Dadka caruurta ka maqanyihiin oo laga yaabo in ay fasax helaan

Dadka ku cusub Sweden ee u dacwoonaya caruurtooda ayaa la filayaa in la siiyo fasax ay ku booqdaan reerahooda iyaga oo aan lacagta laga jarin.

Kulan dhex maray Laanta Socdaalka (Migrationsverket) iyo Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa looga wada hadlay suurta galnimada in fasax la siiyo dadka cusub oo aan sida caadiga ah xaq u lahayn wax fasax ah mudada labada sano ah ee ay ku jiraan Xafiiska shaqada.

Wada hadalka ayaa laysku afgartay in dadkaas la siiyo fasax ay ku booqdaan reerkooda ama ay ku soo dhameystiraan dacwada haddii loo baahdo. Balse wali lama go’aamin qaabka fasaxa loo bixinayo iyo waqtiga la bixinayo. Waxaa la filayaa in ay arintaas Arbetsförmedlingen ogeysiin doonto dadka cusub markii la dhameystiro qorshaha.

Dhinaca kale Laanta Socdaalka ayaa xafiiska shaqada ku wargalisay in la fududeeyay mideyntii reeraha oo ay u diyaar garoobaan in dadka cusub ay soo siyaadi doonaan. Xafiiska shaqada ayaa iyaguna ogeysiinaya arintaan cidii kale ee ay quseyso sida shirkadaha la shaqeeya.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

26 Responses

  1. C/k says:

    Waa dad ceyrta ku jirana maxaa loo qorsheeyey kkkk

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  2. Bashir abas says:

    Jimcale ader dadka aan wax iskudhalin miyay kusodareen mise ayaga booskuba kumajiraan?jwb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Nafiso abdi says:

    As,walalow jimcale inbadan ayan kusalmi sl kadib abowe ma dadka carurta iskudhalay kaliye miyay ka hadlahayan?kuwa carurta aan lahayn makujiran?pls iga sojawab,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Jimcale says:

    Sidii aan dhowr jeer soo qoray dadka aan caruurta lahayn fursadooda waa yartahay waqtiga hada la joogo. Hada waxa laga hadlaayo waa dadka caruurta leh. Arinta fasaxa laakiin iyada ma aysan cadeyn in dadka caruurta leh keliya ay tahay balse waxay sheegeen in loogu tala galay in qofkii doonaya in uu u safro afrika si uu reerkiisa uga saacido codsiga deganaanshaha uu heli doono fasaxa.

    Waxaa muhiim ah in aad ogaataan in arintaan laysku soo qaaday oo keliya balse ilaa hada aysan go’aamin qaabkii iyo waqtiga ay sameynayaan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  5. Ismail says:

    Hej! Allihopa.
    1. Jag är jätte imponerad att läsa den här hemsida för att alltid finns det fiktiga informationen . Jag vill säga något.Alla som vill ha resa deras hemlandet under första 2 året . De kan resa utan tillstånd. varför är det fiktigt den här artikel?

    2. Sverige vill inte hämta människa från i horn afrika. Försök att ni skaffa bra utbildning och jobb ingen annan. Efter bestämmer ni själv tror jag.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 5

  6. cilmi says:

    ASC, Bacdal salaan waxaan su’aal weydiin lahaa hadii uu waqti ii helo saxibkay jimcaale, Jimcaale sxb waxaan ku weydiin lahaa in aad wax ka og tahay dadkii weli waxaa ku soconaaya diidmo, waxaana dadka qaarkood lagu yiri dacwad cusub soo xareysta dacwadiinii hore wey istaagtaye, okej markaas dadkii dacwadii cusbayd soo xareystay oo weji cusub oo hor leh bilaabay ayaa hadda waxaa lagu bilaabay diidmo cusub oo bilow ah,waxana la leeyahay (Dhiig) keliya kuma qanacno, marka saaxiibow adiga oo raali iga ah iiga soo jawaab, oo walalow gacaliyoow iiga soo jawaab si niyad ah ayaan jawaabtaada u rabaa iyo arintaas waxa aad ka ogtahay. (mahadsanid)

