Dadka cusub oo ka cabanaya walwal & wehel la’aan

Magangalyo doonka ku cusub Sweden ee ay la wareegtay Hay’ada Shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa ka cabanaya in ay dareemayaan walwal (stress) iyo wehel la’aan.

Cabashooyinka dadka cusub ee Sweden yimid labadii sano ee la soo dhaafay ayaa cirka isku shareeray markii Hay’ada Shaqada ay kala wareegtay masuuliyadii magaalooyinka. Qaar ka mid ah gacanyaraasha ka shaqeeya Arbetsförmedlingen ayaa ii sheegay in ay dareemayaan in dadka cusub ay dhibaato weyn ka haysato xaga istereeska iyo wehel la’aanta.

Arbetsförmedlingen ayaa u baahan qofku in uu 8 saac oo xiriir ah hawl sameeyo oo kala ah iskuul ama baraatiik taasoo ay u sii dheertahay in aysan lahayn wax fasax ah mudada labada sano ah ee ay ku jiraan barnaamijka. Dadka cusub ayaa sidoo kale wali reerahoodii loo keenin taasoo abuurtay in qaarkood ay ku dhawaadaan waali.

Cabashooyinka kale ee ay qabaan dadka cusub ayaa waxaa ka mid ah in aysan aqoon cidii ay la xiriiri lahaayeen iyadoo ay faraha ka bateen Hay’ada iyo shirkadaha ka shaqeeya arimaha soo galootiga. Qofkii waxa uu ku jahwareersanyahay waxa loo yaqaan Lots oo ah shirkada hogaanka iyo Arbetsförmedlingen, kamuunkii, iskuulkii iyo kuwa kale.

Isbedalkii weynaa ee lagu sameeyay barnaamijka isdhexgalka ayaa dhaliilo badan loo soo jeediyay iyadoo dowladu ay ku amaantay barnaamijkaas in uu noqonayo mid dadku ay shaqo ku helaan, balse ilaa hada tirada soo baxday ayaa muuqata in aysan taasi dhicin.

Haddii aad ka midtahay dadka cusub ee ku jira Arbetsförmedlingen bal nooga waran xaaladaada iyo sida aad u aragto barnaamijkaas?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Abdirashid says:

    waxan ka mid ahay dadka cusub ee ka tirsan arbetsförmedlingen ka dhibaatooyinka ay dadka ku hayaan halkan laguma soo koobi karo,waxase iila yaab badnayd markan kirada guriga iska bixin wayay iyo waliba korontadii,shirkada guryahana ay tiri anaga lacagtanada waxan rabnaa 1da bisha mesha arbets kuna ay na siiyaan lacagta bisha 10keeda,laba bilood ayaan kirada guriga anigu jeebkayga ka bixiyay,fasax ma jiro,cid aad udacwooto maleh ,walaysu kaa dhiidhiibi ,cid aad la hadasho ma taqaanid ,marka waxaa aad uga fiican integration ka ,isku soo duuduuboo waa in shaqo la helaa, xornimadu halkaas ayay jirtaa

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  2. ahmed says:

    sxbyaal halkan anoo fakarkaya ka dhiibanaya ayaan waxaan ku darayaa sida xaqiiqda ah ee anan been guudka uga saarayan dadka shacabka ahna anaan u difaacayn. mida kowaad arbetförmilegen waa hanlegaro waayey shaqo oo dad ajanabi ah oo shuruucda wadaana aaan aqoon gacanta loogu galiyey saboobtoo ah qofkii ugu badnaan saddex bilod markuu sweden joogo ee ilaahay sharciga kasiiyo wuxuu dharakti u galayaa arbetformligen dadkii somalida ahaa ee uu ka waraysan lahaa arbetformligen waxba kama yaqanaan waxay sweden hore loo yaqaanay abetlös waxa lo yaqaan
    ok qofkii malinta uu sharciga qato waa arbetforligen dadka löoogu tala galay haduu yahay arbetformligen waxay ula dhaqmayaan sidii qof shaqo laan u yimi sweden oo jamaacad kasoo baxay oo luuqada sweden yaqaan oo sharuucda sweden yaqaan intaas yagoo qofkii kula kacaya ayaa waxaa dhici karta inay aanay iskuul u diran lixbilood wax bilaa macniya ayey kula wareegaysanayaan oo ay dhaami lahayd 4 billod sfi xitaa waxaa intaas u dheer wakhtiga bilaa adanku uu qaato waxyaabaha ay kunoladaan wakh xun ayey siyaan. calaa iyo kuli xaal haayada arbetformligeu waxay u baahantahay inay hayada shaqada iyo bila aadanak daneeya inay hoos u egaan sida dadka lola dhaqmaayo. sabobtoo ah dadka 2 sanno u danbeeyey galay arbetformligen ma yaqanaan xeerka ama meesha laga dacwoodo ama dariiqa looma afkiina kuam hadli karo waa dhibaato aad u badan.hadduu u hawl gali lahaa xitaa ma haysto wakhti uu bal indho indheeyo siday sweden wax ukala socdaan waayo idii nin company u shaqaynaya ayaa layidhu 8 sacadood meel joog sida ayga.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Abdirashid says:

    XATAA MARKAY KU ARKAAN INAAD DADAALAYSID OOD WAX QABSANEYSID ,FURSAD YAR OOD KÖRKORT KU RADSATID KUMA SIINAYAAN,SHAQO HABEENKII AH AYAAN HELAY OO DELTID AH, WAANA WADI LA,AHAY IYAGA AWGOOD,DAQIIQAD HADAD SOO DAAHDO LACAGTII AYAY KAA GOOSANAYAAN,MARABAAN MARKA INAAD WAX QABSATID,HADHOWNA WAXAY ORANAYAAN SOMALIDU SHAQO MA RABTO,ITS THEIR OWN ILNESS,,,,,,WAXAN KUSOO GABA GABEYN LAHAA DHIBATOOYINKA UGU DARAN WAA, SHAQO LA, AANTA,DAAHIDA LACAGTA,FASAX LA AANTA,KIRADA OOD ISKA BIXIN KARIN ,OO SABABI KARTA INAAD KRONGFODEN GASHO ETC.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. waaye says:

    waraa jimacaaale reer baadiye waaxid shiid.com maa noqotay maxa waye malin dhoweyd filim waxa keentay 90kr iska bixiya cml cid ku siinayso malahan maraxoow webka warkiisa awalba svt iyo aftonbladet aad ka soo uririsa wan dawana aqrisana ee ani kuma sinayo 1 kr doqonow

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 6

  5. C/k says:

    Wax kastaba la arag oo maxaad ku maagtay qoraha webka hadaadan rabin ma cid baa ku tiri soo gal meelaha wax lagu qorano waa la daalacdaa Somaliska.com waan rabnaa intaas ayan ku oran lahaa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  6. ADUUN WAA LAYAAB says:

    waxaa wax lala yaaba ah Qof dhan inuu wax qoro waxa uu ku hadlaayana eysan qiimo laheyn Xadiis saxiix ah ayaa jira dhahaayo ( Hadii aad Allah iyo Rasuul (scw) rumeysantahey wax qeer leh ku hadal ama iska aamus. marka waxaan ula jeeda webkaan Danta guud ayuu u furan yahey ninka fureyna hadii uu yiri 90 oo hoosha fududeeyso qofkii awoodo habixiyo taasi micnaheeda mahan inuu tuugsadey howlna kaligeed isma wadee waa lawadaa, Marka hadii ey dhibkaaga noqotey 90 SEK oo umada dhan wax loo qabanaayo dhankaaga ka dhiibto wado kale ayaa jirta oo wanaagsan waa inaad aamustaa xishootaa Allahna ka baqadaa oodan caayin qof umada wax u haayo wabilaahi toowfiiq.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. zaki says:

