“Dadka Qaangaarka ku dhow waa in ay dacwada hada xareystaan”

Johan Rahm oo ah madaxa warfaafinta ee Laanta Socdaalka Sweden ayaa wareysi uu siiyay idaacada Sverige Radio u sheegay in ay muhiimtahay in dadka da’dooda ay ku dhowdahay 18 sano ay dacwada sii xareeyaan ka hor inta aan la gaarin bisha July 2012 waqtigaas oo sharciga cusub la filayo in uu dhaqan galo.

Arintaan uu ka hadlay Rahm ayaa ah mid jawaab ka bixineysa su’aalo badan oo horey ay noo waydiiyeen dhalinyaro badan oo markii sharciga ay dalbadeen ama hadaba 18 sano ka yar balse bisha July 2012 da’dooda ay gaareyso 18 sano ka badan. Dadkaas ayay u muuqataa in loo tixgalin doono da’dooda intay ahayd markii ay dacwada xareysteen, sidoo kale waalidiinta u dacwooday caruurtooda oo 18 sano ka yar balse buuxinaya da’daas ka hor July ayaa la mid ah.

Johan Rahm ayaa sidoo kale sheegay in laanta Socdaalku ay ku sii soconeyso sharcigii hore ee ay gaartay Maxkamada Socdaalka (kaasoo sababay in la diido soomaalida) ilaa laga gaaro bisha July 2012.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. moha cade says:

    Ee xaa waaye sharciga cusub oo lagaari doono

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. MAXAMUUD says:

    sweden waxba kama soo socdaan eee dadaw yaa waqti inkaga lumin jully 2012 kahor somalia ayaaba nabad noqonaysa marka waa waqti dheeraysi ilaaa waqtigaa aysheeg xaalada somalaia ayaaa la eegayaaaaa bal hadalkayga meel ku qora somaalaayay maalin ayaa soo xasuusan doontaaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Gaafaw says:

    caruurta la siiye 3 sadax diidmo hadana qaangaaray xaalkoodu waa sidee,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. mohamad says:

    sxb kuma fahmin aniga dhab ahaantii marka isku day inaaad noo cadayso ma waxaad ka ahdlee dadka kunool afrika oo loo dacwoonaa ? masa dadka inta jogo? 18jirkana hadow sharci leyahay mar labaad miyuu xaraynaa fadlan i fahamsii adigo mahadsan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. Dr Mohamud says:

    sc maamulka Boggan iyo dhamaan walalah Somaliyeed ee ku xiran SOMALISKA.COM
    walalkay MAXAMUD hadalkiisa waa hadal xaqiiqa ah,runtii inta wakhtigaas la gaarayo waxyaabo badan ayaa isbadeli kara dhinacyo badan oo ay ka mid tahay xaalada guud ee SOMALIA, lakiin marka laga hadlayo Isbedel nabadeed oo ka dhaca wadankeena runtii waa waxa habeen iyo maalin aan ilaaheen ka baryeeno wax nooga farxad iyo rayrayn badan ma jirto maalin maalmaha ka mid ah anaga oo aragno Dalkeenii oo nabad buuxda ka jirto isla markaana Sharaftii iyo tixgelintii uu aduunka kulahaa ay soo noqoto noolana aqoonsado wadan la mid ah Dowlahada Caalamka oo markas dhamaan Documentigiisa la aqoonsan yahay.
    marka dhinacaas walwal inaguma hayo runtii hadii ale inoo dejiyo wadankeenii wax aan dhaafsan karona malaba jiraan.
    Mida kale waxii calaf aan ku leenahay waan helaynaa si walba ay ahaatoba marka ilaahay wax khayr iyo rajo wanaagsan ayaan ka rajaynaynaa, aynuna saburno insa dejino insha alah. Wixii dedaal ah oo markas aan samayn karno aan ku dhaqaaqno sida arintaan hada walalkeen Khayr aleh hasiiyee JIMCAALE in sheegay in hada ay sii xeraystaan dhalintaasi dacwadooda waxii hadhow ale kasiiyona ay ku kalsoonaadaan insha alah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. caqil yare says:

    sxb aad ayaad umahadsantahay sida aad ugu dadaaleyso umada somaliyeed ajarkedana illaah hakusiiyo,koleey qofki wanaaga umada kashaqeysaa badalkeda ayey helesaa sxb hanbalyo ayaana kuleeyahay warkaadana sifiican ayaa loo fahmayaa dadka qaar ayaa jira sikale wax u aqriya marka yesan ku qal qal galin thnks bahda somaaliska

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. hashi says:

    Runtii anitaan waa arin aad iyo aad uwanaagasan.
    Waxaane waaxa iska dhalanteed ah malin waa laxirayaa malina waa lafurayaa marka waaxaa oran lahaa dadka dhiig karka qaba yaysan ku mash quulin arinta sverige qofkii calaf ugalo waa imanaa qofkii aancalafugalinna ma imanaayo waa xaa dhacay hada mudo aan saas usii dheereen dalka ugaandha ruux 12 sano sugaayay layn uxarays naa oo markii fiisadii lasiiyay naftuba kadhacday marka waxaan waa aduun aniga oo hadan dareemaaya dareenka dadka kamaqan in xoogaa dhib ah uujiro hada yaan saas la isku siimurjin.
    hadii dalkii nabad noqdana hade waasaan rabnay oon waqatikasta aan ilahay ubarino yaana lagaquusan baryaha ilahay waxaa xaqiiqaa in sidaan ay 1000jeer nooga wanaagsanyahay dalkeenu marka dala alla hanoohagaajiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Iniin says:

    A/s/c marka hore waa arin muhiim u ah dhalin faro badan. Mida kale ma waxaan diidanahay in wadanku nabad noqdo waanbo ku farxeynaaye dowlada swedan aabo madadaalo noo heyda halka dowlada soomaaliya ardayda kala xaglineyda xaqadarada ku heyda nabad waa mid ale keeni karo ma muuqato mid dhow hada dowlada dadka dileyda ma dheheyno nabaday k3ne ayaduba shisheeyaha ku ganbaneyda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. moha cade says:

    Alx walaal lehey arin aad iyo aad aan ugu farxo ayaad i maqal sii seen ee ilaahay waan ka tuugeena inaa wadan keena nabad nugu dhigo iyo intaas meel aan nabad ugu meel gaarno alaa noo sahlo insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Waano says:

    ASC dhamaan walaalaha somalida ah waa wax fiican hadii ay arintaas ka hadleen dowlada Sweden. balse waxaa is waydiin leh dad badan ayaa hada diidmo laga safar oo ay xoog u socotaa under den här veckan. waa sidee xaalku waxaan arkay dad badan oo diidmo la siiyey waana dadkii dacwada horay u xaraysatay oo hal iyo labo haray u qabay . hadana way socotaa markaa meeshaan walaalaha somalida waxaan waxaan u sheegayaa in aysan waxba isku mashquul hadii Alle qoray in ay dad ka yimadaan Africa oo calaf looga qoray halkaan way imaan doonaan awalbaan meeshaan khayr laga kordhisanaynee .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. zainab says:

    asc walalha somalida oo mus liminta wadin salamey mel walbo jogtin ani halkan waxan kadhihi lahaa qof an ugu xarey yey 15jir 2009 hadanah hadi ay dhahan wales qada 7/2012 qofkas maxa ley gu dhaha walalha musliminta jawab wacan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. C/kariin says:

    Sankaan 2011 qofki xareyay hadane intar fuuga maray bishii 9laad marlabad miyey xarenayan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. abooto says:

    waa arin lagu farxo waxaan swedan imid 2008 cunuga u weyn ilmahayga waxuu jiray markaas 15 sano dacwadana waxay u xaraysan tahay labo sano iyo hal sano oo aan sharci la aan ahay marka waa ka murugaysnaa ilaah ha noo saqiro waxaan nahay hooyo aan ilmaheeda quuradooda maqleyn jicaale waa kuu duceynay sida wanaagsan oo aad noola socodsiiso waxyaabaha ay ku hadlaan swedishka maadaam aanan aqoon luqadaan waad mahadsan tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • nuura ahamed says:

      waan ku salmay walal salan kadib waxa doonaya in aan ku weydiyo waxa yar ee aan mar waliba is weydiyo kasina waxa weye gabar an walalo nahay ayaan u xaraye 2009 didma ayana leyga siye laba jeer marka dadka walala ah ma ku jiran waxa leysku keenayo fikrad iga si adigo mahdsan

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Raaqia says:

    asc wr wb
    su aal
    ku socota walalakay jimcale illaahay khyr hasiiye
    wall jimcale waxan ahay hooyo ubadki ka kamaqan yahay marka wall inamaha caruurta ugu weyn baa iga qaangadhaya April 2012
    marka wall keligii maloo xaraynka dacwada
    mise waa in caruurta oo dhan loo soo xaleyo madama aan diidmo haysto
    wall adooralia telgaga malaheli kara mada aad utagan tahay caadimada walidiinta somaliyed adi lahelikaro msn kayga igu soo dir jzklh khyr
    wabillaahi rowfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Jimcale says:

    Wsc, walaal Raaqia waxay ila tahay in aad dhamaantood hal mar u wada xareyso dacwada. Haddii aad diidmo haysato dhibaato ma leh waayo waxaan filayaa in markii la gaaro July 2012 dhamaan dadkii la diiday fursad kale la siin doono.

    Muhiimadu waa in aad sii xareysato dacwada ka hor July 2012 ama diidmo ha lagu siiyo ama ha la aqbalo. Muhiimadu waa in aad kombutarka ku sii jirto oo aysan dacwadaada ahayn mid cusub ee ay tahay mid horey u socotay.

    Telefoonkeyga waxa uu ku qoranyahay qeybta Contact Us

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Raaqia says:

    asc
    akhii jimcaale
    wad ku mahad san tahay sida habsamida le aad iigu jawabtay
    jzklh wjzk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Maamed says:

    walalakay jimcaale iyo akhyarta kalee sharafta leh waan salamayaa.
    waxan guursaday gabadh joogta wadanka swedan 2009 welina wax caruur ah isuma lihin. hase ahatee gabdh hore oo caruur iilahayd ayaa jirtay oo 7aruur ah ii haysay hase ahaatee hadda geeriyootay . kolkaas weli waxba maanaan xaraysan ,wax waraaqo oo aanu samaysanayana ma jiraan. sedee ugu fududee aniga iyo acaruurtayda iyo xaaskayga cusubibaaanu sweden u tegi karnaa.. anigu waxa aan kunoolahay wadanka Bahrain.
    waxa aan sugayaa adigoo mahadsan inaad ii sharaxdo sida aanu isku meel kunoolaanlahayn . ayadoo gabadhu hadda ay 4sano swedan deganayd baasaboor yarna weli ay leedahay.
    waad mahadsantihhin .. ilahayna hainaga saaro dhibatada joogtada ahee ina wada saaran ee ay keentay xaalada wadankeenu.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. boobaaye says:

    asc walaaliuyaal aad baad u mahadsantiheen maadaama an noo sheegteen run iyo beenba laken dowlada svariya ma wanaagsana dadna ineey udeedaan ilmahooda kuwana ay ukeenaan taase xaq ma ahan waxaasa kasee jeclaan laha dadka inlawada simo ama laiska dhaafo wsc wrm

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0