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. cilmi says:

    walal Jimcaale adigoo raali iga ah qoraalka sare iiga soo jawaab waxaad ka og tahay ilaahay khayr haku siiyee Aamiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. TO CILMI says:

    asc asxbta oo dhan iyo daadiyaha webka somaliska mr jimcaale salaan ka dib
    cilmi waxa kaa leeyahey su aashaada walaal waxa muhiim ah in aad fahanto sida ay cadeeyeen dowlada sweden waxey sheegeen in ay u fududeeyeen reeraha familka leh go aana laga gaarey balse aan weli dhaqan gelin arintaas marka ilaa ay dhaqan gasho diidmo weysoconeysa markii ay dhaqan gashana waa la shaacinayaa tv yada iyo dhamaan wargeysyada ayaa lagu soo daabacayaa wallalkeena diyaar ayuu inoola yahey in uu inoo soo gudbiyo ayadoo luqadeena ku turjuman.
    marka walaal xataa aniga kula hadlaaya waxan heystaa diidmadii ugu danbeysey oo waxan diyar u ahey in aan dacwo cusub xareysto hasoo diidaan anigana wan soo xareynayaa ileyn kama maarmo familkeygee so waxaan kalo idiin sheegaa in ay safarada bilowdey in ay tiraahdo qofkii foom cusub xareynaayo waa inuu lasoo xareeyaa foomka fiisaha midaas oo aan suuragal aheyn qof aanan loo ogolaanin deganaansho in uu dalbado fiiso balse ay soomali badan shubeen lacagta fiisaha ayagoo aan heysan ogolaansho midaasna waan idiinka digayaa in aadan lacagtiina ku shubin meel cidlo ah aniga waxan u tegey migrationsverket waana weydiiyey bal hadii ay wax ka ogyihiin iyo inuu yahey sharci cusub oo ay soo sareen balse waxa leygu jawaabey isla sidaa qabey qof aan heysan ogolaansho in uusan xaq ulaheyn inuu dalbado fiiso soomaliyeey ka fiirsada ayaa idiin dhihi lahaa wad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Deq says:

    TO”JIMCALE walal waxan laqaba walalken CILMI su.asha u kuweydiyay ayada ayan ugu muhimsan hada wax yabaha lagahadlayo biloyonkin sababta ey fomamka cusub ugusoturayan didmada wilibo sidhaqso ah away go,anki lanta socdalka iyo ti maxkamada’ fadlan lanta socdalka iyo melaha at laxarirto noweydi su.ashas dadka intey fom cusub udiran hadana sidhaqso ah ugu soturo didmada maxu nosokordhiyay fomku cusba o faido ah kaliya qarash ayan u arka wlh 2 bil gudahot dad kuxereyay fom hadana jawab didmo ah lasiyo faido kumajirto?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Jimcale says:

    Cilmi arintaas waan maqlay balse ma ogi kiiska dhabta ah ee dadkaas. Mida kale waxaa muhiim ah in la ogaato in Migrationka ay go’aankii maxkamada dhaqan galiyeen 22 Februari waa 3 isbuuc ka hor marka wali waxaa macquul ah in dadka la diiday aan loo eegin go’aanka cusub.

    Aniga waxaa ila haboon in la sugo ilaa dhamaadka bishaan oo markaas aan aragno sida ay xaaladu ku socoto.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. cilmi says:

    waad mahadsan tahay walal ilaahay khayr haku siiyo, hawsha aad dadka u haysana ilaahay ajar iyo xasanaad hakaa siiyo. waana fahmay qoraalkaaga.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Lil messi. says:

    Aad bad u mahadsantahay jimcale sida xilkasnimada leh o ad ugu jawabayso waalidiinta dhiban. Hadalkoda ay so qorayan ayan kadaremayaa dhibka haysto. Ilahay ajar haka siiyo jimcale inta dhibana ilahay dhibka haka qaado amin.nabadino.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. HASAN GEESEY says:

    WALAL JIMCAALE WAXAN KU WEYDINAYA WAXA LAYAAB AH IN SHAQADU KU EKTAHAY UUN SAFARADAHA ITOOBIYA MAXA TAN QAAHIRA WALI U BILAABIN MAXAD KA OGTAHAY BRO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. saciid cali says:

    ugaas jimcaale akhbaar cusub in baarlamaanka sweden ka doodayo arimaha familada in DNA laga qaado caruurto waxaana mooshinkaas geeyay xisbiyada social democoratic iyo vänsterpart ee hemsidaha baarlmaana gal 30 maj 2012

