Dadka caruurta isku dhiiba oo laga reebi doono sharciga Dublin

Ka dib go’aan ka soo baxay maxkamada cadaalada ee Yurub sanadkii hore ayaa hada waxaa la soo bandhigay mooshin la hor geyn doono baarlamaanka Yurub kaasoo lagu dalbanayo in wax laga badalo heshiiska Dublin, ee go’aamiya wadanka ay magangalyo doonka sharciga ka raadsanayaan.

-Tani waa magangalyo weyn oo la siinayo caruurta aan la wehlin. Tusaale, haddii qof caruur ah uu soo maro wadanka Talyaaniga ka dibna uu magangalyo ka dalbado Sweden qofkaas laguma celin doono talyaaniga. Muhiimada waxaa la siinayaa waa danaha caruurta. Ayay tiri Cecilia Malmström, oo ah wakiilka Sweden u fadhiya gudiga EU-da ee arimaha socdaalka.

Sanadkii hore ayaa waxaa guud ahaan qaarada Yurub magangalyo ka dalbaday 12 700 qof oo caruur ah, kuwaasoo 30% ay iska dhiibeen wadanka Sweden. Haddii sharciga Dublin wax laga badalo ayaa tiradaas aad kor igu kici kartaa.

Maxkamada cadaalada Yurub ayaa sanadkii hore go’aan ku gaadhay in caruurta laga reebo sharciga Dublin. Hada ayaa la filayaa in go’aankaas laga dhigo mid sharci ah haddii baarlamaanka Yurub iyo wadamada xubnaha ka ah ay ansixiyaan. Cecilia Malmström ayaa aaminsan in taasi ay tahay mid fudud maadaama go’aan maxkamadeed uu meesha yaalo, iyadoo filaysa in ka hor dhamaadka sanadkaan la ansixiyo badalaada sharciga Dublin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

20 Responses

  1. tiiceey says:

    waxaan war idinka haayaa arintii labada sano bishii lixaad sanadkii hore Ayaan talyaaniga dacwad ka xareestay bishii sagaalaad Ayaan dhiig ku soomaray safaarada talyaaniga ee swidhan bishii koowaad sanadkaan waxaa iisoo dahcday diidmo iyadoo aan reerkeyga dhiig laga qaadin sababtana waxaa la iigu sheegay inaan laba sano isla soo nooleen waxaan ka qaatay racfaan calaa ayi xaal laba diidmo ka dib ayaa bil ka hor la iisoo tuuray dhiiga caruurta kadib waxaay iisoo tuureen ogolaasho dhamaan inta kiiskaas ku dhibaateysan waxaan ilaah ugu baryaa inuu u fududeeyo aamiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 3

  2. masha allah says:

    Masha allah waa arrin lagu farxo bro Tiiceey dadka kale oo ay heysatana ilaah haka qaado, bro aniga mar dhow ayan marnay aniga iyo carurta mar jawaab kheyr qabto ayan sugeynaa ilaah hanoo wada sahlo aamin.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 3

  3. hanad axmed says:

    waa fiican arin tas dad ga kali ooku dhiban ayaga na allaha u sahlo sxb in shaalah wey na dhamadee insjalaha sxb

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. sacid says:

    TIICEY………..bro hadan wax yar kuweydiyo aniga hungary ayaan sharci kuleyahay sanad kahor ayaan dacwo kaxarestey sweden kudeheeda inan ciyalkeeda iyo xaskeyga lamidhoobo marka shaley bey interview nagaqaden aniga iyo xaskeyga lakin wax dhiig ah managaqadin ,marka maxad isledahay bro koley adigaigahoresey,tedakale waxan kacodsanaya hadan nambarkaada helikaro wankusowacaya mahadsanid bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. hanad axmed says:

    tiicee sxb ilaa meeqa sano ayay kugu qada tay inaa hawshada kugu dhamaato sxb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. tiiceey says:

    siciid sxb hadaad sweden gudeheed ku guursatay oo caruurta ay halkaan kuugu dhasheen dhiig malagaa qaadaayo keliya waxaa muhiim ah in guurkiinu diiwaan gashanyahay koley waa intaan ka arkay dadkii halkaan ku guursaday oo caruura ugu dhasheen mida kale hanad axmed waxay igu qaadatay hal sano sanadkii hore bishii lixaad Ayaan xareeyay sanadkaan bishii lixaad ayayna ii dhamaatay marka nasiib wacan Ayaan idiin rajeeynaa dhamaantiin

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. alle bari says:

    asc sxb tiicay adigoo raaliya laba suaal ayaan ku weydiin lahaa midi waa passport noocee ahayaad ku dacwootay tankale meeqa sano ayaad sheegatay in aad soo wada nooledeen mahadsanid sxb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Ayaan says:

    Walaalo waxaan ka mid Ahaaa dadka labada sano aan dhamaysaan 1sano ka hor ninkaga Ayaa dhig laga qaday safarada itobiya anagana 3 bilood ka hor hadana ogolaanshihi Ayaa ii soo dhacay alhamdulillah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. hanad axmed says:

    ayaan msha alaa lh tan kali ayaan adiga labada sano maad soo dhamey satay masa maba lugu xujeyn sxb dad ga in ta badan waxaa hay sta labada sano lkin aniga wlai laba sano maba l aigu xirin jawaab ta ayaan sugaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Ayaan says:

    Hanad walaalo 5 bil Ayaan sheegtay. Markan dhiga marayaay waxaa kaliye ee lay waydiyaay maw nooqotay sida uga timi. Se sawiir malaa soo galay cunugtiisa Haa aan dhahaay. Waxay dheheen dhiga uun baa jawabtiin xukuma

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. hanad axmed says:

    thnks saan filahayo waxey rabaan inaa nin kaada labo jer aad u tag tay cunogiisa na aad u gey say cml ayaa jawaba to tahay miya abayo ayaaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. Hirsi says:

    Maansha allah Marka hore waxaa mahadleh ilaahay ina uumay ee Bisha Barakaysan ee Ramadan inoo suura galiyay in aan soo gaadhno, Jimcaalena aadbaan ugu mahad celinayaa shaqada wanaagsan ee uu noo hayo anigu webkan waxaan ku xidhanahy mudo 2 sano ah waanan uga mahad celinayaa Jimcaale, mida kale aadbaan idiinku Hanbalyayanayaa Ayaan iyo Tiiceey, waxaanan leeyahay nasiib wanaagsan. inteena kalena noosoo duceeya in ilaahay noosoo fududeeyo, inakuna aan ducaysano waa Bil Ramadaan khayrkeeda allah ha ina siiyo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. hanad axmed says:

    hirsi sas wayae sxb insha laah oll qof kas ta oo muraad leh waxaan ugu doceyneynaa inuu waxuu raba helo nshalaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. Hirsi says:

    insha allah Hanad Ahmed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. CABDI RAXMAN says:

    ticay ilah qayr jaga siyo wa wax fican marka sxb waxan ku waydina ana waxan tagay safarada italia xaskaykana inta an ku kursaday wil ayay iku dhashay halkan safarada waxay ika qaden intrafiyu dhika way ika diden lkn ana ku adkestay marka way ika qaden lkn waxay dhahen malo bahno hadi lo bahdo aya u direna marka sxb waxan kalo karaba sida ad racfanka uka qadatay looyar mad qabsatay side wax u samesay fahfahin ika si sxb wali jawab mahelin lkn waxan raba sida ad racfanka u qadatay mahad sanid sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. tiiceey says:

    cabdiraxmaan sxb loyar ma qabsan wiil lutus eh ayaa abiilka iiqoray kadibna waa diray laakiin waxay igu dheheen waxaan udirnay migrstion ka kadibna weey isoo diideen waxayna igu dheheen hadaan racfaan kale ka qaadaanaayo kadib mudo ilaa sideed bilood camal ayay iga aamusnaayeen marka sxb noocaas Ayaan racfaanka uqaatay laakiin qof walba waxbuu kiiskiisa ku sheegay adiga iyo inta muslinka ah dhamaan ilaah ha u fududeeyo aamiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. cabdiraxman says:

    wa mahad san tahay sxb marka labada mar wilka ludiska miya ku qoray racfanka sidese racfanka ad u qadane ilah qayr haku siyo wad no fa idesay umadane alaha u wadafududeyo nin walbo muradkisa oo qey uku jiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. radiya says:

    ASC waan idin salaamay jimcaale iyo asxaabta kuxiran websidka waan u mahadcelinayaa tiiceey iyo ayaan sida fiican ee ay noogu sheegeen waxa lagu farxo runtii markaan maqlo qof loo ogolaaday reerkiisa waan farxaa aniga wali wax jawaab ah mahaayo odaygeeyga waxaa laga qaady dhiigi iyo intrvugi sanadkii hore bishii 8 sideedad ilaa iyo hadana dhiig ayaan sugeeynaa iyo intrvu markaan wacay waxay iyiraahdeen waa ladheereeyay dacwadaha ee waa in aad sugtaa mudo 16 bilood ah marka samra walaala yaal walaahi aniga waxaan sugayaa ninkeeyga 2008 ilaa waqtigaan waadna dareemikartaan dhibka kala fogaanta mar ilmo la aan ayaa nalagu haystay mar wax ayaa qald hadana labadiisano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. radiya says:

    ASC waanidin salaamay dhamaatiin walaalayaal waxaan idin leeyahay aaynu isku duceeyno aan

    iscafino aan niyada isku furno waa bishii barakeeysneed ee rabadaan qofkasta muraad ayuu leeyahay in alaah muraadkeeyna noosaqiro dhamaanteen in singel nimada ilaahay nagasaaro in ilmaha iyo waalidka kala maqan ilaah isla kulmiyo aamiinta waa xagiina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Maxamed says:

    Ratiya I Love u

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0