen helin misa weyka duwanyihiin jwc?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Waxaan ka fahmay wareysigii safaarada ee Addis Ababa iyo warbixinada ugu dambeeya ee midaan la mid ah in ay safaarada Sweden ee Addis Ababa bilowday aqbalaada codsiyada baasaboorka Främlingspass. Waqtigii hore taas lama ogoleen waayo maxkamada ayaa mamnuucday taas. Wali go’aan rasmi ah oo maxkamadu leedahay baasaboorka Främlingspass waa la siin karaa Soomaalida ma maqal balse wararkaan waxay muujinayaan in isbedel jiro.

      kama hordhici karno ilaa aan xaqiiqsano in dadkaan la siiyay baasaboor, oo ay soo galaan Sweden ama in Maxkamada ama baarlamaanku go’aamiyo in shuruudii la qaaday.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. yuusuf says:

    ninyahow dadka been ha u sheegin ilaa 2012 cid la keynaayo ma jirto ,aniga ayaa leeysoo dhahay 3 nagativ ayaa leeysiiye ma grty cid la keeynaayo ma jiro ayey i dhaheyn sweden dhaqaala la,aan iyo shaqo la aan ayaa ka jirto sbbtaas ayaa dadka lugu geyneynin ,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. xasan says:

    yusus soo sheegay weeye, sxb qof hadey ku dhahdo ogaalsho ayaa leysiiye ma iska soo qoree kkk yaab badnaa waalid cid isku keyneyso ma jirto aniga aaya afkey leygu yiri waxaa macquul ah in la la keyno caruurta oo kaliya waana 2012 , waxey kale oo isoo dhaheyn naag inta ka guurso ilmaha afrika jirno iska ilaw , sweden somalida wey ku badatay aniga waa ka niyad jabay sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. c/fitaax says:

    walaal jimcaale waad mahad santahay warbixinta aad soomaalida siiso, mida kale dadkaan soo qoraya sida yusuf xasan waxaysan ogayn aad ayaan uga xumahay dib ha ugu laabtaan siyaasada sweden ayaga dhahaayo soomaali waa kubadatay sweden waxaan idiin sheegayaa sweden ayada yaa ubaahan ilaa 10 sano oo sooosctotane soomaali waa lasoo gurayaa inta joogto in kabanane way imaanaysaa lakin iska daaya xaasidnimada dadkana haniyo jabinina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Massago says:

    Xasan eboow waasida aad warka u tiri Sweden inti hore u soo gashay iyo inti xoogooda ku imaadoonto nasiibkood ay qabaan iloowsa iskood dad kale inay usoo qaada donaan uma ecko. 2012 aad tiriye 2013-da 14 ta xataa rajada laga qabo way adagtahay wax kahyre Allaha keeno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. nuurdiin says:

    jimcaale , ninyahow beenta waa xaaraan dadka beenta ka daa , wlhi didii waa waashay sweden , baahi iyo shaqa la,aan ayaa ka jirto . garggaar iida u baahan sweden ma grty dad iney afrika ka keenta ha ka yaabin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. abdikariim says:

    walalayal dhaman s/c intas kadib kuwa dhahayo wax lamaqadayo wakuwo xasid ah oo kaxun rajada somalida cunoda okale wanaga buxaan somali hadan nahay lkn ya latashanayo kuwas okale aderyal bulshada xuman umabahna ee websetyada xumanta radsada ayan idin dhahay yusuf ayey kusocota

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. cali says:

    dee maanta waxaa keyntay walaalba leeysku keenaa ,jimcaale sweden lacag miyey kugu siisa somalida inaa maaweylisid mese aad ku mashquulisid in la keynaayo ,reysulwasaaraha warka u yiri warbaahinda ayaa leyskaga daminaaye run baa moodaa iney dad keynayaan waa beentood cidee keynayan ma jirto mustaqbalka dhaw iyo kan fogba , somalida been u sheegba lugu dhahay waan ogahayee isku ishow

