Dadka da’da yar isku dhiiba oo la sheegay in aysan caruur ahayn iyo qaar badan oo baxsaday

5

Sida uu qoray wargeyska Folkbladet caruur badan oo da’dooda ka yartahay 18 sano ayaan la garanayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen ka dib markii ay Sweden iska dhiibeen.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in ay dhuuntaan marka la siiyo diidmo iyadoo boolisku ay sheegeen in aysan wax baaritaan ah ku samayn maadaama aan wax dambi ah la soo sheegin. Hadaba xagee bay aadeen? Booliska ayaa aaminsan in ay ku laabaan wadamada Dublin ee markii hore ay ka yimaadeen ama ay iska dhiibaan wadamo kale.

Sida ay sheegtay Laanta Socdaalka 81 dhalinyaro da’dooda 18 sano ka yartahay ayaa ka baxsaday goobtii lagu haayay . Ilaa iyo hada 68 ayaan la garanayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen. Booliska ayaan garanayn halka ay ka raadiyaan caruurtaan maadaama aan macluumaad fiican laga hayn.

Dhinaca kale haweenay lagu magacaabo Merit Wager oo ahaan jirtay dadka qaabilsan qaabilaada caruurta 18-sano ka yar ayaa mowduuc ay ku qortay bogga Newsmill ku cadeysay in qaar badan oo ka mid ah dadkaan aysan caruur ahayn. Waxay sheegtay in qiyaastii kala bar ay yihiin dad waaweyn oo caruur iska dhigaya. Waxay ku baaqday in dadkaan kiiskooda si fiican loo baaro oo aan dowlada laga qasaarin lacagta.

Xitaa siyaasiyiinta ayaa hada ku soo biiraya arintaan iyadoo la ogyahay in kamuunada qaarkood ay diideen qaabilaada dhalinyaradaan. Dowlada ayaa hadda dooneysa in ay u baarto sida wadamada dariska ah ee Norway iyo Finland si loo cadeeyo qofka da’diisa oo sax ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here