Dadka cusub oo mushaarka shaqada & gunada soo dhaweynta isku qaadanaya

Ka bilaabata 1 bishaan Oktober ayaa dadka cusub ee Sweden soo galay sanadkii 2010 waxay xaq u yeesheen in ay isku qaataan lacagta soo dhaweynta iyo mushaarkooda haddii ay shaqo helaan.

Qofka cusub ee shaqo hela ayaa ilaa 6 bilood waxa uu qaadan doonaa lacagtiisii hore ee ahayd (Etableringsersättning) iyo mushaarkiisa oo aan waxba ka dhimanayn. 6 bilood ka dib ayaa lacagta soo dhaweynta waxaa laga dhimayaa inta qofku uu mushaar u qaato.

Arintaan ayaa ah fursad muhiim ah oo ay heleen dadka cusub. Muhiimada laga leeyahay ayaa ah in dadka lagu dhiiri galiyo in ay shaqo raadsadaan. Horay ayay u dhacday in dadka qaar ay ku doodayeen in aysan shaqada wax lacag ah uga siyaadayn balse hada ayay muuqataa faa’iido lacageed oo soo jiidasho leh.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. Yussuf says:

    Jimcaale arintaan aad ka dhaajisay qofka hadii uu helin shaqo qofka ma socialka ayuu galayaa? Mase ama hahelo shaqo ama yuusan helinee (Etableringersättning) ma u soconeysaa ilaa iy 6bil? hadii ay u socotane ilee iyo intee ayeey ku egtahay? Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. Yussuf says:

    Jimcaale arintaan aad ka dhawaajisay qofka hadii uu helin shaqo qofka ma socialka ayuu galayaa? Mase ama hahelo shaqo ama yuusan helinee (Etableringersättning) ma u soconeysaa ilaa iy 6bil? hadii ay u socotane ilee iyo intee ayeey ku egtahay? Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. guul says:

    2010 dadka soo galay miyay cusubyihiin ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. zaki says:

    sln dhamaan sxb arintaa wax badan ayaan maqlay laakin MR jimcaale adiga oo rali su,aasha uu ku weydiyay Yusuf , ayaan rabaa in aad ka jwaabto hadii macaquul kuutahay ama aad baritaan ku sameeya , QOFKA KU JIRA (arbetsförmedlingen) HADII UU SHAQA LEHIN AMA WAXBARASHO FARSAMADA U SOCOTA MA WAX UU GALAYAA CEERATA MISE ,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. asad says:

    Aniga ayaan ii jawaabaya Zaki iyo Yusuf , qofka sedex wado ayaa u furan in uu aktivitet arbetsförmedlingen ka qaato,, oo uu xirfado barto ama praktik aado,,, ama in uu ceyrta galo(tan kommunada waa ku kala duwanyihiin) ,, ama in uu csn aado oo ardey noqdo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Cilmi says:

    ASC, waxaan salaamayaa asxaabta webka ku xiran, gaar ahaan mas’uulka omaliska.com oo ah walalkeen jimcaale. Jimcaale walal waxaan ahay nin oday ah oo aan xaalada wadankaan aynu joono wax badan kala socon, marka waxaan ku weydiin lahaa adiga oo raali ah ilaahayna khayr haku siiyee waxaad iiga soo jawaabtaa:
    Hadda waxaa ii imaanaya reerkaygii aniguna waxaan ku jiraa kommunka oo socialka ah marka reerku ma waxay gelayaan (Arbetsförmedligen) mise aniga ayeey ila qorsho noqonayaan. walal Jimcaale arintaas aad ayaan muhiim iigu tahay ee ilaahay hakaa farxiyee jawaab iga soo sii. waadna mahadsan tahay jimcaale. jwb ayan kaa sugayaa insha allaah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Yusur Ahmed says:

    Waa wadankee wadanka ugu ekaanshaha calan ee calankeena quruxda badan? Sheega wadanka leh caln u eg ka soomaliya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Gabadh Sool says:

    asc jimcaale waxan ahay dadkii soo galay 210 markaa kuma jiro arbetsförmedligen markaa hadaan shaqo helo may iga goosanayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. jaajuumow says:

    salan bacda salaan.
    waxaan la yaabaa soomaalida iyo caqligooda waar maxaaad shaqo heshaaan waad aragtaan in iswiidhan horena aanay cid shaqo u siin jiran dadka soo galootiga ah in yar mooyaanee, hadana ay iswiidhishkii shaqo la yahiin shirkado badan oo kacay ama guray awgoood waar soomaaliyey fikira swiden waloo aydaan shaqo iyo lacag bilaasha oo idiin soo dhacda ka helaynee ,teeda kale ayaga laftooodu way og yahiiin i wadankii hoos u dhacay oo aan cidi shaqo soo helayn soo galooti ahi sababta oo aytahay 2000 oo iswidhish ah ayaa ku shaqo waayey konkurs kii ku dhacay exprt iyo volvo oo wadankaba ka guurtay meelo badan, dadkaas ayaa garasho ka sugaayaa caqligii soomaali ma dameer xaaray baa cunay hadaba sidani waa yaabee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. cilmi says:

    ASC, Jimcaale mar labaad waan ku salaamaya, adeer waxaan ahay oday weyn oo aan xaalada Sweden aan la wada socon Marka adeer waxaan ku weydiiyey hadii aad wax ka ogtahay Anigu waxan ku jiraa kommun waxana aan sugayaa reerkaygii oo ayaantan imaanaya marka ma xafiiska shaqada ayaa qaadanaya mise kommunka ayaa qaadanaya.
    Adeer ilaahay dartii iigu soo jawaab hadii aad wax information ah aad ka hayso. Dadka ku xiran webkaan haday arintaan wax ka ogyihiina ha igu caawiyeen waxay ka ogyahiin.mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Mohamed Ali Shidle says:

    Saaxiib Jimcaale: Waad salaaman tahay. Salaan kaddib, mowduuca ah in la siiyo gunnada ‘ Etableringsersättning ‘dadka dalka soo galay 2010 muddo lix bilood xitaa haddii ay shaqeynayaan. Waa arrin fiican oo mudan in la soo dhoweeyo. Waxaa kale oo la yiri shaqo ha raadsadaan oo ha ku dadaaleen si ay u gaaraan horumar shakhsiyadeed oo la taaban karo. Runtii, waa arrin muhiim ah oo aan ku faraxnay. Laakiinse arrinta meesha ku jirtaa waxay tahay shaqada halkay taalaa ii sheegba? Waayo, shaqa-bixiyayaasha waxay bil kastaba helaan dad la shaqeeya oo baraatiko ahaan loogu soo diro oo ka yimaada dhinacyada Xafiiska Shaqada ama Lotsyada. Marka ma kula tahay in si sahal qofka uu u heli karo shaqo? Ma kula tahay shaqo-bixiyayaasha in ay shaqaaleynayaan shaqaale maadaama ay haystaan shaqaale jaban oo aan lacag kaga baxeynin? Aniga waxaan ahay nin Soomaali oo haysta shahaadooyin dalkeyga, dibedda iyo Swedenba haddana waan ku daalay in aan raadiyo shaqo. Waxaan ku hadlaa, qoraa oo aan akhriyaa dhowr luqadood sida af Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska oo aan dalkeyga ku bartay kagana soo baxay Kulliyadda Farsamda ee Macalimiinta ama loo yaqaan Polytechnic Teachers Education College ee magaalada Muqdishu iyo Iswidhishka oo aan Sweden ku bartay. In ka badan dhowr codsiyo waan u gudbiyey dhowr shirkadood oo Iswidhan gudaheeda ah. In ka badan 18 sano khibrad hawleed ayaan leeyahay oo dalkeyga gudihiisa ah ama dibeddaba. Shahaadadeyda waxay ka diiwaan gashan tahay Högskolverket i Stockholm. Goob kastaa oo aan u tago hawlaha leysu diro oo ka yimaada dhinaca Xafiiska Shaqada, dadka aan la kulmo oo aqoonyahannada dalka gudihiisa ama dibeddiisaba ah way arkayaan in aan ahay nin wax soo bartay. Haddana dadaalkeygu ku wajahnaa dhinaca shaqada waxa uu noqday hal bacaad lagu lisay! Ma anigaa nasiib xun mise waxbaa khaldan oo u baahan in la saxo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. wadani says:

    asc walala yal waxan raba in an u jawaba aderkey cilmi rerkaga marki ad dalbaneay hadi ad shoshalka ku jirtay shoshalka aye kula galayan lkn hadi adan ku jirin shoshalka marki ay dacwada ka bilawayen wadanka ay ka so baxayan AF aye galayan sas ayan ka ogahay aniga ader alahana ku sama kena rerkaga ayako nabad qaba amiin amiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. ayan says:

    waad salaamantihiin dhamaantiin,waajirtaa in dadka cusub ay fursadaa heystaan laakiin waxaa meesha ku jirto, xafiiska shaqada ma adigoon wax ay kuu direen oo ah in maalintii 8saac aad meel aado ayey lacag kaamil ah ku siinayaan ,
    waxaan kaa codsanayaa in aad arintaa si fiican noogu sharaxdo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. SHAF-LIBAAX says:

    Waa kuslamay sxb jimcaale waana ku mahad celineynaa
    sida habsamida leh eed ugu dadaasho inaad noo soo ururiso waxyaabo badan oo ku saabsan soomaalida hadana dadkeenu waa dad hadalka quuto ee saaxiib isku day inaad u sameyso gacanyare ujawaaba markasta waayo adiga waqtigaada ayaad noo hurtay sidaa darteed waa in lahelaa dhalinyaro firfircoon oo ujawaabto aktivna ah si mutadawacnimo ah hadaan lahelin waa dhibkaaga adiga waayo waqtigaaga qaaliga ayaa u hurtay ayaga ayaguna waydhibanyihiin weli waxaa ku danbeeyo dhiig karkii ay kasoo qaadeen wadankii marka adigoo mahadsan iskuday inaad raadiso mutadawaciin ku shaqeeyo lacag la’aan.
    Waxaan kawadaa dhamaan waa ineynu ka fekernaa kuwa naga midka ah ee hada soo galay inloo yeelo sidey rabaan sanooyin kadib ayagaa juuqda gebidoonee markey arkaan wadankan.
    MAHADSANID WAANKU SALAMAYAA JIMCAALE .
    WAA SHAF-LIBAAX OO KULEH SAMIR ADKEYSI GUUL.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0