Dadka u safraya Somalia oo looga digay cudurka Dabaysha

0

Cudurka dabaysha (Polio) ayaa bilihii la soo dhaafay dib ugu soo laabtay Somalia iyadoo ilaa bishii Maay ee sanadkaan la soo poliosheegay 65 kiis oo cudurka Dabaysha ah. Faafitaanka cusub ee cudurka Polio ayaa walwal ku abuuray bulshada caafimaadka ee aduunka. Hay’ada Xakamaynta cudurada Sweden (Smittskyddsinstitutet) ayaa ugu baaqday dadka u safraya Somalia in ay iska talaalaan cudurka Polio inta aysan aadin Somalia.

Talaalka caruurta ee Dabaysha ayaa Sweden waxaa la siiyaa caruurta marka ay da’dooda tahay  3, 5 iyo 12 bilood iyo 5-6 sanadood. Caruurta aadka u yaryar ayaa lagu taliyaa in la siiyo talaalka aasaaska ah inta aysan u safrin wadamada uu ka jiro cudurka Dabaysha.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here