    Magaceygu waa zaki . waxaaa ku dari lahaaa arin yar oo gaban waxan ka mid ahay dadka ku jira Arbetsförmedlingen. runtii aniga iyo ilaa 4 qoos waxaan dhibato ku qabnayaa systemk lacagta ku bixiyaan iyo biilshs waqtiga la baxiyo ayaa farqi weyn y dhaxeyaa bil walba Bank ayaa sii bixiya kadib ribo aya la baxiya hadii kale waa ganax taasin waa arin caam ah ha,adaana waxba kama qaban . maxaa sababay in ey dhageesanweyso Arbetsförmedlingen cabashda ddka ,,,,,,,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. zaki says:

    sorry waxaa daganahay tuula yar Nordanstig

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. zaki says:

    zaki raali iga noqda waa ka hilmamay runtii si aad iyo ayaan ayaan aniga ula dhacay qorshaha e dajiyeen sababtoo ah hadii uu qofka u hagansamo qorshahaas waa sahalan tahay in uu shaqo helo , tusale aniga waxaa ley diyariyay Cv iyo warqadao badan oo codsi ah shaqo lagu dalbado meel badan ayaan geeyay waxaana u dhawahay in aan shaqo helo hdii ALLE idmo taasina waa wax lagu amaani karo ha,ada ,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Nuurn Surcad says:

    Jimcaale.. Walaal arinta xafiiska shaqada waa mid aad u wanaagsan aniga fikir ahaan kooley aduunka kama jirto cid 100% wanaagsan. Aniga hada waxaan ka shaqeeya xafiiska shaqada mudo 7 bilood ah qorshahoodana waa mid kii hore uga faaido badna Integrationka awal dadka ayuu handicap ka dhigi jiray..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. gaagaale says:

    sxb jimcaale aad ayaad u mahadsantahay arinta aad soo bandhigtayna waa arin jirta oo aad noo samaysay qoladayadan arbetsförmedligen runtii anigu iyaga ayaan waxaan
    markaa wuuxu waa qashin qashin dhalay dad ayaa naloosoo shaqo geeyey shaqay bixinayaanna ma jirto labada sano ale ayaa nabaday waanu iskaga dul qaadan balse hadii ay jirto dhibaatada lacagta iyo tan wakhtiga dheer ee bilaa macnaha ah lagu dilaayo iyo tan fasax la aanta si wax looga qaban karo calankagu wuu taagan yahay waan mudaharaadaayaaa ,,,,, wuuxu waa qashin kudaafaad labada sano ale yaa nabadan somalliyey waad aragtaan wadanka oodhan ayaa uskag ah shacabku waa kuwa ugu xun shalay micriphone ka ayaa lala dhex maray dadka swedhish ka ah oo la waydiiyey sucuudi arabiya warshada loo dhisaayo sidee u aragtaan waa digtaatooriyad islaamkoo dhan ayaa ah hub haynagu siinina ayey lahaayeen that means cadowgeenu waa iyaga somaliyey tashada oo wadankiinii dhistaa waa iga talo asc dhaman waabadiyee ka raali ahaada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. cashira says:

    asc walal wad ku mahad santahay jimcale ariintan aad ayan ugu bahnayn walal aniga o ku hadlaya dhaman dadka cusub ee dhawan sokalay swedhan labada sano ee laso dhafay waxa igu dhacay dhibato foolxin oo igaga timiday somaliya waxa rabay ina boxo marka waxan utagay hanlegarkaygi wan ushegay ina baxo ay dhibato igu dhacday waxse u igu jawabay isbax fasax aya tahay lakiin lacag iguma lihiid marka wan iska baxay oo ta ihaysato ay igaga daran waxan maqna 2biilod wan solabtay labadi bilood waxba ima sodiriin lacag ta wax kasi daran inta iskulka bilabayay waxan kusi nolado ayan waydistay wa u idiiday dhibato xoogan ayan qabna hadan nahay dadka cusub marka waxan lenahay war xal hanano heloo ana way naku calool xunahay dadkini nima keenayno hadana nima fasaxyno aad iyo aad ayan uga xuun walal waxan ka codsanayna dawlada ina hoslo eeg ariin tayada oo nano keeno dadkayagi ama nano ogolado fasax walal mahad sanid kher allah ha ku siyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Abdi says:

    Waxaan dareemayaa go,doon,kalinimo.waxaan kacaa 5 aroornimo waxaan gurigaa ku soo noqdaa 18.Wxaan la mid ahay qof shaqeeya laakiin utan lön ah.
    waxaan soo dhameeyey kurs personli assistent ah lakiin nasiib daro kuma helin wax shaqo ah. Waxaan diray in kabadan 500 oo ansöken ah lakiin wax iiga soo jawaabay mahayo.Waxaan aadaa SFI 4 saacadood ilaa hadana ma dhamayn sababtuna waa waqti aan ku aqriyo mahaysto markaan kabaxo waxaan aadaa praktik, waxaan ku laabtaa guriga anigoo aad u daalan oo aan karin aqris 18:00 .
    Waxaa iga maqan ciyaal aan dhalay iyo hooyadood ma arkin mudo 3 sano ah waana u huloobay lakiin nasiib daro ma kari karo in aan safro waayo lacagta waa layga goo sanaa biilkooda ayaa iga go aya sidoo kalana ma iska bixin karo tikitka.Waxaan dareemayaa stress badan, madax xanuun,iyo hurdo a,aan
    mararka qaar waxaan arkaa kali gay oo is la hadlaya.
    Waxaan ka codsanayaa dowlada sweeden in ay ciyaalkayga iyo marwadayda si shurood la,aan ah iigu keento.Cadaalad matahay inaad idinkuna jeceeylkiina meel qudha ka soo wada toostaan anaga labo wadan oo kala fog ku kala noolaano (var är jämstallhest i Sverige)
    Waad mahadsntihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. abdihakin says:

    runha,ahaantii lama soo koobi karo dhibaatooyinka aan tirsanayno waxase wax walba ka daran hadii ogaansho la aanta dhanka dawlada oo hadii ay noo ogtahay inaan dhibbadan qabno waxa laga yaabi lahaa in xal laheli lahaa misna iyadna waxa jirta saacadaha faraha badan ee aan maqanahay oo qaarkood wax ala wax aan ka faaiidaynaa aanay jirin ee ay tahay uun adigu guriga ka maqnow ma xuma inaan aroortii kalahao oo aan guriga ka maqnaado balse waa inaan wax soo korodh sadaa taasina ma dhacdo markaa waxan dawlada aad iyo aad uga codsanaynaa in arintayada hoos loo eego waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. cashira says:

    asc walal sharaf lkn wali nogamad sojawabin waxan ku waydinay wan u jeeda siday dadku u cabanayan walal waxan nahay dadka naflay ah oo dalayo xaquuqul bili adamka ku ma jirto sida nano kalayo hanahay dadka cusub marka waxan ka codsanayna dawlada swedhan ina hoos loeego ariintayada oo nana siyo fasax dadkayagina nano keeno walal fadlan adiga o mahadsan tabi dacwa hayaga oo u badhig dawlada oo tusi cabashadayada walal wad arkaysa sida loo wala calacalayo dad xaasas kodi iyo caruurtodi ka ma qayihin oo 24sacadod figira oo hadana la dhahay ma nasan karnii fasaxna nima sinayno waxad umalayn lahay nolosha ay ku nolyihin walal hoos halo eego ayan lenahay ariintayada mahad sanid walal jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. said says:

    asc salaan kadib waxaan ku darsanayaa fekaerkayaga waxaan ahaya qof cusub waxaan wadan ka joogaa sdwex bilood baan sharci haystaa waxaan aadaa meel atya iidireen xafiisaka shaqadu markaan qaatay sharciga intaa layama dirin wax iskuul ah wax barshona layma siiyo waxaana laugu leeyahaysidan baa sharci ah waa xeer meeshana waxaa haysta ajaanib dadkii swedshka ahaa isma aragano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Lajecel says:

    Said iskuul in laguu diro xaq baad uleedahay. AJAANIBTA ayaa ugu xuun ee radso swedhka raadi malihid miyaa gacanyare ama qof aad laxariirti oo iswedesh ah. Marka wadanka lagucusubyahay oo jawiga lafahansaneen waa marka ugu dhib badan. Aniga xitaa tada camal ayaa igu dhacday oo dadban oo kale xataa eey kudhacday. Kommunka aad dagantahay waa in uu iskuul kudiraa oo kucaawiyaa. Raadso dad sida dhaqsiyada badan kucaawiyo yuu meesha waqti kaga dhumin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0