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Nasteexo says:

    walal jimcaale wan kusalamay salan sare..
    walal waxan ku weydinaa BAARLAMAANKA SWEDEN koormuu fariisan rabaa uu ansixin donaa shirciga dadka lesku keenayo familada, dadkoo dhan waa umuhiim su,aasha jimcaale

    pleaase ika soo jawab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Lil messi. says:

    Nasteexo wanku salamay salan kadib.hadan u so noqdo su,aashadi ahayd baarlamanka sweden gormu fariisanayaa?barlamank sweden wuxu farisanaya 20marso.si ay u a meel mariyan mooshinki xisbiga cagaaran iyo dowlada ay so diyariyen e ku saabsana midaynta reraha somalida.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. HASAN GEESEY says:

    koleey aniga 20 maarso weey iska dhahayaan mahee wax is badal ah maku sameeyn donaan waa maweelis sideey aniga ila tahay waana arki donaa waanka doodnay beey dhahayaan hadhow lakin culees lee kenayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. ................ says:

    walaalayaal dalkeena ayaa nabad noo naqday ee wadan shisheeye ha leyska dhaafo dib haloo soolabto dalkeena aan waxka qabsano shisheeye wuu idin diiday lkn malin ayuu iisoo bahandonaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Massago says:

    Jimcaale marka waxaa shardi looga dhigay miyaa fasaxa in lagu baxo TurkishAirweys mase qoftu diyaaradi aw rabo waa raaci karaaa?
    Su,aasha kale kale waxeey tahay sidi dadka shaqeeyo maa bishi´ba 2-biri loo xisaabihaa oo 5 veckor lasiinaa mase bisha samarka caadiga ah oo skuulka aa loo xisaabihaa?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. abdir rahman sh. dahir osman says:

    jimcaale waxaan ku weydiiye kheer allah ku siiyee dadka fomka cusub xareenaayo lacag kale miye shubayan mise waa lacag la aan su aasha labaad kale aan ku weydinayo wax ey tahay dadka la qadaayo ma dad caiman baa mise wxaii famil ah oo dhan aya laqadayaa shukran intaas iga soo jwb ajir iyo xasaandaa allah ku siyee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. cashira says:

    asc jimcale walal suashaydu waxay tahay dadka la isku kenayo ma ku jiran dadka waxa isku dhaliin mise wa dadka caruurta leh un lkn waxan maqlay ina dhig lagu xiidhay dadka caruurta leh see maxay kula tahay inay ku xidhi donan dadka wax isku dhalin lkn waxa go an ah ma laga haya dadka wax isku dhaliin walal iga bahiitir ariinta mahad sanid kher ayan kugu dhafay walal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Magaca...iimaan says:

    jimcaale walalo sual caruurta waalidkod ka maqanyahay ma loo keenaya aniga hooyaday iyo caruurtayada iga maqan mise wa inay walidku sweden jogan adiga mahadsan walalo iga so jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Muriidi Dzeko says:

    asc dhamaan aqayrta sharfta leh iyo walakeey jimcaale. salaan kadib anika waxaan ahay wiil uu u dacwoonayo abihii sxb jimcaali marka ahabeey mashaqeeyo isguul ayuu dhigdaa marka dadka isgolka dhigdaan muku juraan fasaxa mise waa kuwa shaqeeyo oo kaliya ???????? mahadsanid .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Axmed says:

    ASC,
    Walaalayaal waxaan talo ku soo jeedin lahaa in aan taageerno goaankii maxkamadda ee lagu goaamiyey in somalida isdhashay laga qaado DNA isla markaana lagu baabiyey caqabadihii adkaa ee hortaagnaa. Hadaba waxaa ila quman si aan u noqono dad damiir iyo dareen leh in aan banaan bax balaaran dhigno kaa oo aan ku taageereyno goaankii maxkamada ee januari 18, 2012.Waxaana qabaa in lagu beego maalinta uu baarlamanka fadhiisanaayo oo ah mars 20, 2012. waxaan ka codsanaa madaxa jaaliyadda Somaliyeed ee Sweden in uu soo abaabulo arinkaa. waa muhiim jidan.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  25. Axmed says:

    Goormaa lagayaabaa in uu fasaxa biloowdo?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. qorane says:

    wabsite kan wali ma arag mid ka been badan waxuu rabuu sheegayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0