Dadka SFI dhigta oo aan luuqada ku hadlin

11

Cilmi baaris uu sameeyay machadka Eductus ayaa lagu soo bandhigay in sadex meelood sfi-somaliskameel ka mid ah ardada dhigata koorsada luuqada ee SFI-ga aysan ku hadlin luuqada Swedishka marka ay ka tagaan fasalka.

Sababta ka dambaysa in aysan ardadu ku hadlin luuqada ay bartaan ayaa waxaa sal u ah in aysan haysan cid ay kula hadlaan luuqada. Swedishka oo ah dad xirxiran ayaa sabab u ah in ardada 32% ay sheegeen in aysan wax xiriir ah la lahayn dadka wadanka u dashay. Balse 90% ayaa sheegay in ay doonayaan in ay bartaan dadka Swedishka oo luuqada kula hadlaan.

Susanne Christenson oo ka tirsan Eductus ayaa sheegtay in Swedishku ay yihiin dad xishood badan sidaa darteed loo baahanyahay in ardadu isku dayaan in ay wada sheekeysi la yeeshaan marka ay kula kulmaan dukaamada iyo basaska.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan arin cusub ahayn in koorsada SFI ay tahay mid fashil ah oo ardada inta badan aysan ka baran heer luuqadeed oo ay dadka kula hadli karaan. Waxaa sidoo kale sax ah in Swedishku ay yihiin dad xirxiran oo ay adagtahay in lala sameeyo xiriir.

Sidee u aragtaa waxtarka koorsada SFI -ga? iyo sida xiriir loola samayn karo Swedishka?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here