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Ahmed n says:

    Asc jimcale wad mahadsan tahay walaal.horta raja ma xuma ale aya wax kasta awood u leh.asaga qofki ku xirana wax maka halabayan.mida kale ragga halkan wax ka shegaya sida massago waa kuwa aan xaqiiqda waxna kala socon.war nin xamar isbaara u taalay muxu ka qabanaya sweden .wax kale iska dhaf futadooda marka ay saxaronayan war kama haya.jimcle ha uso jwb celin morayantan lugaha ka goay sida massago .gaari zuug ayu kaaran ku wadi jiray wan is aqaana. Dadka raja haka dilina moriyantiyey.asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. c/fitaax says:

    asc walaal jimcaale waad mahadsantahay wax aan xaqiiq ahayna masooqortid waxaad wararkaan oo kale soo qori lahayd 2010 markii laxiray waad u xaqiijisay dadka in la xiray lakin hada anaga dhan aya aog inay wax isbadaleen marka kuwan waxaan umalaynayaa inay yihiin kuwa kaamamka kujiro aan waxba ogayn ama wa xasidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. najma says:

    asc jimcaale adiga iyo qorayasha.iskana dulqado.wanaga sameyneysid.dadka kaga dhigayaan xumaan.ille somali ninki uu roon.ayeey xumeyaan.sida asxaabta wax soo qortaay oo iska hadlayaan waxeyna ogeynin ama cilmi uu laheynin.ka hadlayo.ma oga ina niyada ku dhisano waxaa no soo qoreyso.hadikale meeshan ayaan isku buqi laheynay.ile aqbarahaga waxaay no yihiin wehel.waxaani dhihi lahay .dadka hadlayaan maxaad dadka uu tarteen.ina sidi dumarka uu hadashaan moye wax kale maheysiin.ee waxaa heysiin soo daya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. c/fitaax says:

    as salaan kadin waxan layaabay kuwaan waxay sooqoraayaan , qaanuunka diidaayo yurub nin iyo xaaskiisa ma qof iyo ilmihiisa in la isku keeno iisheega dowladaha kabadan sweden sida uk ayaan diidikarin xataa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Abukarey says:

    Runti sweden maxey wax bixisaa ale yaqaan mesha nagu haboon soo sax ma aha?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Jimcale says:

    ikhyaarta igu eedeynaya in aan been soo qorayo waxaan idin leeyahy ma fahanteen mowduuca? aniga ma dhihin in Sweden ayaa sharci soomaalida oo dhan siineysa. saxaafadu waa is aaminaad. haddii aan qofkasta oo war ii sheega aan dhaho been ayuu sheegayaa somaliska.com waxba kuma aanan soo qorneen ee mar hore ayaan iska xiri lahayn.

    marka waxaan idinleeyahay aniga ujeedkeyga ma ahan in aan been idinku maa weeliyo ama aan lacag ka helo, walaahi in aanan 1 dollar iga soo galin Somaliska.com ilaa maalintii aan bilaabay. aniga ayaa lacag ku bixiya.

    marka ha laysku dulqaado. Qaybta fikirka Somaliska waxaan ugu darnay in aad dareenkiina muujisaan balse ma fiicna in aad aflagaado noogu dartaan. wsc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Abdulahi says:

    Asc/ JIMCAALE iyo bahda sharafte leh ee ku xeran somaliska.com ragaan booteehaayo oo jimcaale eeda ladaba taagan kulyoon idinka hemsida furta hadaan awoodin oo ceyr aad qaadatanaa umada kaleexda lkn waxna ma,aqaano dadka waaka been abuuraa waxaas sharaf iidiin ma,ahin mida kale yaa,ubooteyheysaan oo afrika joogo sweden aad joogtaan waana la.idiinla joogaa qof aad lacagsiisaan malaha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Saacid says:

