Dadka caruurta isku dhiiba oo loo fududeyn doono sharciga

Dowlada Sweden ayaa bisha soo socota waxay dhaqan galin doontaa isbedal lagu sameeyay sharciga magangalyo doonka kaasoo u fududeyn doona caruurta in ay sharciga qaataan. Isbedalka oo loogu magacdaray “danta caruurta” ayaa ah in aan shuruudo badan lagu xirin ama su’aalo aadan aan la weydiin dadka caruurta isku dhiiba.

Isbedalka ayaa lagu sheegay in sharciga la siinayo caruurta haddii ay jiraan dhibaatooyin ay la kulmi karaan ama ay soo baxaan dibaatooyinkaas ka dib markii horay loogu amray in ay wadanka ka baxaan. Dhibaatooyinka ayaa noqon kara kuwo amaan, caafimaad ama arimo  kale.

Ninka u qaabilsan laanta socdaalka arimaha sharciga Carl Bexelius ayaa idaacada Sweden u sheegay in muhiimada isbedalka ay tahay in caruurta aan lagu adkayn doonin marka ay magangalyo dalbadaan.

Arintaan ayaa la filayaa in ay aad u fududayso qaabka sharciga lagu siiyo dadka caruurta isku dhiiba ama caruurta la socota waalidkood. Dowlada ayaa sheegtay in isbedalka loo sameeyay si loo dhowro danta caruurta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. hassan says:

    dadka singelka goorme iyagana loo fududenaa jimcaale sxb plz noso jawaab waxa xog kaheeyso singelka thnks bro

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 0

  2. shuruud says:

    Asc jimcaale sxb waxaan wax kaweydiinaya hadii ad warkakahaysid wadanolasha shuruuda ah ee labada sano ma in la isqabaybaa mise sadaydoonta hahaate waa in lada qofi wada nolayeen uun mihiimadu ama ha isqabaan ama qaraabanimo ha kuwada noolayee wey inay labada qofi wadanoolayeen intaano mid kamidi iman halkan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  3. shuruud says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  4. idman muhudin says:

    asc wll aad aad u mahadsantihiin go aanka kaso yeray swedan ma mid bishan june qabsoomi doone mase jully tan kale aad aad umahadsantihiin walalyal jwb

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. osman says:

    Asc sxb jimcaale faahfaahin igasii gabar aan asxaabnahay o haysatay ayaa 3nagatuv haysataa caruurna way wadataa ma isdhiibkartaa inteysa wax kabilaabee jawaab isoo qor sxb hadaad i fahantay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. hassan says:

    sxb jimcaale wax iiga sheeg su aasha kuweydiiyay adigoo raali ah qoraageynow

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  7. faarax dheere says:

    asc all somaliweyn bro jimcaale maxaa warka heysaa arinta labada sano iyo singelka qofkasto aqbaarnoga haya hanoo sheego waad salamantihiin all qofkasta webkan soo boqato

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. cade ka cade says:

    asc dhamaan asxaabta qaaliga ah waad salaamantihiin salaan ka bacdi sxb jimcaale aad ayaad u mahadsantahay allena ha kaa abaal mariyo warkan farxada leh aad bulshadaada u soo gudbinayso sxb waxaan ku waydiiyay anigu wadankan waxaan jooga hal sano waxaanan haystaa saddex diidmo wax ii hadhayna ma jiraan sxb waxaana laygu yidhi waan ku celinaynaa sxb markaa ma laga yaaba inay sharcigaa aad hada sheegayso igu qadariyaan oo igu siiyan degenaashaha wadankan sxb waxaanan hada gelaya sxb 16 jir markaa sxb insha allah waxaan kaa sugayaa jawaab sxb alle ha kuu dheereeyo cimrigee

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  9. aamin says:

    asc masha alah walhi waa arin lagu farxo zxb jimcale wad mhad san tahy gudbintada swedena tack ayan lenahy qadarinteeda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. shukri says:

    asc jimcaale waxaa ku waydiiyey waxaa ahay hooyo ilmlo wadankaan ka joogeen 2 asbuuc ka hor ay maxkamada ii ogolaatay lkn migrashanka wali way iga aamusanyihiin marka waan ka wal walsanahay soo sheeg wixii fikradaada ah adoo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Abdikadir says:

    asc wax ku waydiin in walidiin tahay ay la qabaan sharcigan iyo in kale waa mahadsan tahay walla

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0