Da’da hooyada oo la sheegay in ay saameyso horumarka caruurta

7

Cilmi baaris ay sameeyeen khuburo ka tirsan Jaamacada London ee Dhaqaalaha iyo Siyaasada ayaa lagu sameeyay caruurta ay dhaleen hooyooyinka da’da weyn ayaa soo bandhigtay in ay yihiin kuwo ka horumar fiican kuwa ay dhaleen hooyooyinka da’da yar. Sweden oo ay caado ka tahay in aysan haweenku caruur dhalin ilaa ay sodonka dhaafaan ayaa baaritaankaan laga sameeyay. Hadaba waa maxay faa’iidooyinka lagu soo bandhigay cilmi-baarista.

Waxaa ka mid ah in caruurta ay dhaleen hooyooyinka waaweyn ay ku fiicanyihiin waxbarashada, maadaama ay haystaan hooyo waayo arag ah oo inta badan laga yaabo in ay ka baxday heer jaamacadeed. Waxaa intaa dheer in heerka luuqadooda ay ka fiicantahay kuwa kale. Waxay intaas ku dareen caruurtaasi ay helaan waqti fiican oo ay waalidkooda la qaataan.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay cilmi baarista in caruurta xitaa ay cimri dheeraad iyo xitaa in dhereerkooda jirka uu ka dheeraado kuwa kale.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa cilmi baaristu aysan hilmaamin in hooyooyinka da’da weyn ay qatar ugu jiraan in ay ku adkaato dhalmada, in ay la soo daristo qatar ilmaha iyo in xitaa ay kansar qaadaan.

Maku raacsantahay in ay fiicantahay in dib loo dhigo caruurta?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here