Dadka da’yarta isku dhiiba oo cid qaabisha lalayahay

7

Laanta Socdaalka Sweden ayaa cabasho ka muujisay in aysan u hayn meel ay gayso dad badan oo caruurta isku dhiibay oo lagu qayaasayo ilaa 500 qof. Warbixin ay soo saartay Migrationsverket ayaa lagu sheegay in xaalad adag ay jirto iyadoo dhowr kamuun oo keliya ay qaadeen masuuliyada ugu badan.

Agaasimaha Laanta Socdaalka Dan Eliasson ayaa ku baaqay in lagu qasbo kamuunada oo dhan in ay qeybtooda ka qaataan qaabilaada caruurta aan la wehlin. Kamuunada Sigtuna, Solna, Mölndal iyo Malmö ayaa noqday kuwa ugu qaadashada badan iyadoo ay jiraan kamuuno guud ahaanba diiday in ay qaabilaan wax qaxooti ah.

Qaabilaada dadka da’yarta isku dhiiba ayaa ka adag kuwa kale maadaama ay u baahanyihiin daryeel caruureed iyo shaqaale heegan ah oo la socda xaaladooda.
Dood dheer ayaa ka taagan kamuunada qaarkood oo ay sameynayaan cunsuriyiinta xisbiga SD kuwaasoo ku doodaya in dadkaan aysan caruur ahayn balse ay yihiin dad waaweyn oo nidaamka qayaanaya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here