    Mudane Jimcaale waan ku salaamay, horta dulqaado ilaah baa kaa dhaliyey dadka aduunka ugu liito, ugu xaasidsan, ugu doqonsan, ma laga yaabaa qofka ku mucaaradaayo inuu ma maseyrsanyahy shaqadaada oo uu is leeyahay sida jimcaale hadii dadku ku ixtiraami lahaa! fadlan dhag jalaq ha u siin shaqadaada mutadawacnimada ah wado, dadkana ha ogaadaan jimcaale inuusan heyn goaanka dadka lagu keenayo ama lagu diidayo marka wixii uu maqlo inuu soo qoro waa wax xaq uu u leeyahay, weliba dadaal uu ku bixiyo,

    mahadsanid Sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. jimcal 2 says:

    waad mahadsantahay kkkk nin culus ayaa tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. jacfar says:

    asc waad salaaman tihiin dhamaan u mada soomaaliyeed oo la socota websaadkan somaliska.com waxaan afka iswidishka ma taqaaniin hadii wax la idin sheego waad caytamaysaan maxay tahay dantiina? walaalayaal umada nabad geliya, mida kale walaalkiina wuu idin dhaartay aamina, jahliga soomaalida meesha dhigayna ka taga waad mahadsan tihiin wsc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Haawa says:

    Asc dhamaan bahda somaliska.com iyo wariyaheena sharafta leh o mar walba ku dadaala sidii aan hor mar ku gaari lahayn waxaan kalo leyahay dadka iska caytamaa allah kabaqa o waxa ogatan wax walbo aad ku hadashaan in la idin qoraa waxan allah idin kaga barya inu idin so hanuniyo mida kale walal jimcaale usabar waxii aflakaado ah waayo qofki sabraa allah macikiis ah waxan kalo allah kaga baryaa wanaga aad no wado inu allah kaga abal mariyo aduun iyo aakhiro insha allah anagana allah hanaga dhigo kuwii mar walba wanaga isku sheega o qata Asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Massago says:

    waxaan maqli jiray halkaan waa Radio hargayso dhagayso ama ha dhagaysan. Umada dhahayso Jimcale been aw sheegaa kasoo qaad a soo fikirkiisa kaso qoray maqaalkaan adiga qasab may kugu tahay inaad aqrisato ama aad komns ka bixiso? Somaliska, qaybtan komnska ah dad badan oon anugu kow ka,ahay ay muhiimad gaar ah ugu fadhidaa cidi ay dhibkutahay ha,iska dhaafto Aryaa Ilaah yaqaan umadaana naga qabsado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Baashi says:

    Asc, Jimcale bro warka qimaha leh farxadana xambarsan ad ayan kaga mahadcelinaya,Adiga inad warka no so gudbiso ilah hakula garab kalo, wixi intas kaso haray Somali wax shaqo heyn oo ceyr ata u daaa, kuwas aya cay iyo aflagado xog iyo waqti u haayo, wax mashquliyo ayey weysanyihin e waxba dhag jalaq ha u siin cml bro,, Howl wacan ayan ku leyahay mar kale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. faa,id says:

    Jimcaale horta waad mahadsan tahay dadaalkaaga laakiin walaal waxaan anigana kugu biirinayaa in caruurteyda ay maxkamada socdaalku qaar ka mid ah oo hooyadood ka maqan tahay ay ii diiday,oo racfaan ka qaatey xaas iyo laba caruur ahna hogaanka socdaalka ayey ku soo celisay kiiskaas oo kale ka waran waa kan hogaanka socdaalka dib loogu soo celiyey,e mhdsnid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. uma hani says:

    A.S.C dhamaan walaalaha inta kadib waxan mahad ciso iyo sharaf ku dhehan tahay u celinaya walaalaha somaliska.com waxan fariin qas ah u diraya mr jimcale aad ayaan ugu faraxsanahay shaqada aad ino hayso hada nahay inta nadifka ah yacni mammoyin iyo abayaal badan ayaa qalbiga kugu hayo habeen iyo malin waliba jeceel ineey mar kasta aqristan somaliska.com ayago is leh maxa kuso kordhay xalada sweden tariqdana weey kuxusi donta insha allh abalkadana cid gudikarto iney jirto mafilayo balse dulqadka badi waayo hora lodhahay aduunyo bilbasar aqiiro bilcamal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. maryan says:

    asc jimcale eedo horay ayaa looyiri nin xilqaaday eedqaad ha ubixin hana udhaaran somaali xumayaasha waana wixi wadankeenu kadegiwaayay waxmatare xaasid ah. anagu hadii aan nahay dumarka somaaliyed ee caruurto ka maqantahay waxaan idiin naqaanaa .somaliska rag nookacay rajada somaliya.mahadsanidina.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. xamdi sweden says:

    Ogolaansho waxey ka imaadaa marka hore xaga Allah
    qofka waxii u qoran ma gafaayo oo waa uu la kulmaa.
    shaqsi walba wax uu kuu tari karo ma lahan waxne kuuma diidi karo waxne kuma ogolaan karo, hadii uu kuu ogolaadane dhanka Alle ayee kaaga timid ogolaanshaas oo u mahad celi Alle weyne. hadii aad helin farxadadane Samir oo Alle weydiiso waxa aad jeceshahay hadii ee qeyr kuu tahy,

    ducada mar walba waxa ficn inaa ku darto oo dhahdo, Allow ehelkey ama wahelkee ama waalidkee hadii uu qeyr u tahy sweden keen hadii ee u aheene mid ka qeyr badan u sahal.
    meel diinta islaamka qiimo ku laheen aniga uma arko in lo ooyo ama loo xanaaaqo ama loo farxo si walba
    saadaashaas ficn hadii dadka sugaayo qeyr u tahy dhaman Alle ha uwada fududeeyo aamiin aamin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. nasiib says:

    asc waan salaamayaa sxbkay jimcaale waxaa la yiri ninka waxa jooga aan garan waxa soo socda ma garto dadkan aan xishoodka lahayd ee ku aflagaadeynaaya waan kaa raali gelinaynaa waana dad xaasidiin ah oo neceb wanaaga iyo faaiidada soomalida ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu naga qabto webkan qiime weyn ayuu noogu fadhiyaa hadaan nahay soomaali jimcaale kuwan haw jawaabin hadii aad ku aragtona qoraal cay ah fadlan meesha ka saar si aanay inoo sadhayn kuwan xambaarsan ciilka iyo xaasidnimada dhamaantayona waan kaa raali gelinaynaa walaal jimcaale fadlan ka daadi qofkii meesha ku xadgudba shuruucdeeda anagaa kugu raacsan maryacalastana inaga saar ma fiicna in la fiiriyo qoraalkooda ilaahay ayaan ka rajeynayaa in soomaalida eheladooda ka maqan loo keeno amba ka mid ayaan ahay dadka eheladu ka maqan tahay adna taariikhda ayaa ku xusi doonta wanaagaaga halkaas ka wad waad ku mahadsan tahay jimcaale tack

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. naciima ahmed xasan says:

    asc, abowe hadii aan firadayda ka hadlo waa xarxad marka hore dadka loo maalida ah hadii loo keeno dadkoda oo waxa ku far xaya dadka isku baahan ee soomaaliyeed laakiin waxa aan ahay aniqa hooyo aad u warwar san waayo waxa iqa maqan dadkaygii dhiidmona waalasiiyay marka qoo ma ayaa howshan ay bilaabayaa sweden oo ay dadka inta badan ay keeni doonaan waayo aad bay u dhibaati badan tahay itoobiya oo meel ka joogikaro maaha oo dadka ka somaliyeed ee jooqa meeshaa aad bay u dhibaatay san yihiin taa ayaa idhibaysa si aad iyo aad ah aad ban idin soo samaya by

