Dadka cusub oo luuqada (SFI) lagu bari doono kaamamka

11

Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa shalay ku dhawaaqay qorshe cusub oo ay dowladu lacag gaaraysa 100 milyan oo karoon ku bixin doonto arimaha la xiriira isdhexgalka. Isbedalada cusub ayaa waxaa ugu weyn in koorsada SFI-ga loo bilaabi doono dadka ku jira xeryaha ee sharciga leh.

Qorshaha dowlada ayaa ah in qofka sharciga haysta ee sugaya guriga uu ka faa’idaysto waqtiga oo luuqada lagu baro kaamka. Dowlada ayaa dhinaca kale waxay lacagta qeyb ka mid ah ku bixin doontaa sidii dadka qaxootiga ah ee cuuryaanka ah loogu fududeyn lahaa nolosha Sweden, sida in la dajiyo guryo cuuryaanka ku haboon iwm.

Dowlada ayaa sidoo kale shalay ku dhawaaqday in iskuulada ku yaala xaafadaha soo galootiga loo kordhin doono macalimiinta, si kor loogu qaado heerka waxbarashada ee caruurta soo galootiga oo hada aad uga hooseeya ku Swedishka.

Isbedalada cusub ayaa dhaqan gali doona bisha July 1, 2014.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here