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. maryamo says:

    asc jima caale waan kusalaamay walaaloo maamooyi ilmahood iyo nimankaada kamaqan yahiin baanahay
    nimaka caadamaayo meeshaan aan jooga igagaanakeenay oonasoogaxiyey hadan waxeerabaan ina ay nagaxiraan aqbaarka kaliyo oon imaheen kalxiriino eehanooraaci magacaad hajiree waxii war ah noosoosheeg

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. fatxi khalif warsame says:

    a salaamu caleykum jimcaale walal waxaa rabaa inaa ku weydiiyo waxaan hestaa basboorka jinefa waxaan u dacwoodey carurteyda marka laba mar ayaa diidmo la ii soo tuurey hada waxey igu hestaan carurta dhimashadii aabahooda mana haayo wax cadeyan maxaa ka sameykaraa jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      wcs, walaal su’aashaas mid fudud ma ahan runtii, sidee kugu heystaan ma waxay ku dheheen soo cadee in uu ninkaaga dhintay? in ay aqbalayaan ma hubo balse waxaad sameyn kartaa in aad shahaado dhimasho ka soo sameyso hospitaalada ku yaala goobta aad u sheegtay in uu ninkaaga ku dhintay.

      waxaan filayaa shuruuda ugu weyn ee ay dadka ku haystaan wali waa mida aqoonsiga. taasna insha Allah markii uu baarlamaanka go’aan gaaro waxaan filayaa in xal loo heli doono.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. Garyaqan says:

    Asc jimcale horta hadu qof mel istago wayi mayo mucarad iyo xasidba tagerayashaduna badanaya marka udul qado anigu waxan ku nolahy p/land waxana wlhy ku tagersanhy somali nimada uu mujiyey waxan oranaya jimcale hakadalin shaqada ad shacabka uwado dadkana samir hakashaden mahadsanid jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. Abuxudayfah says:

    Asc, Wr Wb , qaxootinimo in sidaan loogo farxo , miyaa noo danbaysay ?

    Walaalkeen Jimcaale aad iyo aad ayaan hawshaan ugu ammaanaa khayr Allaha siiyo waa nin buuxshay kaalay kumanaan la mida gafeen , waxaase iga yaabshay Soomaalida guud ahaantood maankooda iyo Cagligoodii Safar ( Dalxiis) ayuuba jiraaye goorma ayuu u soo laabaan , kii aad aragto qaxootinimo iyo hayaan unboow u jeellanya ?

    Midka miyiga joogana la mid , geel jirkii ayaa maanta leh , war layn ii soo raadsha !!

    Wallee laba kala bariday kala war la; !

    Dalka , Dadka , Duunyada aan u soo hayaameeyno soo kan aan joogno maahan ? War jiraaba cakaaroow imaan ayaan maqli jiray !

    Dalka iyo Dadka , iyo Duunyadii iyo Diintiina waa mida laga soo tegaa , Alloow noo urbixi !

    Anigaba qaxooti ayaan ahay , meeshaan aad idiin caayaa ayaan joogaa , balse macanaheedo maahan in aan afka qabsanaa mar haddii aan joogo , inta aan ka hayaamaa , ayaan dadka u soo hayaamaana ka sii waaninaa , waayo wadankii waana nagala sarguurin rabaaye !

    Waxaan qalday , idinkuna gafay ii cafiya , khayr Allaha idin siiyee , walaasheey Xamdi ayaana aad ugu ayyidsanahay arinta ay ka dhawaajiday mahadsanid walaal.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. dahabo says:

    ASc waxan mahad gara usoo jeedinayaa wala keen jimcaale oo bilad dahaba ku qatay dadaalkiisaa waxan leyahay ilahay hakula qabto cadawgana hakaa qabto waxan ahay hooya somaliyed oo caruurteedi kamaqan tahay waxan furaa subax kasta webka somaliska.com marwalbana waxan kufarxaa natiijooyinka aad nosoo weriso habena badan ayaan kuseexdaa markad wax kaqorto arimaha isukenida reeraha somaliyed ee kal maqan aad iyo aad ayaadna ugu mahadsantahay nimanka aflagadada soqorayana waxan oran laha walalayaal jimcaale waxba majeeli kartaane idinka idnka isku xishooda siyasada swedena waxba kama ogidine xasidnimada kala dhexbaxa shacabka waa waxaa dalkii kusoo gubteene jimcaale baal dahaba ayaa kaga jirtaa bulshada somalida sweden mahadsanidin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. maryan says:

    uuuuuuuuuuuuu war ma day daygi iyo maryacalasti iyomooryaanti ayaa halkaan nooga dabayimid waamaxay somaali kusheegyada ka maseersan. rageena nookacay ee cilmiga wadaninimadu ku dheehantahay qurun iyo qabyaalad kasoo gudbay. somaliska taariiqda baal dahaba ayaad uga qorantihiin jiroo jooga mahadsanidina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. nasra says:

    a s c jimcaale maka koowaad waxaan ku leeyahay raali ka noqo somaali waa taqaan oo waad ka dhalatay dhaliil uma waayaan walaalkooda wanagsan kana hoowlan wax qabadka dadkiisa mida kale waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee add noola duubantahay oo aad uga caajiseen wax xasta oo aqbaar ah oo soo kordho wanaa ha u ahaato dadkan ku nool iswedan ama ha ahaato dhibaato culays oo soo kordho walaal jimcaale hadaa nahay hooyooyinka iyo aabayaasha ka maqanyahiin familadoodii reale waan kaaga mad naqaynaa sida wanaagsan ood noola shaqaysan ilaah hakaa siiyo ajir iyo xasnaad aan la soo koobi karin walaalo halkaasna ka sii wad

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. sharmarke says:

    inyahow dadka been ha u sheegin kkkkkkkkkkkkkkk lol been.com miya been usheegin dadka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. jiijo says:

    asc jimcaale walaal waan ku salaamay waadna ku mahasantahay sida aad igu haqabtirtay somalida wararka aad usoo gudbisid.waxaan usheegayaa dadka dhahayo swiden waa gaajo in eey yihiin dad aan la socon arimaha swiden, swiden waxay noqotay wadanka u qanisan aduunka joornaalda ayaa lagu soo qoray mideeda kale maxay been usheegaya hadii aysan rabin qaxooti waxay dhihi karaan marabno qaxooti waad mahadsantihiin kuligiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. saynab says:

    walaalaha caruuraha ka maqan yihiin illah ku xirnaada
    oo aamina sweden waxuu illah kasoo qaado ayay idiin siineysaaa ilmiihina hadduu ilah isku kiin qoro waad arkaysiin gabadha ogolaashaha waan heley tiri wan aqanaaa aniga xitaa wey igu tiri lkn wax walba waala arkaa marka u duceeya soomaaliya in ay nabad noqoto wadan gaalo yaan leysku murjinin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. israaaaaaaa says:

    asc wr wbr walal jimcale waxan ku waydina su,al an wax badan is waydinayey hadii ad wax ka ogtahay .
    walalkis waxan ku waydina aniga waxan u dacwonaya wiil an walalo nahay ee miya DNA MA LAGA QADA DADKA NOCOS O KALE AH YACNI WALALKIS WALALKAY WAXAN KAWADA DADKA INAY ISQABAN ISKUGU DACWONAYO MA LA DHIHI KARA DHIIG MISE WALALKIS FADLAN IGA SO JAWAB INTAT KA OGTAHAY MAHADSANID

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. fatxiqaliif says:

    a salaamu caleykum walal jimcaale waad ku mahadsan tahay walal ninkeygu markii alshabaka xamer heysteen ayaa ladiley marka xagee laga kenayaa shahaado wadankii ilen dowlad dhexe kama jirto muqdisho waa tan loo wada jeedo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. jameelo says:

    bismilah sxb beentas inta la ig miyad so qoreysaa geberta wan naqanaa wax lo keenay ma jiran marka wararka beenta ah ad qufeystid mad jisid walaalaha warkas waa war la been aburay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. najma says:

    asc walaal jimcale walaal waxaan ku suaala adigoo rali iga ah inan ku suaalo walaal hada cadi miyaa dadka malisku keena mise wali waxan sugeyna goaanka barlamaanka walaal hadana dadkan se loga ogolaya tas ayan raba inaad iga soo jawaabtidi walaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Najma: Wali go’aan cad kama soo bixin maxkamada. wararka aan heleyno waa kuwo dhowr qof oo keliya ku saabsan markii aan waydiiyay Migrationsverket in ay maxkamada go’aan gaartay waxay igu dheheen wali ma gaarin.

      Marka Insha Allah waxaan sugeynaa go’aanka baarlamaanka ama mid rasmi ah oo ka soo baxa maxkamada.

      Fatxi: walaal waan ogohay in aysan Soomaaliya ka jirin dowlad balse haddii ay ku warsadeen in aad cadeyso dhimashada ninkaaga waxaad soo sameyn kartaa warqad cadeyn ah – waxaan filayaa taas in aysan ku adkeyn Soomaalida muqdisho. Waxaan filayaa in shuruudahaan iyo kuwa la mid ah ay yihiin kuwo lagu mashquulinayo Soomaalida maadaama ay jirto shuruuda weyn ee ah baasaboorka iyo aqoonsiga marka insha Allah markii taas la qaado waxaan rajaynayaa in isbedel yimaado.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. faa,id says:

    Wallee waa wareertey umaddii jimcaale waxaadba u muuqataa in la taliye aad u noqoto dadkeenaan Soomaaliyeed ee reerahoodii caruurtii iyo xaasaskii iyo nimankiiba loo diiiday waana ku mahadsan tahay…horta Soomaaliyeey ogaada in qofkastaa uu heleyo waxii illahay u qorey marka taas ogaada illaahayna kurbada haysta ummadda Soomaaliyeed Alle ha ka qaado. aniga laba kiis ayaa igu dhacday caruur afar ahna waa la iidiiday xaas iyo laba caruur ahna waxaa lagu soo celyey Migrationsverketka kiiskaas ka waran Jimcaalow oo kale oo dacawaddii maxkamadamigrationku ku soo celisay hogaanka socdaalka. waana badan yihiin dadka sidaas la yeelay mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  43. C/lahi really says:

    Asc jimcaal sxb marka hore waxan kaga mahadcelina sida hagar la’aned ee aad uso qorto wararka muhimka u ah somalida danaysa arimaha sweden mida kale ha ubixin sxb dadka iska so qor usoqora firadaha qaldan wax badan ayaa dadkas ka qaldan mana oga saxafada muhima ayay dadka ugu fadhiso waxan ku leyahay bro dadal kada muta dawacnimo siwado haka cajisin dadka figradaha soqorana waxan ugu baqa wariyaha inay xaq dhowran asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  44. buubshe says:

    asc sxb shacabka waxeey dhal badeen wii jira in loo sheego ma ahi in la mada daaliyo iska sheeg wax matarto waxaa la sheegaa waxaa hubto ee somaliyeey waa is naqaanaa ee beenta iska daya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  45. ifraax says:

    asc waa sax ha dalkaan buubshe waayo waxaa naga wada maqan caruur hadiila dhaho waa la ogolaaday in dhaha ayaa wada taagan wixii run ayaa su geenaa mr jimcaale by

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  46. leyla mohamed says:

    asc walal waa ku mahadsantahay soo uruurita saa daasha wanaasan ee kusoomsan keenista qaraa bada waana kufarxay xuda iyo ififaalaha cusub ee siiwad dadaalka mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  47. Haadi says:

    As wr wb waan ku salaamy jimcale waxaan la yaabanahay dadkan laga rabay inay u mahad cilyaan jimcale uu 24 saac u taagan inuu ka haqabtiro wararka xaqiqda ah uu dan nuu wada ah uu hada na lacag ku bixiya dirteen inaa saan u hadalno mahan Walaahe aad ayaan u xanaaqay markaan arkay dadkan aflagadenaya jimcale lakeen dad sida xayaawanda u dhaqmayo lagama waynaayo somalida marka jimcale walaal adoo mahadsan naga rali nuqu waana salaamantahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  48. moos says:

    asc waxaan ujeedaa dadka sadaxeeyaha ah adi ka jawaab taada laguuma dirsan tan jimcaale aduunka qofkaasokale ayaa iskaa ga jiro ha isku aftiinin shacab ka iyo jimcaale ee taada kahadal meeshaan loogama baahna sedexeeye soo waxaad garatay maaha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  49. sharaf says:

    asc dhamaan qasatan jimcaaaleee….
    jimcaale fadlan bcoz somalida QAAR AYAA *********** PLZ iska dulqaado intaa abaaal wyn kaaga ayaa ka badan mahadsanid jimcale iyo inta ku taxan wanaaga beeejka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  50. cabdiraxmaan says:

    anigu waxaan hubaa wax badaan oo jimcaale uu qoro in ay wax ka jiraan saa sababtoo mar aan la hadlay gabar ka tirsan qolyaha maxkamada hayada socdaalka oon wax ka waydiiyay arimahan murugsan ee soomaalida ayaa waxay i tiri waxaa laga yaaba qoysaska ilmaha haysta in ay wax iska badalaan taas macnaheedu waxaa weeye in in CIRKU NAQKUJIRO[uu di,i rabo]in wax la ogalaaday oo aan wali la shaacinin.marka xaqiiqdii IMCALE waa nin wax og ee ilaah ha ukaalmeeyo anaaba og oo ruux somalida mutadhawacnimo ugu shaqeeyey ayaaban ka badbaadaynine,BYEE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  51. Magacaaga...dalmar foodey says:

    a s c walal dadka benta ka yarey maxa yelay filin dhamaday waye arintas ee isaga tag. Dadka waxad ku dhahda haley cafiyo.mahadsn.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  52. najax says:

    SCWW,Jimcale walalow waxad ii sheegtaa xagee ku danbeesay
    hadii baarlamaanka u ansixin laha dadka sharciga dhalashada aan weli qadan ay uguri karan yurubta kale illaa iyo 5sanadoodna maqnan karaan,
    walal iisoo jawab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Arintaas wali go’aan kama aysan gaarin. Waxaa soo bandhigay gudi markii hore baarlamaanka u saaray in ay soo baaraan. Balse waxaa la filayaa in baarlamaanka uu go’aan ka gaaro. Ma hubo waqtiga ay arintaas gaari doonaan balse waan soo qori doonaa haddii ay wax ka soo cusboonaadaan. Insha Allah

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  53. fadumo says:

    asc walal jimcale waxaan rawa in an kuwediyo waxaat tiri in hader ey swedhan ey bilawday in ey ehelada iskukento aniga jimcihi aya didmo ey isiyen waxeeyna igu xujeyen basabor goan ga sobixidono gor me ayow sobixidona waneh mahatsan tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Fadumo dadka aan la xiriirnay ee sharciga loo ogolaaday waa kuwo fara ku tirs ah, bisha soo socota 4-teeda ayaa baarlamaanka Sweden u fariisan doonaa arimaha socdaalka iyo soomaalida. markaas ayaan fileynaa go’aan rasmi ah insha Allah.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  54. Hanad says:

    Sxb waxad i shekta hada majira go an rasmi ah oo dowlada sweden ka so baxay mise wali barlamanki wu fadhi. Mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0